Cuntada oo aan la iska joojin karin ma wax jiraa mise khuraafaad

Count

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sanadihii la soo dhaafay waxaa cilmbibaaris lagu sameeyay suuragalnimada in aan cuntooyinka qaar iska joojin karin, gaar ahaan kuwa aan jecelnahay dhadhankooda.

Waa suuragal in aad qaarkood maqashay tusaale ahaan sokorta. Hadaba seynisku muxuu ka yiri?

Cuntooyinka la qabatimo ee u dhadhama sida fiican.

Inta badan alkolka iyo maandooriyaha ayaa la qaatimaa ama dhaqamada sida qamaarka.

Markii ugu horeysay ururka cilmi-nafsiga Mareykanka ayaa sameeyay habka lagu ogaanayo iyo tirakoobka xanuunada maskaxda.

Waxyaabaha lagu ogaanayo waxaa ka mid ah in aadan xakamen karin isticmaalka xadka ka baxsan ee cunista. Tusaale ahaan in aadan xakameyn karin iyo in aad iska sii cunto oo aadan joojin karin cunista.

Waxaa lagu tilmaamay in qofku jecel yahay cuntada si ka badan dadka kale. Cuntooyinkaas waxaa ku jira sodhiyam heerkeedu badan yahay iyo xayrta badan. Maskaxda waxay u dhaqmeysaa si la mid ah kuwa maandooriyaha adeegsada

sokor

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidee lagu ogaan karaa?

Su’aalo badan ayaa layska weydiinayaa in cunto laqabatimo. Marka dhinac laga fiiriyo cunista waa wax la xiriira nafsadda, wayna adag tahay in la ogaado waxa saxda ah iyo waxa aan saxda aheyn.

Dhanka kale, suuragal ma ahan si la mid ah daroogada in ujeedku noqdo lana baabi’iyo cunista. Waxaan wax u cunnaa in aan ku noolaano.

In cunto la qabatimo waxaa lagu qaldaa dhibaatooyin kale sida cayilka xadka ka baxsan iyo kuwa cunistooda aysan toosneyn. Caafimaad ahaan in lakala saaro waa wax adag.

Cuntada in la qabatimo looma arko xanuun. Ma jiraan hab lagu ogaanayo dhaqankaas. Ururka cilmi-nafsiga Mareykanka iyo hay’adda caafimaadka adduunka labadooda uma arkaan in ay tahay xanuun.

Hadaba sideen ku ogaan karnaa? Habka ugu weyn ee lagu ogaan karo waa baaris cilmi-nafsi oo loo yaqaan YFAS. Waxaa soo saaray dhowr sano ka hor jaamacadda Yale ee dalka Mareykanka.

Ilaa markaa kaddib, waa habka ugu caansan ee loo isticmaalo in lagu ogaado laguna baaro cuntada oo la qabatimo.

shukulaato

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxyaabaha Taageeraya iyo waxyaabaha diidaya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaar ka mid ah astaamaha qabatimidda cuntada sida guud waxay u muuqdaan in laga helo inta ay la egtahay cuntada la cuno.

Tusaale ahaan, dadka cayilan ma awoodaan in ay xakameeyaan inta ay la egtahay cuntada ay qaataan si kasta oo ay u ogyihiin in ay dhibaato caafimaad oo halis ah ay ku keentay. Tani ayaa la mid ah sida kuwa maandooriyaha qabatimay.

Heerararka isbeddelada waxyaabaha maskamaxda wax u sheega ayaa dhiirogelinaya dareenkeena ah in loo baahan yahay cunto ama in wax si xadka ka baxsan loo isticmaalo.

Cilmi-baaris badan ayaa lagu sameeyay noocyo kala duwan oo xayawaan ah sida jiirka. Ugu dambeyntii daraasadaas khubarada iskama raacin hadii dhibaatada ka timaado cunto gaar ah ama sida wax loo cunayo

Dhanka kale, marar badan ayaad maqashaa in aan si weyn u isticmaalno sokorta oo aan joojin karin. Sokortaasi waa noocyo gaar ah oo ka mid ah cuntada.

in si weyn loo isticmaalo cuntooyinka la warshadeeyay oo sokorta badan leh ayaa keena in la qabatimo. Ma ahan in sida maandooriyaha loogu dhago balse waa ay u dhowdahay.

Cilmibaarista qaar waxay muujineysaa in ay suuragal tahay in la jeclaado cunistooda shukulaatada iyo cuntooyinka fudud.

Inkastoo ay muuqato in qaadashada cuntada ay qeyb ka tahay, hadana waxaa jira waxyaabo badan oo dahsoon oo loo baahan yahay in daaha laga qaado. In cunto si gaar ah loo jeclaado marka la barbardhigo mid kale waa wax dhammaan bani’aadanka ka siman yihiin. Waxaanse ogaanahy in cunto gaar ah oo la cuno ay tahay dhibaato.