Aabe ka soo laabtay qalinjabinta gabadhiisa oo shil xun ku dhintay

Xigashada Sawirka, DEBRE LIBANOS COMM
Aabe ka soo laabtay munaasabadda qalinjabinta gabadhiisa ayaa galay shil aad u xanuun badan.
Magaciisa ayaa la yiraa Ato Dereje, isaga oo u soo safrayay magaaladii ay daganaayeen oo ku taalla wuqooyiga Itoobiya, isaga iyo gabadhiisa qalin jabisay labadaba.
Ato wuxuu ahaa 51 jir shaqaale u ahaa dawladda hoose ee degmada Debre ee dalka Itoobiya, wuxuu aaday magaalada Hawassa isaga iyo wiil uu dhalay ayaana socdalkaas u ambabaxay. Ujeedka safarka ayaa ahaa inay ka ayb galaan dabaaldagga qalinjabinta gabadha uu dhalay odeyga.
Kadib markii ay dhacday xafladdu, aabaha iyo labadiisa caruur ah ayaa safar soo galay, si ay dib ugu soo laabtaan magaaladii ay asal ahaan ka soo jeedeen, balse waxay la kulmeen shil aad u daran oo ku qabsaday meel lagu magacaabo Sululta oo 20 kiilomitir u jirta magaalada caasimadda ah ee Adisb Ababa.
Markii uu shilku dhacay, wiilkii iyo aabihii goobta ayay ku qurbaxeen, halka gabadhoodiina ay six un u dhaawacantay.

Xigashada Sawirka, Sululta
Nin ay saaxiib dhaw iyo daris ahaayeen Dereje oo lagu magacaabo Ashenafi Abdisa ayaa BBC da u sheegay inuuwarkaan naxdinta leh maqlay halkii uu ka filayay in saaxiibkiis iyo caruurtiisu gurigooda ku soo laabtaan.
“Shilkaanu waa mid argagaxa leh. Qoyska kaliya uma laha, dariska kaliyana uma laha ee qof walba oo maqla ayaa ka naxay, waa mid aan la qaadan Karin” ayuu yiri Ashenafi.
Sida ay sheegeen maamulka degmada Sulultu ee shilku ka dhacay , gaarigii ay saarnaayeen aabaha iyo wiilkiisa dhintay iyo gabadha dhaawaca ah ayaa ku dhacay gaari kale oo wadada marayay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saaxiibka Dereje ayaa sheegay in uu muddo isku diyaarinayay aabahaan qalinjabinta gabadhiisa.
“Diyaargarow yaa la sameeyay oo waxaa la gawracay neef lo’ ah, aniga xitaa ka saaxiib ahaan ayaan qaban qabada ugu jiray”. Ayuu yiri saaxiibka Dereje.
Sidoo kale hooyada gabadha dhashay ayaa Iyana sugaysay inay la kulanto gabadheeda. Dariska ayaa Iyana sugayay inay arkaan gabadha.
Shilkaan ayaa dhacay iyaga oo konton kiilomitir u jira gurigooda, oo maraya goob lagu magacaabo Kore Roba oo ka tirsan degmada uu shilku ka dhacay ee Sululta.
Saaxiibka Dereje ayaa BBC u sheegay in uu gabadhu ay ka baxay jaamacadda Hawassa oo ay ka bartay maadada chemical engineering, waalidiinteeduna ay ku hammi waynaayeen in ay shaqo heli doonto marka ay qalin jabiso kadib.
“Aabaheed ayaa yiri, ‘Gabadheydu way qalin jabineysaa shaqona way bilaabi doontaa”/ Sidaas waxaa yiri Ashenafi oo dib u xasuusanaya wadahadaladi dhex maray isaga iyo saaxiibkiis geeriyooday isaga oo qlabi jabsan.
Marka laga yimaado aabaha iyo wiilka iyo gabadhiisa, waxaa kale oo jiray wiilka kale oo dhallinyaro ah, oo si daran ugu dhaawacmay shilka. Sidoo kale lix qof oo kale ayaa Iyana ku dhaawacmay, inkasta oo dhawaacoodu ahaa mid fudud.













