Iluminati: Wax ka ogow mid ka mid ah bulshooyinka qarsoon ee ugu xiisaha badan taariikhda

Bulshadaasi waxay sanado badan ka hor curisay fikrad, dad badani ay sheegaan in ay ahayd hal urur oo qarsoodi ah kaas oo u jeedadiisu tahay in xukunka adduunyada uu la wareego.
Waxaa intaas dheer in ururkaasi uu yahay mid horseed u ah kacaan iyo dil khaarijin ah, balse su'aashu waxay tahay muxuu yahay Illimunati miyayse xukumeen calaamka dhab ahaantii?
Tani waa waxa aan ka ognahay mid ka mid ah bulshooyinka qarsoon ee ugu xiisaha badan taariikhda.
1. Yaa aas aasay bulshada Illuminati?
Bulshada iluminati waa mujtamaj qarsoon oo laga aas aasay Bavaria oo haatan Jarmalka ah, waxayna jirtay intii u dhexaysay 1776-dii ilaa 1785-tii waxayna isku magacaabi jireen in ay yihiin dad dhammaystiran.
Kooxdaas waxaa aas aasay Professor cilmiga qaanuunka bartay oo la oran jiray Adam Weishaupt. Wuxuu doonayey in uu sare u qaado aqoonta caqliga si looga hor yimaado sixirka iyo saamaynta ay diintu ku leedahay bulshada.
Wuxuu doonayey in uu wax ka baddelo qaabka ay u shaqeeyaan dowladihii xukumi jiray Yurub, asagoo meesha ka saaraya saamaynta diintu ay ku leedahay dowladda isla markaana uu adduunka jiho cusub u jeediyo.
Waxaa la rumaysan yahay in kulankii ugu horreeyey ee ururka Iluminati uu yeesho uu ka dhacay kayn u dhow magaalada Ingolstadt taariikhdu markay ahayd May 1776-dii.
Shan qof ayaa xilligaas soo saaray xeerar lagu xukumayo maamulka qarsoodida ah ee Iluminati.
Kooxdaan ayaa diiradda saaraysay sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen go'aannada siyaasadda iyo sidii meesha looga saari lahaa boqortooyooyinka iyo kaniisadaha.
Waxay astaan ka dhigteen shimbir lagu magacaabo Minerva Owl.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2. Muxuu yahay xiriirka dhexeeya iluminati iyo maasuuniyadda?
Dalalka qaar, gaar ahaan Maraykanka, taariikh ahaan waxaa jiray dareen gooni ah oo laga qabay Maasuuniyadda; sannadkii 1828,-dii, ayaa waxaa samaysmay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Maasuuniyadda.
Maadaama Illuminati ay asal ahaan diiwaan gelisay maasuuniyadda, waxaa caadi ahaan laga shaki qabaa in xiriir dhow uu ka dhexeeyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
3. Sidee ugu biiri kartaa uminati?
Si aad ugu biirto Illuminati, waa in si buuxda ay kuu soo aqbalaan xubnaha kale, waa inaad hanti leedahay, waa inaad leedahay sumcad wanaagsan kana soo jeeddo qoys sumcad leh.
Waxaa intaas dheer, in isbahaysiga Illuminati uu leeyahay nidaam heer sare ah.
4. Miyay cibaadaystaan Illuminati-gu?
Way cibaadaystaan - waloow qaar badan aan la aqoon - waxayna adeegsadaan magacyo meelo kale laga soo qaatay si aan loo aqoonsan oo ay u qariyaan xubnaha kale.
Si kastaba ha noqotee, dukumiintiyada qarsoodiga ah ee la helay awgood, waxaa la ogyahay sida xubnaha kooxda ay ugu suurta gashay inay u kala baxaan jagooyin sare oo ka mid ah hoggaanka Illuminati: waxay warbixinno ka soo aruuriyaan dhammaan buugta ay haystaan, waxayna ku qoraan taxane ku aaddan dhinacyada ay diinta ku leeyihiin.
Dhalinyarada ayaa markii dambe ballan qaadday in danahooda gaarka ah wax kasta ka hor mariyaan isla markaana ay bulshada ay si iskaa wax u qabso ah ugu shaqeeyaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
5. Maxay u taagan tahay isha ay adeegsadaan il luminati?
Ishu waa astaan u eg saddex xagal waana calaamad ka muuqata dhammaan kaniisadaha ku yaal daafaha caalamka iyo sidoo kale dhismeyaasha kale ee maasuuniyadda iyo lacagta Maraykanka.
Waxaa intaas dheer in xiriir dhow ay la leeyihiin Maasuuniyadda , waxaa sidoo kale lala xiriiriyay Illuminati oo calaamad u ah xakameynta kooxda iyo xukunka adduunka.
Waa calaamad Masiixiyaddu ay leedahay, "taas oo wax kasta aragta" waxayna u taagan tahay in eebbe uu arko dhammaan aadanaha.
6. Illuminati ma waxay soo xukuntay adduunka?
Dadka qaar ka mid ah ayaa rumaysan in Illuminati ay xukunto calaamka maanta, waxaana la oran karaa xubnahoodu waa kuwo aad ugu adag sirtooda waxaana og oo kaliya dad aad u tira yar.
7. Ma jiraan xubno caan ah oo ka tirsan Illuminati?
Sannadkii 1782, Illuminati waxay ka koobnaayeen 600 oo xubnood, oo ay ku jiraan generaallo Jarmal ah oo uu ka mid ahaa Baron Adolph von Knigge, kaas oo gacan ka gaystay istiraatiijiyadda ay ku shaqayso Illuminati iyo in la ballaariyo bulshadaas.
