Kumuu ahaa daacigii masjidul Aqsa ee duqaynta ku geeriyooday

Sheekh Yuusuf

Xigashada Sawirka, WAFA

Waxaa maanta dhintay Yuusuf Salaama oo ahaa daaciga Masjidka Al-Aqsaa kaas oo ku geeriyooday weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala xerada Al-Maghazi ee ku taal bartamaha Marinka Qasa.

Wuxuu ninkaas mar soo noqday wasiikii Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Falastiiniyiinta.

Wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee WAA ayaa ku warrantay in diyaraadaha dagaalka ee Israa’iil ay duqeeyeen guriga Sheekh Yusuf Salama taas oo sababtay geeridiisa, waxaa kaloo weerarka dhaaawac ka soo gaaray tiro ka mid ah qoyskiisa.

Waxay intaa ku dartay wakaaladu in sidoo kale tiro shacab Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqaynta.

Waa kuma Yuusuf Salaama?

Sheekh Yuusuf Salama waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga ee Al-Maghazi sanadkii 1964-tii. Qoyskiisu waxay ka soo jeedaan magaalada Falastiin ee Beit Tima, halkaasoo laga eryay xilligii Nakba ee sannadkii1948-kii.

Sheekh Yuusuf Salaama wuxuu ahaa nin aqoon durugsan u leh diinta islaamka isagoo shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaatay aasaaska diinta iyo fiqiga, halka tan labaadka uu ka diyaariyey arrimaha islaamka.

Sheekh Yuusuf Salaama ayaa shahaadada saddexaad ku qaatay arrimaha Islaamka iyo saamaynta ay ku leedahay Falastiin.

Sheekha ayaa soo qabtay xilal dhowr ah oo ay ku jireen wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta ee Falastiin, xoghayaha golaha tacliinta ee machadka Al-Ashar ee Qasa. Wuxuu kale oo ahaa barre sare oo jaamacada Al-Azhar ee Qasa.

Wuxuu lahaa qoraalo uu inta badan kaga hadlayey isku duubninada bulshada islaamka iyo saamaynta ay ku leedahay Falastiin.

Sheekh Salama waxa uu ahaa nin caan ka ahaa Masjidka Al-Aqsa, oo ka mid ah goobaha sida weyn looga qadariyo Islaamka ee ku yaalla Bariga Quddus.

Masjidka Al-Aqsaa waxaa maalmahan ka taagan xiisad iyo isku dhacyo u dhaxeeya dadka u cibaado tagaya Masjidka Barakaysan iyo ciidamada Israa’iil taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Muhiimadda uu leeyahay Masjidul Aqsa

Masjidul Aqsa

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Al-Aqsa waa magaca "qeybta sare ee qalinka ah" wuxuuna masaajidka ku yaallaa dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaannaan Baytul Maqdis, halka Israa'iiliyiintana ay u garanayaan Temple mount.

Waxaa sidoo kale hay'adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhiim ah.

Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa'iil ay qabsatay bariga Quddus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.

Balse khilaafka ka taagan goobtan barakeysan ayaa muddo dheer soo jiray xitaa ka hor inta aan la asaasin Israa'iil.

Sanadkii 1947, Qaramada Midoobey ayaa soo saartay qaraar lagu kala goynayay Falastiin oo markaasi hoos imaanaysay gumeystihii Ingiriiska.

Qorshahaas ayaa soo jeediyay in Falastiin laba dal laga dhigo, oo kala ah Israa'iil iyo Falastiin.

Israa'iil ayaa la siiyay boqolkiiba 55% halka 45% hartay la siiyay Falastiiniyiinta.

Magaalada Qudus oo ah goobta uu ku yaallo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa waxaa gacanta ku haysay beesha caalamka waxaana maamulaysay Qaramada Midoobey.

Waxaa meeqamkaas loo siiyay muhiimadda diimeed ee ay leedahay magaalada.