Sida ay Soomaalidu u arkaan dagaalkii 'Black Hawk Down' soddon sano kadib

Binti Cali Wardheere oo sidata garbasaar cad una muuqata in ay sheeko dhexda kaga jirto iyada oo gacanteeda oo aan muuqan wax ku sheegaysa

Xigashada Sawirka, Netflix

Qoraalka sawirka, Binti Cali Wardheer waxay ku wayday dagaalka xubno badan oo qoyskeeda kamid ah
    • Author, Abdishukri Haybe
    • Role, BBC Somali

Qeexidda Black Hawk Down, oo ah cinwaanka filim Hollywood ah, ayaa noqday mid lagu tilmaamo musiibadii ciidanka Maraykanka ku qabsatay Soomaaliya sanadkii 1993.

Siddeed iyo toban askari oo Maraykan ah ayaa ku dhintay dagaalkii billowday saddexdii Oktoobar, balse boqollaal Soomaali ah ayaa sidoo kale ku naf waayey.

Netflix ayaa sii daysay dikumeentari ku saabsan dhacdooyinkaas, BBC-du waxay la hadashay qaar ka mid ah Soomaalida weli xusuusan dhaawacyadii ay kaga tageen waxii dhacay.

Xariijin yaroo madoow xigeen ah

Inkasta oo ay ku hareereysnaayeen burburka dagaalkii sokeeye ee socday, haddana dadka Muqdisho ee horraantii 1990-meeyadii waxay yar heleen xilliyo deggenaan ah.

Qorraxdii diirranayd ee maalinnimada Axadda iyo dabaysha qabow ee baddu waxay fursad u noqotay Binti Cali Wardheere, oo markaas 24 jir ahayd, in ay hooyadeed la booqato ehelkeeda.

"Maalintaas waxay ahayd maalin deggen," ayay tidhi iyadoo xasuus milicsanaysa.

Laakiin sida qof kasta oo kale oo magaalada joogay, ma ogeyn in Maraykanku uu qorsheynayay inuu weerar ku qaadayo qabqable, Maxamed Faarax Caydiid – Intaas waxii ka danbeeyay waxii dhacayna waxay si aan la filayn nolosheeda u beddeshay weligeed.

Maraykanku wuxuu ciidamadiisa u diray Soomaaliya sanadkii 1992 si ay u taageeraan howlgalka Qaramada Midoobay ee bini'aadantinimada, kaasoo la doonayay in lagu yareeyo macaluusha – ayna sababtay burburkii dowladda dhexe.

Laakiin markii Caydiid lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii 24 ka mid ah ciidamadii nabad ilaalinta Qaramada Midoobay bishii Juun 1993, wuxuu noqday bartilmaameed ciidan.

Tani waxay keentay weerar Maraykanku qaaday bishii Luulyo, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 Soomaali ah, taasoo beddeshay sida Ameerikaanka looga arkaayay dalka. Sidoo kale keentay in Maraykanku soo diro ciidamadooda gaarka ah ee Rangers-ka.

Saddexdii Oktoobar, Maraykanku wuxuu helay xog sirdoon ah oo sheegaysay in Caydiid iyo saraakiishiisa sare ay shir ku yeelan doonaan hotel. Weerar cirka ah ayaa la qorsheeyay oo socon lahaa 90 daqiiqo – balse ugu dambeyn wuxuu qaatay 17 saacadood.

Diyaaradda qumaatiga u kaca ee Black Hawk ayaa ku duulaysa cirka. Afar askari ayaa laga arki karaa iyaga oo fadhiyay iridda diyaaradda.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sawirqaade ayaa qabtay sawirkan diyaaradda Black Hawk magaalada Muqdisho bishii ka horreysay weerarka Mareykanka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Binti, calaamaddii ugu horreysay ee ay dareentay in wax aan caadi ahayn dhacayaan, waxay ahayd dhawaaqa qaraxyo ruxmaya oo bilaabmay wax yar kadib 15:30 waqtiga maxalliga ah ee galinka danbe.

Dadka Muqdisho waxay caadaysteen inay maqlaan dhawaqa dagaalka, laakiin xoogga qaraxyadan iyo jabaqda ay sababeen waxay ahaayeen kuwo aan caadi ahayn.

Dadka ayaana bilaabay inay dhan walba u kala ordaan.

Iyadoo go'aansatay inay fahamto waxa dhacaya, Binti waxay fuushay dusha guriga ehelkeeda. Halkaas ayayna ka aragtay in dagaalku ka dhacayo xaafaddeeda.

Labo diyaaradood oo qumaatiga u kaca ah oo Mareykanku leeyahay nooca Black Hawk ayaa la soo riday, mid 16:20 iyo mida kale 16:40. Ciidankii la hareereeyay, kadibna hawlgal samatabbixin ah ayaa billowday.

Iyadoo u baqaysa badqabka qoyskeeda, Binti waxay u carartay gurigeeda.

"Illaa maanta, weli waxaan indhahayga ku arkaa meydadka waddooyinka daadsan," ayay tidhi.

