Nadia oo shaacisay nolosheedii qaxootinimo ee ay ku tagtay ilaa Maraykan

Xigashada Sawirka, Nadia Mohamed
Nadia Maxamed oo dhowr taariikh dhigtay ayaa talaadadii lasoo dhaafay magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka ka noqotay duq maagaalo.
Hal duq magaalo oo kale oo Soomaaliyeed ayaa jira gudaha dalka Maraykanka - Deqa Dhalac ayaa loo magacaabay duqa magaalada South Portland, Maine, sanadkii 2021, iyadoo noqotay duq magaalo ee ugu horeysay ee Soomaaliyeed. Deeqa waxaa soo xushay golaha deegaanka, halka Nadia ay hadda tahay duqii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo loo doorto gudaha Maraykanka.
Waxaa ay sidaas Nadia ku noqonaysaa maayarkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee cod dadweyne loogu doorto magaalo Maraykanka ka tirsan.
Nadia hooyadeed marwo Faadumo Nuur Barqadle oo BBC la hadashay ayaa sheegtay in Naadiya ay juhdi iyo dadaal badan gelisay doorashada, isla markaana ay tahay qof bulshada kasbata.
“Naadiya waa qof karti badan, furfuran, soo dhoweys badan, dadku isugu mid yihiin. Qof dadka caawiso oo ah qofka tusaalaha u ah ilmahayga,” ayay tiri.
“Siddeed iyo toban sano ayaan bulshadan ku dhex noolaa marka aadbaan ugu faanaa sharabayna ii tahay” ayey tiri Nadia.

Xigashada Sawirka, Social Media
Taariikh nololeedka Nadia
Waxay 27 jirtani ku dhalatay dalka Kenya sannadkii 1996, hakaas oo ay qoyskeedu kusoo qexeen xilliyadii dagaalkii sokooye.
Qoyska Nadia waxay u guureen magaalada St. Louis Park qaxooti ahaan markay Nadia ahayd 10 jir, halkaas oo ay kusoo qaadatay wax barashdeeda hose dhexe ilaa heer jamacadeed, waxayna hadda diyaarinaysaa shahaadada labaad ee jaamacadda.
“Waxaan haystaa shahaadada koowaad ee jaamacadda ee Kheyraadka Aadanaha waxaanan ka shaqeynayaa shahaadada mastarka ee hoggaanka waxbarashada. Waxaan u tartamay Golaha Magaalada SLP 2019 oo hadda waxaan ka shaqeeyaa golaha” ayey Nadi kusoo qortay bogga ay internet-ka ku leedahay ee ay ku ololaynaysay.
Nadia waxay sheegtay inay yaraanteedii isku dayi jirtay sidii ay u fahmi lahayd wax walba.
“Waxaan turjumaan u ahaa hooyaday aniga oo yar, waan hagi jiray, waxaan u akhrin jiray waraaqaha caafimaadka, waxaana isku dayi jiray inaan fahmo waxa laga wado wax kasta” ayey tiri Nadi mar ay u waramaysa warbaahinta maxalliga ee dalkaas.
“Hooyadey waxay kasoo qaxday Soomaaliya, Kenya ayayna timid. Labada dalba maaheyn meel ilmo lagu korsan karo. Halkan ayay nagu korisay, waxyana dooneysay inaan nolol fiican iyo waxbarasho helno,” ayay tiri.

Xigashada Sawirka, Social Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nadia oo la dhalatay afar caruur ah, waxay hooyadeed ku tilmaantay qof aad u dedaal badan juhdi bandanna galisa hawlaheeda.
“Naadiya habeen iyo maalin ma seexaneyn. Waxay isku wadday howlo badan. Dad badan ayaa sidoo kale garab ku siiyay,” ayay tiri.
Waxay intaas ku dartay in Naadiya ay siyaasadda ku biirtay xilli hore ayna lasoo shaqeyneysay booliiska, sidaasna ay ugu dhalatay inay ku biirto siyaasadda.
Naadiya, keliya Soomaalida ma caawin, balse waxaa sidoo kale garab taagnaa duqii hore ee magaalada ay hadda ku guuleysatay, Jake Spano, iyo sidoo kale bulshada kale ee magaaladaas ku nool.
Waxay sheegtay inay diiradda saari doonto dadka guryaha leh ama doonaya inay iibsadaan, ganacsiyada yaryar iyo nabad gelyada bulshada.
“Waxaan si hagar la'aan ah uga shaqayn doonaa sidii aan u hubin lahaa in dawladda hoose ee magaaladeenu ay sii ahaato mid daah-furan, isla xisaabtan ah, oo wax ka qabata baahiyaha dadka deegaanka. Waxaan sii wadi doonaa inaan diirada saarno dhisidda iskaashiga bulshada dhexdeeda, ganacsiyada, dugsiyada, iyo daneeyayaasha kale si aan u helno xalal cusub si loo hubiyo in magaaladeenu ay sii ahaato safka hore ee horumarka iyo hal-abuurka” ayey tiri.
“Waxay ila tahay matalaaddu waa muhiim, waayo dadku isku waxyaabo lamaysan kulmin, sax?.
Da’du waxba ma aha, waa waaya aragnimada aad kusoo noolayd waxa aad la imaanayso, iyo jacaylka aad u qabto bulshadaada iyo deriskaaga,” sidaasi waxaa tiri Nadia oo doonaysay inay meesha ka saarto su’aal galinta waaya aragnimadeeda iyada oo daddeeda yaraan lagu tilmaamayo.















