Walaaca ka taagan Qudus iyadoo Ramadaanka uu soo galayo

- Author, Yolande Knell
- Role, BBC News, Jerusalem
Waxaa soo cusboonaaday cabsida laga qabo in rabshaduhu ay faafaan, gaar ahaan magaalada Qudus, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo xabbad joojintu ay weli tahay rajo.
Xamaas ayaa mar kale ku celisay baaq ku aadan in Falastiiniyiintu ay xoojiyaan booqashada Masjidka Al-Aqsa.
Israa'iil ayaa Xamaas ku eedaysay "in ay ku dadaalayaan sidii ay gobolka u hurin lahaayeen inta lagu guda jiro bisha Ramadaan", taasoo bilaabanaysa Berri ama Talaadada.
Masjidka saddexaad ee ugu Barakaysan Islaamka waa goob cibaado u ah Muslimiinta deegaanka.
Laakiin goobta - sidoo kale goobta ku yaal halka ugu muqaddasan diinta Yuhuudda, oo loo yaqaan Temple Mount – inta badan waa halka ay ka kacaan colaadaha u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.
Ramadaanka waxaa la filayaa inuu billowdo 11ka Maarso taas oo ku xidhan aragtida bisha cusub.
Todobaadkan, barxadaha Al-Aqsa ayaa degen markii aan booqday, laakiin cibaadeysteyaasha Falastiiniyiinta ayaa maskaxda ku haysa dagaalka.
"Dadku ma dareemaan in ay faraxsan yihiin oo ay ku raaxaystaan cibaadaadka Ramadaanka ee caadiga ah," ayay u tiri haweeney lagu magacaabo Ayat, si murugo leh. "Sannadkan sidii hore wax umnasii socon doonaan."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Rajadii laga qabay in xabad joojin 40 maalmood ah ay dhaqan gasho bisha Ramadaan bilawgeeda ayaa meesha ka baxday in kastoo ilo-wareedyo dhanka Masar ah ay sheegayaan in dhexdhexaadiyayaashu ay mar kale la kulmi doonaan wafdi ka socda Xamaas Axadda maanta si ay isku dayaan in ay heshiis dhex dhigaan labada dhinac.
Israa’iil ayaa Sabtidii sheegtay in madaxeeda sirdoonka uu la kulmay dhiggiisa Maraykanka, iyadoo ay sii wadayaan dadaallada ay ku doonayaan in ay ku sii daayaan tobannaan qof oo la qafaashay.
Intaa ka dib xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegayo in Xamaas "ay ku adkaysanayso mawqifkeeda," sidii iyagoo "aan danaynayn heshiis."
Qorshaha guud ee laga wadahadlayo waxaa ka mid ah, qaar ka mid ah la haystayaashii Israa’iil ee ay Xamaas ku qafaalatay weerarkii 7-dii Oktoobar oo la sii daayo si loogu beddelo maxaabiista Falastiiniyiinta iyo kordhinta gargaarka, iyadoo ay Qaramada Midoobay ka digayso macaluul.
"Ramadaankan waxa uu noqon doonaa mid adag. Sideen u afurnaa maalin walba oo aan wax u cuni karnaa xilli aan ka fikirayno walaalahayaga Qasa," ayuu yiri Abu Nader, oo wararka la socday, xilli uu ka gudbayay Al-Aqsa isaga oo wata mooto-gacmeedkiisa.
“Ilaahay waxaan ka baryeynaa waqti kheyr badan”.

