Sida haweeneydan u afduubtay nin ay jeclayd oo gabar kale guursan rabay

Afduub

Arrin cajiib ah ayaa ka dhacday saldhig boolis oo ku yaalla magaalo ku taalla galbeedka Hindiya oo lagu magacaabo Pune, kana tirsan gobolka Maharashtra. Waxaa la ogaady in haweeneey marwo ah oo 28 jir ah ay afduubatay wiil ay jeclayd oo 23 jir ah.

Booliska magaalada ayaa helay xog ku filan oo ay ku baadi goobi karaan cida afduubatay wiilka iyo sida afduubka u dhacay. Mar dambana waxay shaaca ka qaadeen arrin yaab ku noqtay dadka intiisa badan oo ah waxa uu salka ku hayay afduubku.

Hawweneyda arrinkaan ka dambeysay ayaa sidoo kale la shaaciyay in ay marwo ahayd.

Maxaa si dhab ah u dhacay?

22 kii bishii June ee sanadkii 2023 kii, wiilka la afduubtay walaalkiis ayaa cabasho geeyay saldhigga booliska ee magaalada Uttamnagar.

Wiilka la waayay ayaa muddo shan iyo toban maalin ah la joogay walaalkiis ka hor inta aan la waayin. Walaalkiis ayaana ka shakiyay in la afduubtay.

Booliska ayaa aaday goobtii lagu tuhmayay in lagu afduubtay, kadibna waxay heleen muuqaal.

“Waxay sheegeen in ay ka shakiyeen in la afduubtay, laakiin ma aysan ogayn cida afduubka gaysatay. Intii aa baareynay meeshii arrinku ka dhacay waxaan helnay muuqaal”. Sidaas waxa yiri sarkaal boolis ah oo ka tirsan saldhigga Uttamnagar.

Muuqaalka dhexdiisa waxaa ka muuqday haweeneey iyo laba qof oo kale oo qaadaya Isma. Markii muuqaalka la tusay wiilka la afduubtay walaalkiis wuxuu aqoonsaday haweeneyda. Sidoo kale wuxuu shegay magaceeda. “Waxaan xog ku helnay inay ku nooshahay magaalada Vapi,” ayuu yiri sarkaalku.

Ninka dhallinyarada ah ayaa laga afduubtay goob waddo ah iyada oo lageeyay Vapi oo oo ku taalla Gujarat. Haweeneyda ayaa la joogta wiilka markii loo tagay.

Afduub

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa sabab u ahaa afduubka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marka loo eego xogta la helay, wiilka iyo gabadha afduubatayba waxay daganaayeen tuulo lagu xaafad ku taalla degmada Satara. Haweeneyda eedesanaha ah ayaa la guursaday kadibna waxay degtay Vapi oo ku taalla Gujarat. Haweeneyda iyo wiilka ay afduubatay waxaa xiriir jacayl lahaa muddo shan sano ah. Haweeneyda ayaa ahayd hooyo laba caruur ah leh.

Wiilka ayaa muddo shaqo u joogay magaalada ay dagtay gabadha afduubatay. Kaidbna waxaa soo dhawaaday xilligii arooskiisu dhici lahaa, wuxu aaday magaalada Maharashtra. Laakiin haweeneyda ayaa arrinkaa u dul qaadan waysay.

Haweeneyda ayaa qorsheysay afduubka wiilka ay is jeclaayeen iyada oo kaa shaneysa laba nin oo dhallinyaro ah. Saddexdooda ayaana afduubtay.

Sanadkii hore ayaa isla Hindiya booliska gobolka Madhya Paradesh ee dalka Hindiya ayaa sheegay iney soo qabteen nin ay sheegeen inuu toddobo qof uu u dilay caro uu ka carooday gabadhi uu jeclaa oo nin kale ka raacday.

Ninkan ay boolisku qabteen oo lagu magacaabo Shubham Dixit wuxuu dab qabadsiiyey dhismo ay gabadha uu jeclaa degganeyd.

Waxaana dabka Shubham uu shiday ku naf waayey toddobo qof sagaal kalana ay ku dhaawacmeen, dadkaasi ay waxyeellada soo gaartay oo aan wax xiriir ah la laheen waxa uu sheegay ninkan gabadha uu jeclaa u carooday.

Dadki deegaanka oo dhacdadan ay argagax ku noqotay waxay sheegeen ninkan dhibka intaa la eg geystay in ciqaabtiisa la mariyo.