Sheekada Cali Cumar: 'Diyaaradaha ayaan daawan jiray kicistooda iyo degitaankooda - maantana waxaan u shaqeeyaa NASA'

Cali Cumar

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Cali Cumar

“Riyooyinku ma’aha waxa aad hurdada ku aragto, waase waxa hurdada kuu diida”, Waa halhays caan ah oo uu leeyahay Madaxweynahii hore ee dalka Hindiya Avul Pakar Jaynul Caabideen Cabdul Kalaam mudadii u dhexeysay sanadkii 2002 – 2007 sidoo kalena ahaa cirbixiyeen iyo saynisyahan.

Cali Cumar, waa Soomaali injineer ah oo haddeer agaasime ku xigeen ka ah xarunta cilmi baadhista ee Langsley ayna iska leedahay Hay’adda Cirbixiyeennadda iyo maamulka hawadda ee NASA.

Riyada Cali waxay bilaabatay waxbarashadiisii dugsiga sare isaga ooo ku sugan tuulada Kisubi ee hostimaada degmada Wakiso ee dalka Uganda.

Taas uu siduu sheegay qiyaastii 10km u jirta garoonka diyaaradaha ee Uganda.

“Waxaan aadi jiray bannaanka si’aan u daawanno kicista iyo degitaanka diyaaradaha.

Waxaana noqday mid xiiseeya duulimaadyada fasalkii sideedaad annigoo dhigta. Xiisahaas ayaana sii hayay illaa dugsigaygii sare.”

Cali Cumar

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Dr Cali Cumar - oo soojeedin sameyna

Dugsigii sare markuu dhammeeyay Cali waxuu ka bilaabay mekaanignimada diyaaradaha isla dugsiga ku yaala gudaha Uganda, halkaas ayuuna kahelay aqoonsiga laysanka mekaanignimada.

Tan waxay ku sii hoggaamisay Cali in uu waxbarashadiisii jaamacadeed heerka koobaad iyo kan labaadba uu barto Injeernimada hawada si gaar ahna uu takhasus ugu sameeyo habka karaar u kicista diyaaradaha (combustion) iyo qiiqa ka yimaadda matooradda diyaaradaha.

Riyadii isaga oo dugsiga dhexe dhigta u bilaabatay waxay Cali gelisay safar dheer oo waxbarasho – waana tan noqotay riyadisii mid ku qasabta in uu dedaal dheer sameeyo si uu uga midhodhaliyo riyadaas maskaxdiisa ku dhalatay markii uu daawan jiray diyaaradaha.

Waana halka dhabnimada halhayska madaxweynahii hore ee Hindiya oo isna ahaa cirbixiyeen uu sheekadan kala xidhiidho taas oo ku tusinaysa in qofku si uu uga midho-keenno riyadiisa ay tahay in uu la yimaado dedaal dheeraad ah.

Waxuu na waxbarshadiisii shahaadada Ph.D. – ka sameeyay jaamacadda Illinois isaga oo ka diyaariyay Injineernimada madaniga ah ee deegaanka.

Cali oo shaqo ku jira

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Cali oo shaqo ku jira
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

2002 – ayuu ku biiray xarunta cilmi baadhista ee Langsley ayna iska leedahay Hay’adda Cirbixiyeennadda iyo maamulka hawadda ee NASA.

Markaas uu ka mid noqday koox saynisyahanno ah oo masuul ka ah horumarininada iyo tijaabooyinka saamaynta dikhowga ku leeyahay hab ilayska usoo gadho dhulka.

Intii u dhexeysay 2011 –kii illaa 2017-kiina waxuu ka shaqaynaayay korjoogtaynta mashaariicda horumarineed ee cilmi sayniska waxsoosaarka dhuleed ee la xidhiidhha ka talaabooyinka go’aan gaadhiseed.

2017-kii ayuuna si toos ah u noqday ku xigeenka xarunta cilmi-baadhiseed ee ay NASA leedahay.

Waxuuna maamulaa koox saynisyahanno iyo injineero isugu jira oo ka kooban 63 qof kuwaas oo ka shaqeea hormarinta nidaamka loo yaqaano LIDAR oo ah hab NASA u isticmaasho raacdaynta dikhowga iyo cimilada daruuraha iyo sidoo kale cimilada, hawada iyo hababka Tayada, iyo farsamooyinka tayada hawada.

“Sidaad ka arkayso xirfadayda, waxay iska beddeshay mekaanignimo diyaaradeed illaa injineer hawada ah, iyo injineer xagga bay’adda ah ugu danbayna saynisyahan dhulka ah iyo maamule.

Farriinta qofi halkaan ka fahmi karana ee xirfadayda uu ka eegi karana waxay saynisku waxuu dhaxlay isdhexgal dabiici ah. Marka qofku waa in uu aqbali karo isbeddelada ku yimaada xirfadiisa,” ayuu yidhi isaga oo la su’aalay waanada uu siin lahaa qofka xirfadiisa oo kale baranaya – waana tusaale wax ku ool ah oo tilmaamaya in xirfadaadu dariiqooyin kala duwan kugu ridayso muhiimadduna tahay qofku in uu isbedbedalada uu la jaanqaado.

NASA

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Mid kamid ah sawirrada uu ugu jecelyahay

Waxaa wax laga weyddiiyay caqabadahii ugu waaweynaa ee uu la kulmay waxuuna sheegay in ay yahiin la xidhiidhida dadkaan saynisyahannada ahayn iyo la qabsigii noloshii ka duwanayd tiisii hore markuu uu kasoo tagay dalka Uganda ee uu yimid dalka Maraykanka noloshii cusbayd.

Cali waxuu sidoo kale ciyaaraa kubadda gacanta [Volleyball]

Mar wax laga weyddiiyay intuu NASA la shaqaynaayay mid kamid ah sawirrada ugu jecaylyahayna waxuu ku tilmaamay in uu yahay sawirka dusha sare ka muuqda isago sheegay “Tani waxay si gaar ah muhiim iigu tahay aniga sababtoo ah waxay ahayd barta aan ka galo barnaamijka hawada bannaan.”