Booliska Israa'iil ayaa had iyo jeer si muuqata u carqaladeeya agagaarka dhismaha weyn ee masjidka Al-Aqsa waxaana irid walba jooga askar, kuwaas oo xakamaynaya gelitaanka.
Tan iyo markii Israa’iil ay qabsatay bariga Quddus, oo ay ku jirto qaybtan magaalada qadiimka ah, ee Urdun laga soo bilaabo dagaalkii bariga dhexe ee 1967 oo ay ku darsatay, goobtu waxa ay noqotay calaamad caan ah oo muujinaysa halganka ballaadhan ee Falastiiniyiinta.
Sannadkii 2000, booqashadii hoggaamiyihii mucaaradka Israa'iil, Ariel Sharon uu ku tagay buurta xurmada leh ayaa loo arkay in ay fure u tahay kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta, kaas oo ay Falastiiniyiintu u yaqaaniin "Al-Aqsa Intifada" ama kacdoonka Al-aqsa.
Inta badan halkan waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidamada ammaanka Israa’iil iyo dadka cibaadaysanaya ee Falastiiniyiinta, gaar ahaan inta lagu jiro bisha Ramadaan.
Xiisadaha ayaa sidoo kale kor u kaca mar kasta oo ay siyaasiyiinta dawladda Israa’iil booqdaan magaaladan qaddiimiga ah, iyo iyada oo laga jawaabayo baaqyada ka imanaya Israa'iil ee midigta fog si ay u beddelaan xeerarka muddada dheer ee diineed ee aadka u xasaasiga ah ee goobta, kuwaas oo oggolaanaya in ay Yuhuuddu soo booqdaan balse aysan ku cibaadaysan karin.
Bishii Maajo 2021, xiisado xoog leh ayaa Quddus ka qarxay rabshado ka dhacay al-Aqsa. Kadib Xamaas ayaa gantaalo ku garaacday magaalada Quddus, taasoo keentay in dagaal kooban uu ka dhaco Qasa iyo qalalaasaha baahsan ee u dhaxeeya Yuhuuda iyo Carabta Israa’iil.
Sannadkii hore, markii Ramadaantu ay ku soo beegantay ciida Yuhuudda ee Kormaridda, warbixinnada la faafiyey ayaa sheegay in xagjiriinta Yuhuuddu ay qorsheeyeen in ay fuliyaan allabarigii riyaha ee macbadka Buurta.
Iyaga oo aan ku kalsoonayn booliiska Israa'iil in ay taas ka hortagaan, boqolaal muslimiin ah ayaa isku xidhay Al-Aqsa waxaana loo adeegsaday bam-gacmeedyo.
Sannadkan, Ramadaanku kuma beegna ciida Yuhuudda ee waaweyn.

Sida uu Ramadaankani u dhacayo waxay ku xidhan tahay waxyaabo badan iyo sida ay Israa’iil usoo rogto xaddidaad.
Wasiirka Midigta fog ee Israa;iil Itamar Bem-gvir, ayaa ku baaqay in xayiraado aadadag lagusoo rogo Muslimiinta Israa’iil oo boqanaya Masjidka Al-aqsa, isaga oo leh tani waxay ka hor istaagaysaa in ay xamaas “guul u dabbaal degaan” halka maxaabiista Israa’iil ay weli gacantooda ku jirto.
Si kastaba ha ahaatee, ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benyamin Netanyahu ayaa hadda diiday qorshaha. Waxa uu sheegay in dadka ku cibaadeysanaya Masjidka loo ogolaan doono in ay galaan todobaadka ugu horeeya ee bisha Ramadaan sidii hore, iyadoo todobaad kasta dib loo qiimaynayo xaalada ammaanka.
Ilaa hadda ma cadda tirooyinka loo ogolaan doono in ay goobta gaaraan.
Intii uu socday dagaalka Qasa, Israa’iil waxa ay inta badan ka xannibtay Falastiiniyiinta Daanta Galbeed in ay galaan magaalada Qudus. Caadi ahaan, tobanaan kun ayaa mara xannibaadaha waddooyinka ee ciidamada Israa'iil si ay uga qaybgalaan salaadda Jimcaha inta lagu jiro bishan xurmada leh.
Afhayeenka xukuumadda Israa’iil, Eylon Levy, ayaa sheegay in la qaadi doono go’aanno haboon si loo ilaaliyo xoriyadda cibaadada.
“Ramadaanku badanaa waa xilli ay xagjiriintu sameeyaan dhaqdhaqaaqyo xagjirnimo ah si ay dabka ugu shidaan colaadaha. Waxaan ka shaqaynaynaa sidii aan uga hor tagi lahayn,” ayuu BBC u sheegay.
"Waxaan sii wadi doonaa si ay u fududeeyaan gelitaanka Buur Macbadka cibaadada sidii sannadihii hore, si cad in ay tahay siyaasaddayada iyo doonista, dabcan, ka shaqayn doonaan cid kasta oo ay go'aansatay in ay carqaladeeyaan nabadda."













