Dal kale oo Yurub ah oo la filayo inuu ku dhawaaqo aqoonsiga dowlad Falastiin ah

Xigashada Sawirka, EPA
Ra'iisul Wasaaraha UK, sir Keir Starmer ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo aqoonsiga dowlad Falastiin ah bayaan uu soo saarayo galabnimada maanta oo axad ah
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ra'iisul wasaaruhu uu bishii Luulyo sheegay in UK ay beddeli doonto mowqifkeeda bisha Sebtember haddii Israa'iil aysan fulin shuruudo ay ku jiraan xabbad-joojin buuxda oo Qasa ka dhacda iyo ballan-qaad ku aaddan heshiis nabadeed oo waara oo horseeda xal laba-dowladood ah.
Tani waxay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibedda ee Britain, iyadoo dowladihii hore ay ku adkeysanayeen in aqoonsiga Falastiin uu iman karo oo kaliya qayb ka ah geeddi-socod nabadeed iyo waqti ugu saameynta badan.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan waxay dhalisay dhaleeceyn culus oo uga timid dowladda Israa'iil, qoysaska la haystayaasha iyo qaar ka mid ah xisbiga Conservative-ka.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa horay u sheegay in tallaabada noocaas ah ay tahay "abaalmarin la siiyay argagixisada."
Si kastaba ha ahaatee, wasiirrada UK waxay ku doodayaan in ay jirto mas'uuliyad akhlaaqeed ku khasbeysa in la qaado tallaabo lagu ilaalinayo rajada heshiis nabadeed oo waara.
Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda UK ayaa sheegay in xaaladda dhabta ah ee dhulkaas ay si aad ah uga sii dartay toddobaadyadii la soo dhaafay. Waxay tusaale u soo qaateen sawirro muujinaya gaajo baahsan iyo rabshado ka socda Qasa — kuwaas oo ra'iisul wasaaruhu horay u sheegay inay yihiin xaalado "aan la aqbali karin."
Howlgalkii ugu dambeeyay ee dhulka ah ee Israa'iil ka fulisay magaalada Qasa, oo mas'uul ka tirsan Qaramada Midoobay ku tilmaamay "musiibo ba'an," ayaa ku qasbay boqolaal kun oo qof inay qaxaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Horraantii toddobaadkan, guddiga baatitaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay in Israa'iil ay geysatay xasuuq ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Qasa — eedeymahaas oo Israa'iil ku tilmaantay kuwo la "marin habaabiyey oo been ah."
Wasiirada ayaa sidoo kale iftiimiyay in sii wadida balaarinta deegaamaynta Israa'iil ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, kuwaas oo sharci darro ah marka loo eego shuruucda caalamiga ah, taas oo qayb wayn ka ah go'aanka lagu aqoonsanayo dawladnimada Falastiin.
Xoghayaha cadaalada David Lammy, oo ahaa xoghayaha arrimaha dibadda bishii Luulyo markii lagu dhawaaqay waddada aqoonsiga, wuxuu soo xigtay mashruuca xallinta E1 ee muranka dhaliyay kaas oo dhaleeceeyayaashu ka digayaan inay soo afjaraan rajadii laga qabay dawlad Falastiin ah oo shaqaynaysa.
"Aqoonsiga dowlad Falastiini ah wuxuu yahay natiijo ka dhalatay ballaarinta halista ah ee aan hadda ka arkeyno Daanta Galbeed, rabshadaha deegaamaysiga iyo damaca cad ee lagu dhisayo, tusaale ahaan, mashruuca E1 — taasoo gebi ahaanba curyaaminaysa suurtagalnimada xal laba-dowladood ah."

