Ma dooneeysaa in xawaaraha internet-ka aad isticmaaleyso uu sare u kaco? "ka fogow qalabkan"

Ma dooneeysaa in xawaaraha internet-ka aad isticmaaleyso uu sare u kaco?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma dooneeysaa in xawaaraha internet-ka aad isticmaaleyso uu sare u kaco?

Khuburo ku xeel dheer Isticmaala internet-ka iyo baraha Bulshada ayaa dadka kula talinaya inay ka fogaadaan qalabka elektrooniga ah.

Waxay tusaale u soo qaateen microwave-ka oo loo isticmaalo cunto kululeyska taas oo ay ku sheegeen inuu wiiqayo xawaaraha internet-ka ama W wifi-ga.

Waxaa jira dad badan oo ka sheegta xawaaraha Internet-ka marka ay isticmaalayaan aaladda wifi-ga.

Markii uu dallaacay xanuunkii safmarka ahaa ee fayraska corona ayaa waxaa sare u kacay dadka ka shaqeeya guryaha taas oo sababtay inay cadaadis la saaro shirkadaha internet-ka sababo la xiriira sare u kaca ku yimid isticmaalka Internet-ka.

Dowladdaha qaar ee daafaha dunida, ayaa dalbanaya in la helo internet xawaarihiisu sarreeyo oo la isku halayn karo, maadaama ay dad badan guryaha ka soo shaqeynayaan xilliga lagu jiro la dagaallanka fayraska corona.

Qalabka internet-ka waxaad saartaa meel ka fog qalabyada kale ee saameynta ku yeelan kara

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mar sii horreeysayna Waaxda Maamulka ee shirkadda Ofcom ayaa dadka kula talisay inay ka fogaadaan isticmaalka qalabka cuntada lagu kululeysto ee microwave-ka, marka ay isticmaalayaan wifi-ga, tan oo qeyb ka ah talooyinka ku saabsan sare u qaadidda xawaaraha internet-ka.

"Ma ogtahay in microwave-ka cuntada lagu kululeysto uu yareyn karo xawaaraha internet-ka wifi-ga?," ayay Ofcom tiri.

"Sidaas darteed ha isticmaalin microwave-ka marka aad wicitaan muuqaal ah sameyneyso, ama marka aad daawaneyso muuqaallo HD ah amaba aad howl muhiim ah ka haysato online-ka."

Talooyinka kale waxaa ka mid ah:

Qalabka internet-ka waxaad saartaa meel ka fog qalabyada kale ee saameynta ku yeelan kara, sida miis dushiisa amaba armaajada korkeeda intii aad dhulka dhigi lahay

Mar walba ha daarnaado qalabka internet-ka

Haddii aad sameyneyso wicitaan muuqaal ah amaba aad shirar galeyso, waa inaad iska demiso muuqaalada kale oo aad keliya maqal isticmaasho ayaa kaa caawin kara internet fiican inaad hesho

Haddii aad dooneyso internet xawaare sare leh, isticmaal xarigga ethernet oo toos internet-ka ugu xiriirinaya kumbuyuutarkaaga intii aad isticmaali lahayd wifi-ga.

Qalabyada saameynta ku yeelan kara internet-ka waxaa ka mid ah: telefoonnada gacanta, qalabka carruurta lagu ilaaliyo, nalalka qaar, sameecadaha kumbiyuutarrada iyo TV-yada.