Bilowgii hore, ardaydii Weishaupt ayaa ahaa xubnaha kaliya ee Illuminati ay ka kooban tahay, balse markii dambe waxaa ku soo biiray dhakhaatiir, garyaqaanno, iyo aqoonyahanno kale.
Markii la gaaray 1784-tii, waxaa Illuminati xubno ka haa inta u dhaxaysa 2,000 ilaa 3,000. Wararka qaar waxay sheegaan in qoraagii caanka ahaa ee Johann Wolfgang von Goethe uu sidoo kale ku biiray Illuminati, inkastoo arrintaas uu wali muran ka taagan yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
8. Maxaa loo waayey ururkii Illuminati?
Sannadkii 1784-tii, ayaa Karl Theodor, oo ahaa barasaabka Bavaria, wuxuu mamnuucay in la sameeyo wax xisbi ah kaas oo si sharci ah aan loo aqoonsanayn sannadkii xigayna wuxuu soo saaray xeer gaar ah oo mamnuucaya Illuminati-ga.
Markii la xirxirayey xubnaha Illuminati, ayaa waxaa la helay dhowr dukumenti oo ay ku qoran yihiin arrimo kooxdaasi ay ka doodeen oo ay ka mid yihiin, diin la'aanta, iskhaarijinta, iyo ilmaha la iska soo rido.
Dukumentiyadaas ayaa waxaa lagu arkay in Illuminati ay khatar ku yihiin dowladda iyo kaniisadaha.
Wixii intaas ka dambeeyey bulshada Illuminati waxaa la aaminsan yahay in la waayey, inkastoo dadka qaar ay rumaysan yihiin in bulshadaasi ay wali jirto.
9. Xagee ku dambeeyey Adam Weishaupt
Adam Weishaupt waxaa durbadiiba laga eryey jaamacadda Ingolstadt.
Kaddib markii laga eryey Bavaria, wuxuu waayadiisii ugu dambeeyey ku noolaa Gotha, Thuringia, wuxuuna dhintay sannadkii 1830-kii.
11. Maxaa wali caan ka dhigay sheekada Illuminati-ga?
Laga soo bilaabo markii kooxda la mamnuucay, caqiidooyinka khuraafaadka ah ee iyaga ku saabsan waxay heleen sumcad baahsan waxaynau faafaan sida dabka duurka oo kale.
Sannadkii 1797, wadaadkii caanka ahaa ee reer France Jesuit Abbé Augustin Barruel wuxuu ku andacooday in bulshooyinka qarsoodiga ah sida Illuminati ay kicinayeen kacaankii Faransiiska.
Madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah, George Washington, wuxuu qoray warqad sanad kadib isagoo leh waxaan aaminsanahay in hanjabaada Illuminati la xakameeyay. Warqaddu waxay gacan ka gaysatay aaminsanaanta in kooxdu weli nooshahay.
Buugaag iyo khudbado markii dambe lagu cambaareynayay kooxda ayaa faafay, iyadoo madaxweynihii saddexaad ee Mareykanka Thomas Jefferson si been ah loogu eedeeyay inuu xubin ka yahay kooxda.
12. Maxaa keenay in dadku ilaa maanta ay aaminsanaadaan in Illuminati-gu ay wax jira yihiin?
Fikirka Illuminati ee xukunka adduunka waligiis lama damin waliba waxaa lagu sawiray filimo waxaana laga sameeyey heeso.
Sanadkii 1963, waxaa la daabacay maqaal loogu magac daray "Principia Discordia", oo soo saaray nooc cusub oo fikrad ah oo loo yaqaan 'Discordianism'. Dhaqdhaqaaqa wuxuu abuurayay mudaaharaadyo dowladda looga soo horjeedo oo dadka lagu qancinayo aragtiyaha beenta ah, iyadoo mid ka mid ah taageerayaashiisa uu ahaa qoraa caan ah Robert Anton Wilson.
Qaar ka mid ah taageerayaasha Discordianism-ka ayaa waraaqo been ah u diray joornaalada iyagoo ku andacoonaya in dhacdooyinka sida dilkii madaxweynihii Mareykanka John F Kennedy ay ahaayeen shaqadii Illuminati.
Wilson ayaa markii dambe buug la qoray qoraaga Robert Shea, "The Illuminatus! Trilogy", oo ay ka soo baxeen fikrado cusub oo ku saabsan qorista buugaagta ee kooxda, iyo sidoo kale buugga caanka ah ee Dan Brown (oo isna soo saaray filimka "Angels & Demons").
Illuminati sidoo kale waxay la xiriireen 'cibaadada shaydaanka' iyo sidoo kale fikrado kale oo aad uga duwan asalka kooxdii qarnigii 18-aad ee Bavaria.
13. Muxuu yahay xiriirka ka dhexeeya dunida casriga ah iyo Illuminati?
Kuwa aaminsan aragtida New World Order waxay ku andacoonayaan inay jiraan koox dad ah oo awood leh oo isku dayaya inay hoggaamiyaan adduunka.
Marka laga reebo dhowr madaxweyne oo Mareykan ah, dhowr xiddig oo caan ah sida Beyoncé iyo Jay-Z ayaa lala xiriiriyay kooxda, in kastoo labada xiddigba ay beeniyeen