Binti waxay gurigeeda gaartay wax yar ka dib 18:00, wayna ku nafistay inay ehelkeeda nabad ku aragto.

Dagaalku wuu yara qaboobay, waqti kooban oo degganaansho ah ayaana yimid.

Waxay shaah u keentay ninkeeda iyo nin dariskeeda ah iyagoo oo ay ka sheekeysanayeen dagaalka. Laakiin ninkeedu fursad uma helin inuu shaahaas dhadhamiyo, sababtoo ah madfac ayaa ku dhacay gurigooda.

Binti waxay dareentay gacanteeda oo go'day qey ka mid ah. Dhulka ayay ku dhacday, haweeney kale ayaana kusoo duldhacday.

"Biyo kulul ayaa madaxayga ku shubmayay. Waxaan is iri: 'Yaa tuubada biyaha furay?'"

Markaas ayay garatay in aysan biyo ahayn, balse ay tahay dhiiggii qofka kor kagasoo dhacay – oo geeriyooday. Waxay ahayd deriskii Binti, oo u soo carartay gurigeeda si ay badbaado u hesho.

Habeenkaas, Binti waxay wayday ninkeeda, Maxamed Aadan, iyo laba wiil oo ay dhashay – Cabdqaadir Maxamed oo 14 jir ahaa iyo Cabdiraxmaan Maxamed oo 13 jir ahaa.

Afar carruurteeda ka mid ah iyo walaalkeed oo la joogay ayaa dhaawacmay. Walaalkeed wuxuu u dhintay dhaawacyadii soo gaaray.

Ifraax, oo xilligaas afar sano jirtay, indhaha ayay beeshay gabi ahaanba.

Wiilkeedii ugu weynaa, oo hadda aabbe ah, weli wuxuu la daalaa dhacayaa xanuun maskaxeed. Ilaa maanta, markuu maqlo ama arko diyaarad, wuu dhuuntaa.

Axmed Five oo ku fadhiya gambar caag ah oo cagaaran meel lagu shaqeeyo isaga oo qaba koofiyad dhaqameed iyo khamiis ah.

Xigashada Sawirka, Netflix

Qoraalka sawirka, Muuqaalladii uu duubay Axmed Maxamed Xasan waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee dunidu ka aragtay dagaalkii Muqdisho.

Maalintaas Axadda ahayd ee degganed, ma uusan ogeyn, balse muuqaal duubaha caanka ah Axmed Maxamed Xasan, oo loo yaqaan Axmed Five, wuxuu lahaa door muhiim oo uu ka ciyaari doono sida dhacdooyinka loo arki doono.

Xilligaas oo uu 29 jir ahaa, wuxuu horey u diiwaangeliyay dagaallada beelaha, abaarta, iyo fowdada ka jirtay Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Maalintaas, ma uusan ka fikirayn shaqadiisa, markii qaraxyadu cirka isku shareereen.

Dhawaqa rasaasta diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo qoryaha culus wuxuu u muujiyay in dagaalku ka xoog badan yahay dhawaqa AK-47 oo uu caadiyan maqlo.

Axmed wuxuu mar walba watay kamaraddiisa, isagoo ogsoon in Muqdisho wax walba ay ku dhici karaan waqti kasta. Si dabiici ah ayuu u bilaabay duubista fowdada dhacaysa, wuxuuna u dhaqaaqay bartamaha dagaalka.

"Inkastoo xaaladdan ay gabi ahaan ka duwanaatay kuwii aan horey ugu shaqeeyay, haddana waxaan go'aansaday inaan duubo dhacdooyinkan oo aan mas'uuliyaddaas qaato," ayuu u sheegay BBC.

Dhacdadii ugu dhoweyd ee uu horey u arkay oo tan la mid ah waxay ahayd weerarkii bishii Luulyo, kaas oo huriyay caro ka dhan ah Mareykanka, isla markaana gogol xaadh u noqday iska horimaadka bishii Oktoobar.

Hadhaadiga gadiidka nooca jeep ka ah oo gubanaya qiiqna ka baxayo wadada dhexdeeda.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qalab uu lahaa ciidamada Maraykanku oo lagu arkayo isagoo dab la qabadiisay dariiqyada Muqdisho kadib dagaalka.

Maalintii koowaad, wuxuu duubay qaar ka mid ah dagaalka u dhexeeyay askarta Maraykanka iyo Soomaalida.

Maalintii labaad, waxaa loo kaxeeyay guri uu ku xirnaa duuliyihii Maraykanka, Michael Durant.

Mr. Durant wuxuu waday Black Hawk-tii labaad ee soo dhacay kaddib markii baasuuke lala helay. Markii ay burburtay, saddex ka mid ah shaqaalihiisii ayaa lagu dilay dagaalka, iyo labo kale oo isku dayay inay badbaadiyaan.

"Wuxuu ahaa dagaal weyn oo hubeysan. Waxay sheegeen in 25 Soomaali ah lagu dilay rasaasta goobta burburka labaad, taasoo ku tusaysa inta rasaas ee halkaas ka socotay," ayuu Mr. Durant mar danbe u sheegay BBC-da.

