Faahfaahin: Dhulgariir hor leh oo ku dhuftay Turkiga

Xigashada Sawirka, Reuters
Samatabixiyeyaasha ayaa mar kale baadi goobaya dadka ku hoos jira dhismooyinka burburay ee Turkiga, kaddib markii dhulgariir hor leh u uku dhuftay dalkaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex qof.
Gariir cabbirkiisu yahay 6.4 iyo 5.8 ayaa ku dhuftay koofur-bari meel u dhow xadka Suuriya, halkaasoo lixdii bishan ay ku dhufteen labo dhulgariir oo labadaba dalba saameeyay.
Dhulgariirradii hore ayaa 44,000 oo qof ku dilay Turkiga iyo Suuriya iyadoo tobnaan kun oo kalena ay hoy la’aan noqdeen.
Dhismooyinbka ay hore u jilciyeen dhulgariirrada ee labada dal ayaa dumay.
Hay’adda musiibada iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay dalkaas abbaaro 20:04 xilliga dalkaas (17:04 GMT), waxaana saddex daqiiqo kaddib xigay mid kale oo lagu qiyaasa 5.8.
Saddexda dhimasho ayaa ka dhacday Antakya, Defne, iyo Samandag, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Süleyman Soylu, isagoo dadka ugu baaqay inaysan gelin dhismooyinka khatarta ku jira.
Soylu ayaa sheegay in 213 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Xigashada Sawirka, EPA
Dadka magaalada Antakya ayaa lagu arkayay waddooyinka iyagoo naxdin ay ka muuqato iyadoo ambalaasyada iyo shaqaalaha gargaarka ay isku dayayaan inay gaaraan meelaha ugu daran ee dhulgariirku saameeyay.
"Waxaan moodayay in dhulku uu kala go’ayo lugaheyga hoostood,” ayay tiri haweeney deggan magaalada oo lagu magacaabo Muna al-Omar, iyadoo oyneysa korna u heysa wiilkeeda oo toddoba jir ah. Waxay ku sugneyd teendho laga dhisay meel ay dadku ku nastaan oo bartamaha magaalada ku taalla.
Cali Mazlum, oo 18 jir ah, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inuu baadi goobayay meydadka xubnaha qoyskiisa eek u dhintay dhulgariirradii hore.
"Ma garan kartid wax aad sameyso... waanu isku soo boodnay oo is qabsannay horteenna, ayay derbiyadu billaaabeen inay ku soo dhacaan," ayuu yiri.
Gudaha Suuriya, ilaa 470 qof ayaa la sheegay inay booqdeen isbitaallada kaddib dhulgariirkam oo sidoo kale laga dareemay gudaha Masar iyo Lubnaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Musiibadan labaad ayaa timid maalin ka dib markii ay hayadda musiibooyinka ee Turkiga ku dhawaaqday in lasoo afjaray howlihii gurmadka ee ka socday dalkaas marka laga reebo labo gobol.
Shaqaalaha samatabixinta ayaa si aan kala joogsi lahayn u shaqeynayay labadii isbuuc ee lasoo dhaafay iyagoo burburka hoostiisa kasoo saaray dad saacado badan ku xannibnaa dhul gariirka ka dib.
Inta uusan iman dhul gariirka labaad waxaa raadinta dadka laga waday gobollada Kahramanmaras iyo Hatay, sida uu sheegay madaxa hayadda qaran ee musiibooyinka.
Rajo badan lagama qabo in la helo dad ku xayirmay dhul gariirkii hore oo weli nool.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa gaaray Turkiga isagoo ku dhawaaqay in dalkiisu uu bixinayo lacag gargaar bani'aadannimo ah oo dhan $100m (£83m).
Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay sare usii kacdo iyadoo ilaa 345,000 oo guri ay ku burbureen dhul gariirkii dhacay 6-dii February.
Turkiga iyo Suuriya labaduba ma aysan sheegin tirada dadka ilaa hadda la la'yahay.













