Dalxiiseyaal ka dawarsanaya waddooyinka oo lagu xiray Kenya

Xigashada Sawirka, KBC
Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 40 qof oo Urdun u dhashay kaddib marki lagu helay iyaga oo gudaha dalka Kenya ka dawarsanaya.
Dadka uu booliska Kenya xiray oo ka kooban 40 qof oo isugu jira 19 qof oo waaweyn iyo 21 carruur ah ayaa dalka Kenya ku soo galay fiisaha dalxiiska.
Warkan oo aan ka soo xigannay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaya dadka la xiray oo magaalada Mombasa u tagay qaab dalxiis in la arkay iyaga oo waddooyinka magaalada taagan oo ka dawarsanaya.
Taliyaha booliska degmada Mavita, Maxwell Agoro wuxuu sheegay inay dadkaas xireen kaddib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka.
“Markii uu boolisku dadkaas soo xireen kaddib waxay u galbiyeen saldhigga dhexe si su’aalo loo weydiiyo. Waxaa lagu helay inay ka hor imaanayaan dal-ku-galka ay haysteen iyagoo isku beddelay kuwo dawarsada oo aan ahayn dalxiisayaal," ayuu yiri Maxwell Agoro mar uu warbaahinta la hadlayay.
Agoro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in baaritaanno horudhac ah oo la sameeyay lagu ogaaday in 40-ka qof ay ku sii jeedeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaana uu sheegay in ay u dawarsanayeen si ay dhaqaale ugu uruursadaan safarkooda.
Dadkaas ajaanibta ah ayaa loo gudbin doonaa Laanta Socdaalka dalka si loo sii hubiyo.
Ajaanib badan ayaa gudaha dalka Kenya ka dawarsata, hase yeeshee, wararku waxa ay sheegayaan dad fiiso dalxiis dalka ku soo galay oo dawarsi ku dhaqaaqa inay ugu horreeyaan muwaaddiniintan Urdun.

Xigashada Sawirka, KBC
Isbarabardhigga dhaqaalaha Kenya iyo Urdun
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhaqaalaha Kenya
Dhaqaalaha dalka Kenya ayaa ah kan ugu awoodda badan waddamada Geeska Afrika.
Dalka Kenya oo tan iyo markii uu xorriyadda ka qaatay guumeystihii Ingiriiska wuxuu meel mariyay siyaasad dhaqaale oo furfuran, taasoo soo jiidatay maalgashiga, wax-soo-saarka beeraha iyo warshadaha.
Warbixin uu dabayaaqadii 2021-kii shaaciyay Bankiga Adduunka waxaa lagu sheegay dalka Kenya dhaqaalaha wax-soo-saarkiisa inuu gaaray 110.35 bilyan oo doollar. Waa dal ay ku nool yihiin 53.77 milyan oo qof.
Wax-soo-saarka ugu badan uu dhaqaalaha dalka Kenya ku tiirsan yahay ayaa ah beeraha, ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska.
Dhaqaalaha Urdun
Dalka Urdun oo ku yaalla Bariga Dhexe ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay waddamada dhaqaalahooda uu furfuran yahay.
Bankiga Adduunka warbixin uu soo saaray 2021-ka wuxuu ku sheegay dhaqaalaha guud ee sanadkii soo galo dalka Urdun inuu yahay 43.80 bilyan oo doollar. Waa dal ay ku nool yihiin 10.2 milyan oo qof.
Dhaqaalaha dalka Urdun wuxuu ku tiirsan yahay saliidda, dalxiiska, beeraha, ganacsiga iyo macdanta.
Marka loo eego awoodda dhaqaale ee ay leeyihiin waddamada kale ee Bariga Dhexe ku yaalla waxaa Urdun lagu tilmaamaa dal uu dhaqaalahiisu hooseeyo.












