Muxuu caalamku si ula kac ah ugu ogolaanayaa in carruurta Qasa gaajo lagu dilo

Carruurta Qaza

Xigashada Sawirka, EPA

    • Author, BBC Carabi

Wargaysyada dalka Ingiriiska ayaa wax ka qoray xaallada sii adkaanaysa ee gargaarka la gaynayo marinka Qaza iyo saamaynta uu ku yeelanayo dadka deegaanka ee dhulkaas ku sugan. Aynu ku bilowno wargayska the Guardian oo soo xiganaya Nick Maynard oo ah dhakhtar qalliin oo si is xilqaan ah uga shaqeeya cisbitaalka Nasser ee Koonfurta Qaza oo ka hadlay waxa uu ugu yeeray "Gaajada ulakaca ah" ee ka jirta marinka ayaa lagu qoray qormo loogu magac daray ''Waxaan goobjoog u ahay gaajo kas ah oo haysata carruurta Qaza. Maxay tahay sababta caalamku u ogolaanayo inay tani dhacdo? "

Dhakhtarka ayaa muujiyay cadaadiska musiibo bini'aadantinimo ee ka jirta gudaha cisbitaalka: "kurayda waxa ay la dhibtoonayaan nafaqo daro, carruurta naas nuuga ah waxa hoos u dhacay maqaarka iyo lafaha, iyo qalliimada oo guuldaraysanaya sababtuna ma aha dhibta dhaawaca laakiin maxaa yeelay bukaanka ayaa si aad ah u gaajooday taasi oo isaga iyo iyada aysan ku badbaadi karin qalliinka."

Dhakhtarka ayaa si gaar ah u xusay Afar carruur naasnuug ah oo baahi ugu dhintay asbuucyadii u dambeeyay cisbitaalka uu ka shaqeeyo, isaga oo ku dooday ''Gaajada si kas ah loogu adeegsaday hub ka dhan ah bulsho dhan'' oo ku nool Qaza.

Qaza

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma jiraan cunto ku filan oo taala Qaza, ''Dhakhaatiirta ayaa sheegay. ''Ma haysano wax caano carruurta ah, hooyooyinkoodna waxa ay badanaa yihiin kuwo nafaqo daro ay haysato aysana awood u lahayn inay sameeyaan naasnuujin. Marka saaxiib caalami ah isku dayo inuu keeno caanaha carruurta Qaza, masuuliyiinta Israa'iil ayaa la wareegaya.''

Baahida siyaasada ayaa dhakhtarku uu ku soo koobayaa labo qodob: "kahor taga cuntada ee galitaanka Qaza, dadka rayidka ah ayaa isaga tagaya iyaga oo aan lahayn wax dookh ah laakiin booqashada goobaha cunto qaybinta ayaa tilmaamaya agab aan dhamaystirnayn,'' isaga oo ku eedeeyay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu arintani.

Waxa uu sharaxayaa in maasuuliyiinta Israa'iil ay hoos u dhigeen qaybinta gargaarka ee xarumaha ee ilaa 400 oo goobood bishii May oo ay ka dhigeen ilaa Afar xarumo Milatari, taasi oo uu ku qeexay ''shirqool dhimasho oo loogu talagalay kuwa raadsanaya rootigooda maalinlaha ah."

Qaza

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxa uu xusay qolka dhakhaatiirta ee gurmadka degdega ah oo uu ku tilmaamay " goob laga naxo oo ay yaalaan dhaawacyo si gaar ah diirada loogu saaray qaybo kamid ah jirka, sida madaxa, lugaha iyo xubnaha taranka, taasi oo muujinaysa in si kas ah loogu beegsanayo aagagaasi,'' ayuu yiri.

Dhakhtarka ayaa kusoo gabagabeeyay isaga oo leh, "Dowladda Ingiriiska ayaa sii wada bahwadaag kula ahaato Israa'iil dilalkeeda ay tahay kuwo aan loo dulqaadan karin,'' isaga oo xusay "taariikhda ayaa ka garnaqi doonta ma aha oo kali ah dambiilayaasha ee dambiyadan, sidoo kale kuwa garab istaagay oo daawaday."

Wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ee Qaza ayaa sheegtay 10 qof ay u dhinteen gaajo 24 tii saac ee u dambaysay.

Hay'adda qaxootiga falastiiniyiinta ee QM (Unwra) ayaa ka digtay inay jiraan hal milyan oo carruur ah oo ku sugan gobolka kuwaasi oo khatar ugu jira baahi aad u daran, iyada oo wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ay sheegtay in 111 qof ay u dhinteen gaajo tan iyo intii uu dagaalku bilowday.