Xigashada Sawirka, PA Media
Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas, ayaa si diirran u soo dhoweeyay ballanqaadka UK ee aqoonsiga dowlad Falastiini ah intii uu booqanayay Sir Keir Starmer horaantii bishan. Xafiiska Downing Street, ayaa sheegay in labada hoggaamiye isku raaceen in Xamaas aysan wax door ah ku yeelan doonin maamulka mustaqbalka ee Falastiin.
Hogaamiyaha xisbiga Konserfatifka Kemi Badenoch ayaa sheegtay inay doonayso inay aragto xal laba dawladood ah oo ka dhaca bariga dhexe.
Laakin wax ay ku qortay jariirada The Telegraph dhamaadki isbuuca, iyadoo tiri: "Waa wax iska cad, Mareykankana waa uu cadeeyey arrintan, in aqoonsiga dowlad falastiiniyiin ah waqtigan iyo haddii aan la sii deyn la haystayaasha, ay noqon doonto abaal-marin argagixisanimo."
Dhanka kale, warqad furan oo qoysaska qaar ka mid ah la haystayaasha ay ururka Xamaas qafaasheen u direen Sir Keir Sabtidii, ayay ku dalbadeen in go'aanka aqoonsiga dib loo dhigo ilaa la soo celiyo dadka wali la haysto — kuwaas oo 48 qof lagu sheegay, iyadoo la aaminsan yahay in 20 ka mid ah ay wali nool yihiin.
Ilo wareedyo ka tirsan xukuumadda ayaa sheegay in wasiirradu ay dejin doonaan tallaabooyinka xiga ee cunaqabataynta Xamaas toddobaadyada soo socda.
Booqasho rasmi ah oo uu todobaadkan ku tagay UK, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in aanu ku raacsanayn aqoonsiga.
Sir Keir Starmer, ayaa horrey u qabtay waqti kama dambays ah oo ah kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay — kaas oo toddobaadkan dhacaya — si Israa'iil ay u qaado tallaabooyin dhab ah oo lagu soo afjarayo xaaladda xun ee ka taagan Qasa, laguna gaaro xabbad-joojin, lana muujiyo ballanqaad dhab ah oo ku aaddan heshiis nabadeed oo waara — si dib loogu soo celiyo rajada xal laba-dowladood ah.
Dalal kale oo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Portugal, France, Canada iyo Australia ayaa sidoo kale sheegay inay aqoonsan doonaan dowlad falastiiniyiin ah, halka Spain, Ireland iyo Norway ay tallaabadaas qaadeen sannadkii hore.
Falastiin waxa hadda aqoonsan ku dhawaad 75% ka mid ah 193-ka waddan ee Qaramada Midoobay ka kooban tahay, laakiin ma laha xuduud caalami ah oo lagu heshiiyey, ma laha caasimad iyo ciidan – taas oo ka dhigaysa aqoonsiga mid astaan u ah.
Xalka labada dowladood ayaa loola jeedaa abuuritaanka dowlad Falastiin ah oo laga dhisayo Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, caasimadna u tahay bariga Quddus. Israa'iil waxay hadda haysataa Daanta Galbeed iyo Gasa labadaba, taasoo la micno ah in maamulka Falastiin uusan si buuxda u maamulin dhulkiisa iyo dadkeeda.

Xigashada Sawirka, EPA
Aqoonsiga Falastiin wuxuu muddo dheer ahaa arrin ay si xoog leh u taageereen xubno badan oo ka tirsan xisbiga Labour, gaar ahaan garabka bidix.
Ra'iisul wasaaraha ayaa cadaadis xooggan lagu saarayay inuu mawqif adag ka qaato Israa'iil, gaar ahaan xildhibaannada garabka bidix ee xisbigiisa.
Wax yar ka hor inta uusan khudbadiisa jeedin bishii Luulyo, in ka badan kala bar xildhibaanada xisbiga shaqaalaha ayaa saxiixay warqad ay ugu baaqayaan dowladda in ay si degdeg ah u aqoonsato dowlad Falastiin ah.
Si kastaba ha ahaatee, dadka dhaleeceeya ayaa su'aal ka keenay sababta ay dowladdu ugu muuqatay in ay shuruudo ku xirto Israa'iil balse aysan ku xirin Xamaas, markii ay soo bandhigatay wadada aqoonsiga.
Hase yeeshee saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku dooday in dawladnimadu tahay xuquuq ay leeyihiin dadka reer Falastiin, isla markaana aanay ku tiirsanaan karin ururka Xamaas oo ay dawladdu u aragto urur argagixiso.
Isagoohadlayay Khamiistii mar uu madaxweyne Trump ku qaabilay Checkers, Sir Keir wuxuu ku celiyay in Xamaas aysan "wax qayb ah ka ciyaari karin" dowlad kasta oo mustaqbalka Falastiin ah.
Milatariga Israa'iil ayaa bilaabay ololahooda Qasaa si ay uga jawaabaan weerarkii aan horay loo arag ee Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay 251 kalena lagu qafaashay.
Ugu yaraan 64,964 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israel ee Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho ee dhulkaas.













