Wax ka ogow sababta uu Turkigu billad-sharaf u siiyay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dowladda Soomaaliya ku maamuusay billad-sharaf ku aaddan taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii lixdii Febraayo, 2023 ka dhacay dalkaas.
Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay dhulgariirka oo lagu qabtay gobolka Adiyaman, ayaa madaxweynaha Turkiga wuxuu u mahad-celiyay dowladda Soomaaliya, isagoo xusay "inay mar walba garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Turkiga".
Madaxweynaha ayaa salaan u diray madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaliyeed.
Dhanka Soomaaliya waxaa shahaadada biladdaas ka guddoomay Madaxwyenaha Turkiga, Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Cabdiraxiin Maxamuud, dowlada Turkiga ayuuna uga mahad celiyay taageerada iyo garab-istaagga dowladda Soomaaliya .
Dhulgariirka ayaa ku dhuftay dalka Turkiga sanadkii 2023-kii kaas oo khasaare nafeed iyo mid hantiyeed gaarsiiyay dalkaas.
Soomaaliya ayaa aruurisayy lacag dhan shan milyan oo doollar oo lagu taageerayoTurkiga kadib dhulgariirkii burburka dhaliyay sidii uu horey u sheegay Wasiirka Caddaalada Soomaaliya Xasan Macallin.
Guddiga Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka dalka Turkiga ayey dhistay Soomaaliya, kaas oo olole dhaqaale uruurin ah ka bilaabay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Munaasabadda daahfurka mashruucaasn oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, culumaa'udiin, ganacsato iyo qeybaha bulshada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ra'iisul wsaaarha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo munaasabaddan daahfurka deeqdaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedku yahay in saddex maalmood gudahood lagu soo ururiyo lacag dhan 5-milyan oo doollarka Mareykanka ah, wuxuuna caddeeyay in dowladdiisu ay hal milyan oo doollar ugu deeqday ololaha gurmadka dhulgariirka.
Waxa uu sheegay "in taariikhdu aysan cafin doonin Soomaaliya haddii aan maanta la garab istaagin shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga, iyadoo ay jiraan dhibaatooyin Soomaaliya heysto qaran ahaan oo ay ka mid yihiin abaaro iyo colaado".
Axmed Macalin Fiqi oo markaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u heysato in ay soo celiso qaar ka mid ah taageerada aan lasoo koobi karin ee ay ka heleen "Walaalahooda Turkiga".
"Waa fursad lagu muujinayo in Soomaaliya aysan iloobin saaxiibkeed".
Wasirka Caddaallada Soomalaiya Xasan Macalin ayaa sheegay : "Shacabka Soomaaliyeed oo aan wax gargaar ah siinin dalalka kale tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1990-kii, waxay ururiyeen shan milyan oo doollar, taas oo lagu taageerayo dadkii ku waxyeelloobay dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga."
Turkiga ayaa safka hore kaga jira waddamada taageera Soomaaliya xiliya ay ka jiraan dhibaatooyinka amni iyo kuwa bini'aadantinimo, waxaana ugu dambeeyay kaalmo caafimaad oo loo fidiyay qaraxii ka dhacay caasimada October 2022, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 100 qof.

Xigashada Sawirka, EPA
Tan iyo sanadkii 2011, Turkiga waxa uu Soomaaliya siiyaa taageero, oo ay ugu horreyso kaalmeynta dhibaatooyinka bini'aadannimo, iyada oo loo marayo fulinta mashaariicda kaabayaasha, ka qeyb qaadashada dib u dhiska hay'adaha dowliga ah iyo taageeridda miisaaniyadda dowladda.
Soomaaliya waxay sidoo kale la gashay Turkiga heshiisyo dhowr ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay la leedahay Turkiga, sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, kaabayaasha, iyo maalgashiga."Sida uu Wasiirka Caddaaladda Soomaaliay Xasan Macalin uu horey ugu sheegay warbaahinta Turkiya World
Wasiirka oo ka hadlayay ka qeyb qaadashada dhismaha hay'adaha dowliga ah ee dowladda Turkiga ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo iskaashi ku saabsan is dhaafsiga khibradaha lagu taageerayo hay'adaha dowladda.
Xasan Macallin ayaa sheegay in "iskaashiga wasaaradaha difaaca ee labada dal" uu sidoo kale ahaa mid muhiim ah "maaddaama Turkiga uu kaalin weyn ka qaadanayo dib u habeynta ciidamada Soomaaliya.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in "Cutubyo ka tirsan ciidanka ay tababartay Turkiga ay kaalin weyn ka qaataan guulihii ay ka gaartay dagaalka ay dowladda Soomaaliya ka geysatay howlgallada ciidan ee ka dhanka ah argagixisada".
Sido kale Dowladda Turkiga ayaa baaritaan sahmin shidaal ka waddo dalka Soomaaliya iyadoo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar uu dhawaan ku dhawaaqay in markabka Oruc Reis uu dhammaystiray 50% baaritaannadii seismic ee uu ka waday badda Soomaaliya, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.
Haddii aan usoo laabanno dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay dhulagariirka, dowladda Turkiga waxay ballan-qaadday inay dhiseyso 650,000 oo guri, ku dhawaad kala bar sannadkii ugu horreeyay ee dhulgariirka ka dib.
Madaxweyne Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in ku dhawaad 201,000 oo guri ilaa hadda la soo gaarsiiyay. Khamiistiina, wuxuu sheegay in 453,000 guri la dhammeystiri doono dhammaadka sanadkan, isagoo intaa ku daray in la qaaday tillaabooyin dib loogu dhisayo kaabayaasha burburay.
Ka soo kabashada muddada dheer ee dhulgariirka, taageerada caafimaad ee dhanka dhimirka ayaa weli ah baahi muhiim ah. si kuwa badbaaday ay u helaan taageero maskaxeed oo joogto ah .













