Kenya iyo 12 waddan oo kale oo wajahaya khatarta burburisay dowladdii Sri Lanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sri Lanka ayaa mar ka mid ahayd dalalka ugu dhaqaalaha iyo farxadda badan waddamada qaaradda Aasiya, balse haatan waxaa ay ku jirtaa dhibaatooyin dhaqaale oo ah kuwii ugu xumaa tan iyo markii uu dalkani qaatay xoriyadda.
Sri Lanka dhowr jeer ayaa muddo loo qabtay in ay kusoo guddo deymaha lagu leeyahay laakiin qiimaha sarrifka oo hooseeya ayaa keentay in ay bixin waayaan deynta, waxaana ugu danbeyn ay ku dhawaaqday dowladdu in aysan awoodin.
Dadka reer Sri Lanka waa ay dibad baxayaan oo waddooyinka ayay dhooban yihiin iyagoo ka sheeganaya xaaladda dhaqaale ee dalkaasi. Madaxweynaha ayaa dalka isaga cararay kaddibna is casilay.
Waxaa safaf dhaadheer loogu jiraa kaalimaha shidaalka. Qiimaha dawada iyo cunnadana wuu laba jibbaarmay.
Marka uusan waddan bixin karin daynta dalalka kale ay ku leeyihiin waa marka uusan heysan lacagaha qalaad, waxaana uu noqdaa waddan qaan ku jira.
Dhibaatadan kuma eka Sri Lanka oo kaliya.
Dalka Laatin Ameerika ee Argentina ayaa laba jeer deymaha iska bixin waayay intii u dhaxaysay 2000 iyo 2020. Giriiga waxa uu sidoo kale bixin waayey deyntii lagu lahaa sanadkii 2012.
Ruushka ayay taasoo kale ku dhacday sanadkii 1998-kii. Dalka Uruguay ayaa musalafay sanadkii 2003-dii. Jasiiradda Dominican Republic ayaa sidaasoo kale u qaamowday 2005-tii, halka Ecuador ay dhibaatadaasoo kale ku dhacday sanadkii 2001-dii.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, sanadkan, marka laga soo tago Sri Lanka, waddamada Lubnaan, Ruushka, Suriname iyo Zambia waxay awoodi waayeen in ay waqtigeeda ku bixiyaan deynta, iyagoo musalafay.
Sidaas si lamid ah Belarus ayaa ku jirta marxaaladdaas oo kale. Ugu yaraan 12 waddan oo kale ayaa khatar noocaas ah ku jira.
Myanmar
Sida ay baahisay warbaahinta maxalliga ah, bangiga dhexe ee Myanmar waxaa uu soo saaray amar ku aaddan in shirkadaha iyo bankigayada dalka ku yaalla ay xakameeyaan kaydka lacagaha qalaad ee ay hayaan.
Amarkan waxaa lagu dalbaday in dib loo dhigo bixinta deymaha dibadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Reuters oo warkan shaacisay waxay sheegtay in aysan si madax bannaan u xaqiijin karin amarkan oo bangiga dhexe kasoo baxay 13-kii bishan July, baraha bulshadana si wayn loogu hadal hayay.
Hoos u dhaca sarrifka lacagta Myanmar ee Kyat iyo doolarka ayaa sii xoojiyay xasaradaha dhaqaale ee horay uga jiray waddankaas.
Sicirka saliidda iyo raashinka ayaa cirka isku shareeray. Sanadkii lasoo dhaafay, militeriga ayaa afgambi kula wareegay xukunka waddanka Myanmar.
Pakistan
Todobaadkan Pakistan waxaa ay heshiis muhiim ah la gashay hay’adda lacagta aduunka ee IMF. Waxay mar kale Pakistan heshiis kula gashay in ay lacag deymiso, balse sababa la xiriira qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka, waxaa jira cadaadis xoogan oo saaran lacagta Pakistan, taas oo dib ugu celinaysa dhibaatooyinka.
Kaydka sarifka lacagaha qalaad ee Pakistan ayaa hoos ugu dhacay 9.8 bilyan oo doolar. Rupee-ga Pakistan ayaa hoos u dhacay oo gaaray heerkii ugu hooseeyay.
Marka loo eego hal dollar, lacagta Rupee-ga ee Pakistan ayaa gaartay ilaa 210.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda cusub ee Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa hadda u baahan in ay si degdeg ah u jarto kharashaadka maadaama ay 40% dakhligeeda ku bixinayso oo kaliya in ay bixiso lacagaha dulsaarka.
Ukraine
Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa socda dhowr bilood.
Maalgashadayaal waaweyn, sida Morgan Stanley iyo Amundi ayaa ka digay in xaaladda noocaan oo kale ah ay Ukraine galin karto $20 bilyan oo deyn ah.
Bishii September waxaa ay dalka Ukraine u ahayd bil dhibkeeda leh.
