Wax ka ogow Gigada diyaaraha caalamka ugu wanaagsan

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalka Singapore ayaa dib u helay maqaamkii uu ku lahaa Gigada diyaaradaha ugu fiican adduunka kadib markii maqaamkii ay muddada dheer ku hoggaamineysay Qadar muddo laba sano oo xiriir ah ay lumisay.

Gigada diyaaradaha caalamiga ah ee Xamaad ee magaalada Dooxa ayaa galay kaalinta labaad halka garoonka diyaaradaha ee Haneda ee magaalada Tokyo uu galay kaalinta saddexaad.

Paris Charles de Gaulle ayaa kaalinta koowaad ka galay gigada diyaaradaha ugu wanaagsan qaaradda Yurub oo horaan ugu jiray kaalinta 5-aad halka garoonka caalamiga ah ee Seattle Tacoma uu kaalinta kowaad ka galay North America.

Liiska Gigada diyaaradaha ugu wanaagsan caalamka 2023:

Changi ee Singapore

Xamaad, Doha

Haneda ee Tokyo

Incheon ee Seoul

Charles De Galle ee Paris

Istanbul, Turkiga

Munich ee Jarmalka

Zurich ee Swizerland

Narita ee Tokyo iyo

Barajas ee Madrid

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Liiska Gigada diyaaradaha ugu wanaagsan Afrika 2023:

Cape Town, Koonfur Afrika

Durban King Shaka, Koonfur Afrika

Johannesburg, Koonfur Afrika

Casablanca, Morocco

Mauritius

Marrakesh, Morocco

Bole, Itoobiya

Kigali, Ruwanda

Nairobi, Kenya

Bloemfontein, Koonfur Afrika