Waa kuma ninkii hoggaaminayay ciidankii Mareykanka ee meydkooda lagu jiiday Muqdisho?

Jonathan Howe oo ka hadlay shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho 6 December 1993 xilliggaas oo ciidamadii Mareykanka ay weerareen gurigii Janaraal Ceydiid si ay jawaab uga bixiyaan weerar lagu qaaday ciidamadii UN-ta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jonathan Howe oo ka hadlay shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho 6 December 1993, xilliggaas oo ciidamadii Mareykanka ay weerareen gurigii Janaraal Ceydiid si ay jawaab uga bixiyaan weerar lagu qaaday ciidamadii UN-ta

Muddo 29 sano ayaa maanta laga joogaa howlgalkii Mareykanka hogaaminayay ee Qaramada Midoobey ee loogu magac daray "Hawlgalkii Rejo soo celinta" kaasoo horseeday in uu dagaal dhexmaro ciidamadii Mareykanka iyo Janeraal Maxamed Faarax Caydiid.

Waxaa si weyn loo hadal hayaa askartii Mareykanka uga dhimatay howlgalkaas iyadoo dadka qaar ay xusayaan qaar kamid ah askarta iyo kaalintii ay ka qaateen howlgalkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sanadkii 1993.

Mareykanka ayaa ciidankiisa kala baxay Soomaaliya kaddib markii laga dilay 18 askari, oo meeydkooda lagu jiiday waddooyinka magaalada Muqdisho.

Dadka waxay hadal hayeen labo askari oo ka tirsanaa ciidamadii Mareykanka oo ay sheegeen in ay dhinteen maalin magaalada Muqdisho lagu soo riday mid ka mid ah diyaaradihii Black Hawk.

Labadan askari waxaa lagu kala magacaabi jiray Gary Gordon iyo Randy Shughart.

Sida lagu qoray maqaal uu daabacay wargeyska Washington Post, labadaas askari waxa ay dhinteen iyagoo difaacaya duuliyihii diyaaradda oo uu gantaal ku dhacay.

Duuliyaha ayaa markii dambe gacanta u galay ciidanka Caydiid, balse labadaas askari ayaa goobta ku dhintay. Waxaa abaalmarin sharafeed la guddoonsiiyay qoysaskooda.

Duuliyihii diyaaradda Black Hawk ee lasoo riday, Mike Durant, ayaa markii dambe lasii daayay.

Durant ayaa muddo 11 maalmood ah afduub ahaan loogu haystay magaalada Muqdisho kaddib markii gacanta uu u galay ciidamadii Ceydiid.

Waa kuma janaraalkii hoggaaminayay howlgalkii Mareykanka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jonathan Howe waxa uu dhashay 24-kii August, 1935, haddana da'diisu waa 87 sano.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton ayaa janaraal Jonathan Howe u xil saaray in uu hoggaamiyo howlgalkii Qaramada Midoobe ee UNOSOM II, ee uu horkacayay Mareykanka.

Wuxuu goob joog ka ahaa dagaalkii ciidamadii janaraal Ceydiid ay uga hortageen ciidanka Qaramada Midoobay ee ka jawaabayay weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, kaas oo lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kalena lagu dhaawacay.

Jonathan Howe haatan waa janaraal howlgab ah, wuxuuna qaatay darajada afaraad ee heerka admiraalnimada ciidanka badda ee Mareykanka.

Wuxuu ahaa ergeygii gaarka ahaa Qaramada Midoobey u qaabilsanaa arrimaha Sooomaaliya laga bilaabo 1993 ilaa February 1994.

Wuxuu horey usoo noqday ku xigeenka la-taliyaha arrimaha amniga ee dowladdii Bush.

Admiral Jonathan Howe wuxuu sanadkii 1957-kii ka baxay kulliyadda ciidanka badda ee Mareykanka, wuxuuna shahaadada labaad ee jaamacadda ka qaatay culuumta diblumaasiyadda iyo sharciga.

Waa qoraaga buugga "Seapower and Global Politics in the Missile Age".

Maxamed Faarax Ceydiid xilli uu la socday ilaaladiisii gaar ahaa 17-kii bishii June 1993 gudaha Muqdisho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxamed Faarax Ceydiid xilli uu la socday ilaaladiisii gaar ahaa 17-kii bishii June 1993 gudaha Muqdisho

Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka

Sanddii 1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka.

Dabyaaqadii sanaddii, 1992 - Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray "Hawlgalkii Rejo soo celinta".

Sanaddii 1993 - waxaa dowladda Maraykanka ay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan.

Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen.

Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay.

Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay.

3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag.

Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan. Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib.

50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay.

Black Hawk Down waa filin laga sameeyay dagaalkii Maraykanka iyo dabley taabacsanayd Gen Maxamad Faarax Caydiid
Qoraalka sawirka, Black Hawk Down waa filin laga sameeyay dagaalkii Maraykanka iyo dabley taabacsanayd Gen Maxamad Faarax Caydiid

Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo.

Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho).

Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday.

Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini'aadannimana gaabis ayaa ku yimi.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: "In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso."

Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay "Black Hawk Down". Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid.

Bishii March, 1994 - waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya .

1 bishii August , 1996 - Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato.