Soomaalida iyo South Afrika: Waa imisa Tirada Soomaalida ku dhimatay rabshadaha Koonfur Afrika?

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu baaqay dadka in ay is dejiyaan "kana hortagaan rabshadaha", iyada oo laga jawaabayo qalalaasaha ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay xariga Madaxweynihii hore, Jacob Zuma.
Ugu yaraan lix qof ayaa la dilay ku dhowaad 500-na waa la xiray tan iyo markii Zuma uu booliska isku dhiibay, Isbuucii hore.
Waxaa la dhacay Dukaamo halka dhismooyiin dab la qabadsiiyay.
Ciidamada ayaa la geeyay gobolka Gauteng, iyo gobolka uu ka soo jeedo Zuma ee KwaZulu-Natal.
Zuma waxaa lagu xukumay amar-diido maxkamadeed ka dib markii uu ka soo qeyb gali waayey baaritaanka la xiriiro dacwada musuqmaasuqa ee loo haysto ee dhacay intii uu madaxweynaha ahaa.
79 jirkan oo isagu diiday eedeymaha musuqmaasuqa ayaa lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah.
Wuxuu rajeenayaa in xukunka ay laasho ama ay yareyso maxkamada dastuuriga ah ee wadankaasi.
Si kastaba ha noqotee, khubarada sharciga ayaa sheegaya in fursadihiisa guusha ay aad u yar yihiin.

Xigashada Sawirka, AFP
Waxyeellada soo gaartay Soomaalida
Waxaa jira warar sheegaya in ilaa afar qof oo Soomaali ah lagu dilay qeybo ka tirsan gobolka Kwa-zulu Natal ee ay ka socdaan dibadbaxyada rabshadaha wata.
Waxaa sidoo kale dhac iyo boob loo geystay hanti ay leeyihiin dad Soomaali ah.
Cabdullaahi Macow Cawaale, oo ku nool Durban, gobolka Kwa-Zulu Natal ayaa BBC u sheegay in ilaa iyo imika tirada Soomaalida ee dhimatay ee la xaqiijiyay ay gaareyso afar qof.
"Dhimashado waa 4; labo magaaladan ah oo aan anigu wax ka soo qaaday oo aan geeyay meesha meydadka la dhigo iyo labo 185KM magaalo ii jirta ku geeriyootay," ayuu yiri Cabdulahi.
Cabdulahi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah dilkooda loo adeegsaday rasaas oo meydadka ay soo qaadeen ay xabado ku yaaleen.
"Rasaas aad u badan ayaa ku dhacda nimanka dhalinyarada ah mid madaxa ayay xabaduhu uga dhaceen midna madaxa iy lugaha oo dhan way jajabnaayeen," ayuu yiri.
Qalalaasaha oo markii hore ku bilaabmay mudaaharaadyo looga soo horjeedo xarigga Zuma, wuxuu markii dambe isu rogay rabshado iyo boob.