Waa in uu bixiyaa lacag gaaraysa $1.2 billion oo dollar. Haddii ay lacagtaasi bixin waydana waxay u badan tahay inay gasho xaalad la mid ah tan Srilanka.
Tunisia
Afrika dalal dhowr ah ayaa Hay’adda Lacagta Aduunka ka dalbaday inay deyn ka qaataan. Balse Tunisia ayaa ku jirta khatarta ugu wayn.
Iyadoo madaxweynha dalkaasi, Kais Syed uu sii hayo awoodda dalka waxaa jira walaac laga qabo in ay ku adkaato in uu wax ka amaahdo IMF.
Ghana
Amaahda degdegga ah waxay kordhisay deynta saamiga ee Ghana ilaa 85 boqolkiiba.
Lacagta Ghana ee cedi, ayaa sanadkan lumisay ku dhawaad rubuc qiimaheedii.
Dalkani waxa uu horayba in ka badan kalabar dakhliga usoo xarooda ku kharash gareeyey bixinta deynta dibadda.
Sicir-bararka ayaa sidoo kale gaadhay ku dhawaad 30 boqolkiiba.
Masar
Waxaa lagu qiyaasay in Masar ay ku jirto $100 bilyan oo deyn ah islamarkaana laga rabo in ay ku bixiso lacagtaasi shanta sano ee soo socota gudahood.
Masar ayaa hoos u dhigtay lacagteeda, pound-ka, boqolkiiba 15 waxayna caawimo ka raadsatay IMF bishii Maarso.
Kenya
Kenya ku dhawaad boqolkiiba 30 daqligeeda waxaa ay ku bixisaa deymaha iyo dulsaarkooda.
Dhibaatooyinka haysta waxaa ka mid ah daymaha oo xadkooda dhaafay iyo suuqyada caalamka oo aysan sameyn ku lahayn. Qiimaha lacagteeda ayaa ku dhawaad kalabar hoos uga dhacay suuqa dibadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
David Rogovic, oo ka tirsan shirkadda qiimaynta lacagaha ee Moody's, oo Reuters uga warramay arrimaha la xiriira Kenya, Masar, Tunisia iyo Ghana, ayaa sheegay in wadamadan ay xaaladihii ugu adkaa ku jiraan, maadaama lacagta deynta ah ee lagu leeyahay ay ka badan tahay kaydka lacagaha qalaad ee ay haystaan.
Itoobiya
Itoobiya waxa ay deyn cafin ka heli kartaa barnaamij ay dalalka G20 ugu talogaleen caawinaad.
Sidaas awgeed Itoobiya waxa ay noqonaysaa wadankii ugu horeeyey ee ka faa’iideeysta mashruucaan.
Dagaalka sokeeye ee haatan ka socda dalka ayaa hakat galiyey horumarka. hase yeeshee waxaa kaliya oo ay bixinaysaa hal bilyan oo dollar oo daynta lagu leeyahay ah.
El Salvador
Wadankan waxaa uu si shari ah lacag ahaan ugu aqoonsaday lacagta Online-ka ah ee Bitcoin.
Cryptocurrency waxaa lagu arkay hoos u dhac weyn dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, taas oo ay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay El Salvador wajahayso.
Belarus
Cunaqataynta reer galbeedka ayaa si adag u saameysay dhaqaalaha ruushka laga soo bilaabo bishii hore.
$100 milyan oo dollar ayaa laga rabay Ruushka in uu bixiyo balse ma awoodin.
Belarus waxaa ay la jirtaa Ruushka oo ay garab ku siinayso dagaalka Ukraine.
Taas waxay sababtay in Belarus ay sidoo kale wajahdo xaalado dhaqaale oo aad u qallafsan.
Ecuador
Wadankaan ayaa qaan galay labo sano ka hor sababo la xiriirta in uu iska bixin waayey deynta.
Malaayiin shacabka dalkaasi ah ayaa ka soo hor jeeda madaxweynaha dalkaasi Guillermo Lasso. Madaxweynaha ayaa lagu dhaliilayaa in uu dalkiisa galiyey xasarado dhaqaale.
Nigeria
Dowladda Nideria waxa ay boqolkiiba 30 daqliga dalkaasi ku bixisaa lacagaha dulsaar ka ah ee daymaha.
Shaqaalaha gargaarka ee qaramadaa midoobay ayaa sidoo kale soo saaray diginin ku aaddan xaaladda sii xumaanaysa ee nolosha malaayiinta qof ee ku nool gobolka waqooyi bari dalkaasi.
Deegaankaas waxaa si joogto ah u saameeya dagaallada iska soo hor jeeda.
Nideria waa waddan soo saara saliidda, balse ma laha warshado ka shaqeeya saliidda nadiifinteeda, taasoo Nigeria ka dhigtay waddan ku tiirsan saliidda dibadda looga keeno.












