Madaxweynaha Iiran oo la sheegay inuu ku dhaawacmay duqaymihii Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa la sheegay in si fudud uu uga dhaawacmay mid ka mid ah weerarradii Israel ay ku qaadday Iran bishii la soo dhaafay.
Warbaahinta dowladda Iran ee Fars, oo si dhow ula xiriirta Ilaalada Kacaanka, ayaa sheegtay in 16-kii Juun, lix bam lagu weeraray goobaha sirta ah ee lagu dhuunto kuna yaalla dhulka hoostiisa ee magaalada Tehran, halkaasoo uu Pezeshkian ka qayb galayay kulan degdeg ah oo ay lahaayeen Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in dhaawac ka gaaray lugta markii uu isaga iyo qaar kale uga baxsadeen xarunta si qarsoodi ah iyadoo la adeegsanayo marin degdeg ah. Warbixinnada haatan la helayo waxay sheegayaan in Iran ay dabagal ku hayso xog sheegaysa in sirdoonka Israa'iil ay ku dhex jireen gudaha dalka.
Warbixinta warbaahinta Fars si madaxbannaan looma xaqiijin karo, sidoo kale Israa'iil wax faallo ah kama aysan bixin warbixintaan.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood qaatay ayaa muujinayay weerarro isdaba joog ah oo lagu qaaday buur ku taalla waqooyi-galbeed ee Tehran.
Hadda waxaa soo baxay in weerarradii dhacay maalintii afraad ee dagaalka lagu bartilmaameedsaday xarun qarsoodi ah oo dhulka hoostiisa ku taalla magaalada Tehran, halkaasoo ay markaas joogeen madaxda ugu sarreysa ee Iran.
Warbixinta wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in weerarrada Israa'iil ay xireen dhammaan lixda marin ee laga galo iyo kuwa laga baxo ee xaruntaas, iyo sidoo kale nidaamka hawada u gudbiya gudaha xarunta.
Korontada xarunta ayaa sidoo kale la jaray – balse Pezeshkian ayaa lagu guuleystay inuu gaaro goob ammaan ah.
Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka waa hay'adda ugu sarreysa ee go'aan ka gaarta arrimaha ammaanka ee Iran marka laga reebo Hoggaamiyaha Sare, Ayatollah Ali Khamenei.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Toddobaadkii hore, Pezeshkian ayaa ku eedeeyay Israa'iil inay isku dayday inay disho – eedeyntaas oo uu beeniyay Wasiirka Difaaca Israa'iil, Israel Katz, oo sheegay in "beddelka nidaamka" uusan ahayn ujeeddada dagaalka.
Israa'iil ayaa beeegsatay dishayna saraakiil badan oo ka tirsanaa talisayada ugu sarreeya ee Ilaalada Kacaanka (IRGC) iyo milatariga Iran bilowgii dagaalka.
Hoggaamiyeyaasha Iran ayaa qirey in weerarkaasi si lama filaan ah ku yimid, isla markaana ay la kulmeen jaahwareer iyo go'aan-gaaris la'aan ugu yaraan 24-kii saac ee ugu horreeyay weerarka kadib.
Mas'uuliyiin Israa'iiliyiin ah ayaa sidoo kale qirtay in Ayatollah Khamenei uu bartilmaameed u ahaa weerarka – balse ay waayeen raadkiisa kadib markii si qarsoodi ah loogu wareejiyay meel ammaan ah oo aad u go'doonsan kana go'an dunida.
Waxaa wali taagan su'aalo badan oo ku saabsan sida Israa'iil ku heshay xogaha sirta ah ee la xiriira goobaha ay ku sugnaayeen mas'uuliyiinta ugu sarreeya ee Iran iyo saraakiisha milatariga – iyo sidoo kale halka ay ku yaallaan xarumaha xasaasiga ah ee sirta ah.
13-kii Juun, Israa'iil ayaa qaaday weerar lama filaan ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumo nukliyeer iyo ciidan ah oo ku yaalla Iran, iyadoo sheegtay in ay sidaas u sameysay si ay uga hortagto in Tehran ay sameyso hubka nukliyeerka.
Iran, oo ku jawaabtay weerarro cirka ah oo ay ku qaaday Israa'iil, ayaa beenisay inay dooneyso inay horumariso hub nukliyeer ah, iyadoo sheegtay in barnaamijkeeda kobcinta uraniyam-ka uu yahay mid ujeedkiisu yahay mid nabadeed.
22-kii Juun, ciidamada cirka iyo badda ee Mareykanka ayaa fuliyay weerarro cirka iyo gantaallo ah oo lagu qaaday saddex xarumood oo nukliyeer ah oo Iran leedahay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar dambe sheegay in weerarradaasi ay "si buuxda u burburiyeen" xarumahaasi, inkastoo hay'adaha sirdoonka Mareykanka qaarkood ay muujiyeen aragti ka taxaddarsan.













