Waa kuwama 'Argagixisada' uu Turkigu ka doonayo inay ku wareejiyaan dalalka Yurub?

Madaxda Gaashaanbuurta NATO

Xigashada Sawirka, NATO/FACEBOOK

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa codsaday in ay ku biiraan Gaashaanbuurta NATO kaddib markii Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine.

Turkiga ayaa noqday dalka keliya ee ka mid ah soddonka xubnood ee NATO kana soo horjeestay codsiga dalalkan, isagoo arrintaas u sababeeyay in loo baahan yahay in ka hor inta aan xubinnimada loo oggolaan dalalkaas ay tahay in ay Turkiga u soo gacan galiyaan dad Tukiga ka soo jeeda oo la xiriiriyay argagixisinimo.

Sida ku cad qoraal lagu saxiixay shir madaxeedkii NATO isbuucii hore, Finland iyo Sweden waxay ku heshiiyeen in ay wax ka qabtaan "codsiyada isu-celinta ama dhiibista ee tuhmanayaasha argagixisada waliba si degdeg ah oo dhamaystiran" iyo in la sahamiyo "qaababka sharci ee labada dhinac si loo fududeeyo soo gacan galinta dadkaas Turkigu doon-doonayo."

 Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in Sweden ay ballan qaaday in ay dowladdiisa u soo gacangelin doonto 73 qof oo lagu tuhmayo “argagixisonimo” oo ay hore u soo dhiibtay saddex ama afar ka mid ah. Wargayska Hurriyet ee taageera dawladda Turkiga ayaa daabacay liiska 45 qof oo ay ku jiraan 33 u dhashay Sweden iyo 12 u dhashay Finland.

Dadka Turkigu doon-doonayo

Wariye

Xigashada Sawirka, BULENT KENES

Turkiga ayaa si gaar ah u doonaya in loo soo gacan geliyo shaqsiyaadka uu u arko inay xiriir la leeyihiin Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ee (PKK), oo Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ay u arkaan koox argagixiso. Waxa ay sidoo kale baacsanayaan taageerayaasha wadaadka Turkiga ah ee Fethullah Gulen, iyadoo Turkigu uu Gulen ku eedeeyo afgambigii dhicisoobay ee ka dhanka ahaa madaxweyne Erdogan 2016-kii.

BBC-da ayaa la hadashay saddex qof oo ay raadinayso dowladda Turkiga.

Wariye Bulent Kınş:

Muddo sanado ah, Kenesh waxa uu ahaa tafatiraha guud ee wargeyska Today's Zaman, oo ah mid maalinle ah oo wax ku qora Af- Ingiriisi kana soo bixi jiray Turkiga, ka hor inta aan la xirin sanadkii 2016-ka. Maanta Kenesh waxa uu qaab magangalyo ahaan ah ugu nool yahay caasimadda dalka Swedan ee Stockholm.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maamulka Turkiga ayaa Kanesh ku eedeeyay inuu ka tirsan yahay dhaqdhaqaaqa Gulen, ama waxa ay ugu yeeraan ururka argagixisada ee Fethullah (FET), kaas oo la og yahay inuu xiriir la leeyahay shabakado badan oo iskuulo ah, isla markaaba aan looga tixgalin Midowga Yurub iyo Mareykanka urur argagixiso.

Kanesh waxa uu sheegay inuu bartilmaameed u noqday mas’uuliyiinta sababtoo ah dhaleeceynta qayaxan ee uu u jeedinayo madaxweyne Erdogan, waxa uuna la kulmay eedeymo la xiriira in uu maleegayay afgambi dowladda ka dhan ah: “Dhammaan eedeymaha waa kuwo been abuur ah, aniga waxaan ahay wariye madax-banaan, mana lihi wax urur ah”,ayuu yiri.

Waxa lagu riday xabsi sanadkii 2015-kii ka dib markii lagu helay "aflagaado uu u geystay madaxweynaha."

Aflagaadada madaxweyne Erdogan ayaa weli ah eedeymaha caadiga ah, iyadoo 17 wariye iyo sawir-gacmeedyo la soo taagay maxkamad seddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2022, sida uu sheegay ururka madaxa bannaan ee Turkiga ee Bianet.

Bulent Kanesh waxa uu aaminsan yahay inuu noqday gorgortanka u dhexeeya Erdogan iyo Sweden ee wada xaajoodka NATO.

