Maxay tahay sababta Shiicadu u xusaan Caashuuraa, maxayse sameeyaan?

Muslimiinta Shiicada iyo xuska Cashuurada

Xigashada Sawirka, Reuters

Xuska cashuurada qiimo weyn ayuu ugu fadhiyaa Shiicada Ciraaq iyo dalal kale. Sanad walba waxay ku xusaan dilka Imam Xuseen Ibn Cali meel u dhow Karbala. Hadaba Shiicada maxay sameeyaan?

Taariikhyahannada qaar waxay sheegaan in Xuseen Ibn Cali Ibn Abi Talib oo ay wehliyaan dhowr qof oo qoyskiisa ah iyo asxaabtiisa in ay ka baxeen Xijaas oo ay aadeen Kufa si ay ula wareegaan khilaafada kaddib markii ay casuumad ka heleen reer Ciraaq.

Yazid ibn Muawiyah ayaa la wareegay khilaafada kaddib geerida aabihii Muawiyah ibn Abi Sufyan. Si kasta ha ahaatee guddoomiyihii Yazif ee Basra iyo Kufa ayaa u diray ciidamo ka hortaga Xuseen, waxayna ku qasbeen in ay u sii gudbaan dhinaca Karbala.

Halkaas ayaa lagu hareereeyay, loona diiday in ay u sii gudbaan wabiga Furaat, kaddibna waxaa lagu dilay dagaal halkaas ka dhacay. Haweenka iyo carruurta waa la qabsaday, waxaana ku jiray dadkaas walaashiis Zainab iyo wiilkiisa Cali Zayn al-Abidin oo ah imaamka afaraad ee Shiicada.

Dhacdadii ugu weyneyd

Kaddib dilkii Xuseen iyo asxaabtiisa iyo qafaalashadii qoyskiisa, waxay keeneen isbeddel weyn oo ku yimaada hab-dhaqanka Shiicada. Dilka imaamka 12-aad ee Shiicada waxay ka dhigan tahay isbeddel weyn oo taariikhi ah kaas oo sanad walba la xuso si loo muujiyo ahmiyadda iyo macnaha ay leedahay.

Xuska iyo casharrada dhacdadaas waxay ka gudubtay caqiiddo diimeed iyadoo la ballaariyay lana gaarsiiyay arrimaha bulshada iyo siyaasadda, waxayna u taagan tahay caddaalad.

Bandhigyada Cashuurada

Xigashada Sawirka, AFP

Xuska munaasabadan oo bilaabata 1-da bisha Muxaram, waxayna socotaa ilaa 10-ka bisha, kuma eka oo kaliya Shiicada ku nool dalka Ciraaq, waxaana sidoo kale laga xusaa meelaha kale ee adduunka ee Shiicadu joogto.

Dhaqanka iyo Caqiidada

Tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Muxaram, waxaa la qabtaa kulamo iyo munaasabado lagu xusayo dhacdadaas iyo in la muujiyo dareen murugo leh oo xabadka la garaacanayo. Midabka madow waa kan baroordiiqda, si weyn ayaa loo xirtaa midabkaas iyo astaamo lagu muujinayo Xuseen.

Munaasabadaha iyo isku soo baxyada oo ay wehliyaan cunto loo qeybinayo dadka u baahan ayaa ka mid ah falalka wanaagsan uguna muhiimsan ee Shiicada sameyso, waxay aaminsan yihiin dilka Xuseen in uu door weyn ka qaatay xoojinta iyo sii wadida caqiiqdada maadama ay waxaasi oo dhan u taagan yihiin in lagu dhaganaado mabaabi'da iyo baahida loo qabo cadaalada.

Meelaah qaar habka uu xuska u dhaco waxaa ka mid ah bandhigyo lagu sameynop meel bannaan oo lagu xusayo dhacdadii Karbala iyadoo la sameynayo hab jiliin ah, waxaana soo booqdo dad badan oo daawadayaal ah.

Cashuura: Waa maxay sababta ay u dhiirogeliso fanaaniin badan?

Qaar waxay u arkaan sida dambi taariikhi ah kaddib markii la taageeri waayay Imam Xuseen markii uu yimid Kufa halka kuwa kalena ay u arkaan in aan aqoon loo laheyn muhiimada ay leedahay dhacdadaas.

Xuska geerida Xuseen si weyn ayaa looga dareemaa magaalada Karbala. Gobollo badan oo Ciraaq iyo dibadda ayaana looga yimaadaa. Meelaha kale ee Shiicadu ku badan tahay waa laga xusaa dhacdadaas.

Xayiraaddii la saaray xuska

Xayiraadaha Cashuura

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii uu jiray xukunkii Madaxweyne Saddaam Xuseen, mas'uuliyiinta Ciraaq waxay qaadeen tallaabooyin lagu xadidayo xusaska ay sameeyaan Shiicada kuwaas oo ah dadka ugu badan dalka. Xayiraadahaas ma ahan kuwii ugu horreeyay oo nocaas ah oo taariikhda la arko. Xayiraado caynkaas ayey hore ula kulmeen Shiicada oo la xiriira munaasabadaha iyo xusaska u gaarka ah.

Taariikhyahanada waxay sheegeen in xuska Cashuura laga mamnuucay magaalooyinka intii uu jiray xukunkii Mamaalik ee Ciraaq. Balse waxaa dib loo bilaabay markii ay yimaadeen Cusmaaniyinta markaas oo Istanbul ay la saxiixatay Iran heshiis nabadeed kaddib xukunkii Mamaalikada. Waxaa jiray iskudayo kale oo lagu xakameynayo oo ka dhacay Ciraaq.

Arrimo siyaasadeed ayaa ah sababaha keenay in madaxda qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo isu soo baxyada, iyo in laga hortago in ay noqdaan hab siyaasadeed oo cadaadis keena. Isu soo baxydan ayaa ahaa fursado lagu muujinyo diidamda iyo kacdoonada beelaha iyo gobolada.

Xuska Cashuura iyo markii Ciraaq ay soo galeen ciidamada shisheeye

Xigashada Sawirka, Reuters

Sanadkii 2003-dii markii la riday xukunkii Saddaam Xuseen, kaddibna ay dalka soo galeen ciidamadii Mareykanka iyo isbahaysigiisa waxay taas badashay nidaamkii siyaasadeed ee halaas ka jiray.

Shiicada waxay dowladda ka heleen qeyb weyn, waxaana meesha ka baxday siyaasadii hore ee ka dhigeysay in la riixo taas oo Sunnida horkaceysay.

Kaddib doorashadii baarlamaanka Ciraaq, xisbiyada Shiicada ayaa ku batay dowladda iyadoo Sunnida iyo Kurdiyiinta ay qeyb ka yihiin taas oo ah nidaam la sameeyay kaddib markii dalka ciidamada Shiisheeye qabsadeen.

Ilaaa markaa kaddib, xuska Cashuurada iyo munaasabadaha kale ee diimaha si xor ah ayaa loo sameynayay, mararka qaarna maba jirin wax xayiraado ah. Munaasabadahaasi waxay noqdeen bartilmaameedyo fudud oo qaraxyada ismiidaaminta ah ay ka dhacaan intii ciidamada Mareykanka ay joogeen iyo kaddib 2011-kii markii ay ka baxeen.