“Wuxuu dhashay xilli uu dhulgariir dhacayay, 23 sano kadib ayuu dhulgariir ku dhintay”

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Dadka ku dhintay dhulgariirkii 6-dii Febaraayo ka dhacay Koonfurta Turkiga waxaa kamid ah Osman Enes.
Warbaahinta Turkiga ayaa si gaar ah u tebisay geerida Osman, maadaama uu dhashay 1999, maalin uu dhulgariir xooggan ka dhacay magaalada Golcuk ee gobolka Gaziantep.
Hooyadii Asiye Basturk ayaa weriyayaasha u sheegtay in Osman iyo walaalkii Emirhan ay hal qol wada jiifeen markii uu dhacayay dhulgariirka.
“Waxa uu ahaa geesi. Markii uu dhulgariirka dhacay, waxa uu badbaadin rabay walaalkii ka yar, balse isagii ayaa meesha ku geeriyooday,” ayay tiri.
“Waxa uu dhashay maalin uu dhulgariir dhacayay, waxaana uu ku dhintay dhulgariir. Aad baan uga naxay geerida wiilkeyga,” ayay weriyayaasha u sheegtay hooyada murugaysan.
Walaalkii Emirhan ayaa ku dhaawacmay burburka gurigooda. Waxa uu ka warramay cabsida soo wajahday marka uu arkay guryaha ruxmaya.
“Markii aan arkay guryaha dumaya, aad baan u naxay oo xitaa daqiiqado ayaan miyir daboolmay. Jugta guryaha burburaya ayaa aad u xooganeyd. Waxaa dhinacayga yaallay walaalkay oo meyd ah,” ayuu yiri Emirhan.
Waxa uu sheegay in hooyadii iyo aabihii oo ku jiray qol kale ay si joogta ah ula socdeen xaaladdiisa.
“Waxa ay hooyaday i weydiisay xaaladda Osman, waxaana u sheegay in uu dhulka yaalla oo aanu dhaq-dhaqaaqeyn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Qoyska ayaa saddex maalin ka hor dhulgariirka ku soo guuray guriga.
Emirhan ayaa sheegay in maadaama ay maalmo dhan hagaajinayeen guriga cusub, uu habeenka dhulgariirka seexday xilli hore.
“Salaad ayaan u soo toosay saddexii saqda dhexe, waxyar kadibna waxaa dhacay dhulgariirka,” ayuu weriyayaasha u sheegay aabaha qoyskaas Mehmet Basturk.
Waxa uu tilmaamay in gurmad uu ka helay dadka meesha ka ag dhawaa uu horseeday in la soo badbaadiyo xaaskiisa iyo Emirhan.

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dad si mucjiso ah u badbaaday
Kooxaha samata bixinta ee Turkiga ayaa saddex nin ka soo saaray burburka hoostiisa, kadib 11 maalmood oo ay halkaa ku go’doonsanaayeen dhulgariirkii dalkaas ka dhacay awgii.
Hakan Yasinoglu ayaa 278 saacadood ku hoos jiray dhismo gebi ahaanba dumay, waxaana Jimcihii laga soo badbaadiyay gobolka Hayat oo ah meesha uu khasaaraha ugu badan ka dhashay.
Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Osman Halebiye iyo Mustafa Avci oo 34 jir ah ayaa laga soo badbaadiyay burburka ka dhacay gobolka Antakya.
“Waan ka rejo belay. Tani waa arrin mucjiso ah,” ayuu yiri Mustafa Avci aabihii oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Kooxaha gurmada ayaa ka rejo dhigay inay helaan dad kale oo nool, maadaama uu jirka bani’aadanka maalmo kooban u adkeysan karo biyo iyo cunno la’aan.
Dowladda Turkiga ayaa lagu dhaliilay qaabka ay uga falcelisay musiibada, iyadoo su’aal la geliyay sida ay ugu diyaargarowday dhibaato xajmigan leh.
Madaxweyne Erdogan ayaa qiray in gurmadka hore u uku bilowday qaab gaabis ah, hase yeeshee waxa uu ugu baaqay shacabkiisa in aanay dhegaysan kuwa danaha siyaasadeed ka dhex arka musiibadan.