Kamana baqayo in loo gacan geliyo, balse wuxuu u arkaa inay tahay "khiyaano qiyamka Sweden" ee dimoqraadiyada iyo ilaalinta mucaaradka. “Tani imtixaan uma aha nidaamka Erdogan... balse waa imtixaan ku socda maamulka Sweden,” ayuu yiri.

Fatih nin ka mid ah dadka Turkigu doonayo in loo soo gacan galiyo

Qof ayaa ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday safaaradda Turkiga ee Helsinki sanadkii 2008-dii

Xigashada Sawirka, AFP

Kuwa kale ee ku jira liiska dadka la raadinayo ee Turkiga ayaa ah kuwo xaaladoodu la mid tahay Kenesh, sida Fatih, oo ah Kurdi haysta dhalashada Finland oo ka mid ahaa koox ka kooban shan dhallinyaro ah oo dab qabadsiiyay albaabka safaaradda Turkiga 2008-dii.

Fatih oo hadda ah 37 jir waa ganacsade ,wuxuuna BBC -da u sheegay inuu ka qoomameynayo wixii uu sameeyay: "Waqtigaas, nolosheydu waxay ahayd mid qasan, waxaana la kulmay dhibaatooyin badan."

Waxa uu la yaabay in magaciisa lagu daro liiska dadka la raadinayo sababtoo ah waxa uu dhamaystay 14 bilood oo xarig ah. Waxa uu sheegay in madaxda Finland ay siiyeen dhalasho dhowr sano ka hor ayna u arkeen in kiiska ka dhanka ah la xiray.

Balse Turkiga ayaa Fatih ku eedeeyay inuu ka tirsan yahay xisbiga shaqaalaha Kurdistan, oo dagaal kula jira dowladda Turkiga.

Fatih ayaa sheegay in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxda PKK, uuna aaminsan yahay in loo beegsaday kaliya asal ahaan inuu yahya Kurdi.

Kurdiyiinta waxaa dhibaatayn jiray Turkiga qarniyo badan. Xukuumadda Ankara ayaa isku dayaysa inay mamnuucdo xisbiga HDP ee taageera Kurdiyiinta, xisbiga saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka.

Inkastoo Fatih uusan aaminsaneyn in loo gacan galin doono dalka Turkiga maadaama uu heysto dhalasho Finish ah, hadana waxa uu ka baqayaa in lagu dhibaateeyo gudaha Turkiga, ama in lagu xiro dalka dibadiisa, oo Turkigu codsado arrintaai.

Caishan macalimad baxsatay

waxaay ku noolashay magaalada Stockholm ee dalka Swedan

Xigashada Sawirka, ASYEN FURHOFF

Ayşan Farhof ayaa tagtay Sweden kadib markii lagu xukumay xabsi daa’in xilli ay Turkiga ku sugneyd, waxaana loo haystaa eedo la xiriira in iyada oo 17 jir ah, sameysay tallaabooyin ay ku waxyeellanayso nidaamka Turkiga waxayna xubin ka ahayd xisbiga shuuciga ee Turkiga. Waxay sheegtay in magangalyo ay ka heshay Sweden ka dib markii lagu jir dilay xabsiga.

Hadda waa 45 sano jir waxaay ku nooshahay magaalada Stockholm ee dalka Swedan waxayna la nooshahay ninkeeda iyo gabar ay dhashay waxayna ku shaqaysataa xirfadda macalinimada,iyadoo ku adkeysanaysa in aysan hadda wax lug ah ku lahayn siyaasad.

“20 sano ka hor ayaan Turkiga ka soo tagay.. Haddii halkaas la ii diro, qofna wax faa’iido ah uma yeelan doono, qof kasta oo aan garanayo waa dhintay ama waa xabsi. Taasi waa sababta magacaygu liiska ugu soo baxay si yaab leh, su'aal i gubaysa ayaa hadda jirta oo ah : yaan ahay? ayay tiri.

Farhof ayaa sheegtay in iyada oo maqan dalka Turkiga lagu maxkamadeynayo in ay xubin ka tahay xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK, waxayna qiratay in ay la shaqaynaysay muddo saddex bilood ah qiyaastii 25 sano ka hor.

In kasta oo aysan hadda ka damqanayn PKK, haddana way diidaysaa in ay argagixiso tahay, waxayna aaminsan tahay in ay dawladda la gasho wada xaajood nabadeed oo dhammaystiran oo xal lagu garao.