Wuu badbaaday markii nin hubeysan uu gartay in duuliyaha uu qiimo leeyahay hadday maxbuus ahaan u haystaan.

Ahmed wuxuu duubay askariga Maraykanka ee dhaawac ahaa, oo wajigiisa ay nabarro ka muuqdeen. Wuxuu kaamirada ku qabtay isagoo neeftuuraya, marna dhinac u eegaya qof su'aalo weydiinaya ka baxsan muuqaalka.

Ahmed wuxuu sheegay in ilaa markaas aysan Maraykanka iyo Caydiid midkoodna ogeyn in Mr. Durant la hayay.

"Waan u dhiibay cajaladihii fiidiyowga diyaarad UN ah oo maalin kasta ka duuli jirtay Muqdisho una bixi jirtay Nairobi [ Kenyada dalka la deriska ah.

"Warkii ugu horreeyay ee dagaalkii Muqdisho ee caalamka gaaray wuxuu ka yimid muuqaalada aan duubay. Xilligaas, waxaan u shaqeynayay CNN anigoo madax-bannaan."

Muuqaalladii uu Ahmed duubay waxay si weyn u qabsadeen warbaahinta caalamka.

Waxay sidoo kale qeyb ka noqdeen dooddii ku saabsaneyd siyaasadda dagaalka ee Maraykanka ee qaaradda Afrika, taasoo isbeddeshay kaddib dagaalkii Muqdisho.

"Tani waa wax aan ku faano – in kastoo markaas aanan filayn saameynta," ayuu yidhi Axmed.

Lix bilood gudahood, Maraykanka wuxuu ciidamadiisii kala baxay Soomaaliya. Guul-darradii la dareemay ee howlgalka Soomaaliya waxay Maraykanka ka dhigtay mid ka fiirsada faragelinta dagaallada mustaqbalka ee Afrika.

Saciida oo fadhida una muuqata in ay hadlayso iyada oo xidhan subeeciyad dhaqameed.

Xigashada Sawirka, Netflix

Qoraalka sawirka, Saciida Cumar Maxamuud waxay gabadheeda u bixisay magac waligeed ku lammaanaan doona waxii dhacay

Saddexdii Oktoobar waxay Saciida Cumar Maxamuud ugu bilaabatay maalin farxad leh, maaddaama ay subaxaas dhashay gabadh.

Ehelka iyo deriska ayaa isugu yimid gurigeeda si ay ugu hambalyeeyaan, iyada oo qoyska diyaarinayay xafladdii magac-bixinta ee dhaqanka.

Laakiin jawiga ayaa is beddelay markii dagaalku billowday.

Qas iyo jahawareer ayaa dhacay markii diyaaraddii ugu horreysay ay ku burburtay hortooda. Daqiiqado gudahood, Saciida waxay xusuusataa in ugu yaraan 10 askari oo Maraykan ah ay xoog kuso galeen guriga.

Waxay dadkii oo dhan isugu geeyeen qolka fadhiga, iyagoo amray in aan la dhaqaaqin, ka dibna waxay guriga u bedeleen goob caafimaad oo degdeg ah.

Qoyska ayaa argagax ku daawanayay askartii dhaawaca ahayd oo la dul saaray miiska cuntada, halkaas oo daweyn degdeg ah loogu sameynayay.

"In kasta oo ay cabsi qabeen, haddana iyaga ayaa na cabsi geliyay. Gurigayagii waxay u bedeleen dhufeys ciidan," ayey tidhi Saciida.

Marka laga soo tago xusuusteeda xanuunka leh, Saciida waxay maalintaas uga tagtay xasuus joogto ah gabadheedii, iyada oo gabadheedii ugu magacdartay.

Sida ay Soomaalidu dhahaan, "magac bilaash ma baxo," Saciida gabadheeedii yarayd ee hadda waxaa la yiraahdaa Amina Rangers.

Sida lagu sheegay xayeysiinta, filimka dikumintariga ah ee Netflix wuxuu soo bandhigayaa sheekooyin dhab ah oo qoto dheer, iyadoo la wareysanayo dadkii ka kala tirsanaa labada dhinac ee dagaalkii Muqdisho.

Wuxuu iftiiminayaa xanuunkii ay la kulmeen Soomaalida, sida Binti, intii uu dagaalku socday.

"Markan, Soomaalida ayaa loo oggolaaday inay iyagu ka sheekeeyaan wixii dhacay. Waa muhiim in la maqlo labada dhinacba," ayuu yidhi Ahmed Five.

Laakiin Binti Cali, sheekada kaliya muhiim ma aha

Waxay dagaalka ku weyday dad ay jecleed, waxaana ay dareemaysaa in dhibaatadii qoysas badan soo gaartay aan wali si dhab ah loo aqoonsan.

"Waa Maraykanka kuwa burburiyay gurigayga, dilay seygeyga, labadayda wiil, iyo walaalkay, oo qoyskayga ku reebay murugo aan dhammaanin," ayey tidhi iyadoo codkeedu qaracanyahay

"Ugu yaraan, waa inay qirtaan wixii ay sameeyeen oo ay magdhaw na siiyaan."