Maxay tahay sababta loogu baaqay Daalibaan inay ku ag tukadaan Shiicada?

.

Xigashada Sawirka, KHAMENEI.IR

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in tallaabada looga hortaggi karo weerarada ka dhanka ah Shiicada Afghanistan ay tahay oo kaliya ah in dagaalyahanada Daalibaan ay ku ag tukadaan dadka Shiicada ah ee ku nool dalkaas.

Wuxuu sheegay in Daalibaan laga doonayo inay xaqiijiyaan amniga Shiicada marka ay ku tukanayaan masaajidda iyo goobaha kale ay ku cibaadeystaan ee ku yaalla Afghanistan.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa ugu baaqay Suniyiinta inay ka qeybgalaan munaasabadaha xuska ah ay leeyihiin dadka shiicada ah.

Wuxuu ku eedeeyay Mareykanka in uu ka dambeeyay aasaasitaanka kooxda ISIS.

Hoggaamiyaha ruuxiga oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay Iran wuxuu sheegay in haddii Suniyiinta iyo Shiicada ay gacmaha is qabsadaan ay noqonayaan dad Muslimiin ah oo awood leh.

Tan iyo markii ay xukunka la wareegeen Daalibaan waxaa dalka Afghansitaan ka dhacay weeraro dhiig badan ay ku daateen oo lala beegsaday masaajidda shiicada ee ku yaalla gobollada Kunduz iyo Kandahar.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay weeraradaas halka tiro dad ah ay ku dhaawacmeen.

Waxaa ilaa iyo haatan walaac laga muujinayaa amniga dadka shiicada ah ee ku nool Afghanistan gaar ahaan in weerar lagu qaado masaajidda ay ku tukadaan.

Kooxda ISIS ee garabka Khuraasaan ayaa sheegtay mas'uuliyadda weeraradii dhawaan lala bartilmaameedsaday Shiicada, waxay wacad ku mareen in mustaqbalka ay beegsan doonaan goobaha ay ku cibaadeystaan shiicada Afghanistan.

Daalibaan ayaa loogu baaqay inay gacanta kusoo dhigto dadkii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday shiicada

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Daalibaan ayaa loogu baaqay inay gacanta kusoo dhigto dadkii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday shiicada

Bayaan dhawaan ka soo baxay kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ee IS waxay ku sheegeen in Shiicada ay yihiin 'dad halis ah' , waxay ku hanjabeen inay weerari doonaan.

Daalibaan ayaa caambaareysay weerarka lagu qaaday goobaha cibaadada ee shiicada Afghanistan isla markaana ballan qaaday in amnigooda ay sugi doonaan.

Kadib weerarkaas, dowladda Iran waxay ugu baaqday Daalibaan inay gacanta kusoo dhigto kooxihii ka dambeeyay weerarka si tallaabo adag looga qaado.

Waxaa hadda ka hor Afghanistan ka dhacay weeraro dad badan ay ku dhinteen oo lagu qaaday goobaha ay isugu tegaan dadka Shiicada ah.