Dadka yaraantoodii la geeyay Maraykanka oo ka cabsi qaba in la tarxiilo

Shirley Chung
Qoraalka sawirka, Shirley Chung
    • Author, George Wright

Shirley Chung, waxay ahayd hal sano jir markii qoys Maraykan ah ay qateen sannadkii 1966.

Waxay ku dhalatay Kuuriyada Koonfureed, aabbaha dhalay wuxuu ka tirsanaa ciidammada Mareykanka, wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisii isla markii Shirley dhalatay. Hooyadeed oo aan awoodin in ay xaaladda la tacaasho ayaa siisay qoys kale si ay u koriyaan kuwaas oo degganaa caasimadda Kuuriyada Koonfureed, Seoul.

"Wuu naga tagay, waa sida ugu wanaagsan ee aan u dhihi karo," ayay tidhi Shirley oo hadda 61 jir ah.

Kaddib ku dhawaad hal sano, Shirley waxaa qaatey labo qof oo Mareykan ah, kuwaasi oo geeyey Texas, Maraykanka.

Shirley waxay ku barbaartay nolol la mid ah tan dhallinyarada badan ee Maraykanka. Waxay dhigatay iskuul, waxay qaadatay shatiga darawalnimada, waxayna ka shaqeysay dukaan.

"Waxaan la kulmay dhibaato la mid ah middii dhallinyaro badna oo Maraykanka ah ay mareen 80-meeyadii," ayay tidhi Shirley.

Shirley way guursatay waxaanay dhashay carruur. Waxayna noqotay macallimad dadka barta qalabka muusikada. Nolosheedu waxay si caadi ah u socotay tobannaan sano iyada oo aan wax shaki ah laga qabin aqoonsigeeda Mareykanka.

Laakiin sannadkii 2012, waxa burburay wax wlaba oo haysatay.

Waxay lumisay kaarka Social Security-ga waxayna u baahatay mid cusub. Laakiin markii ay tagtay xafiiska bixiya kaarkaasi ee deegaanka, waxaa loo sheegay in ay caddeyso xaaladdeeda muwaadinnimo ee Maraykanka. Ugu dambeyntii, waxay ogaatay in aanay haysan jinsiyadda Mareykanka.

"Waxoogaa niyad-jab ah ayaa isoo gaadhay markii aan ogaaday in aan odgaaday in aanan muwaadin," ayay tidhi.

Sawir laga qaaday Shirley oo dugsiga ku jirta

Xigashada Sawirka, Shirley Chung

Qoraalka sawirka, Sawor laga qaaday Shirley oo dugsiga ku jirta
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shirley keligeed ma aha. Waxa la qiyaasayaa tirada carruurta la korsaday ee Maraykanka ee aan haysan jinsiyadda waddankaasi ay u dhexeeyaan 18,000 ilaa 75,000. Qaar ka mid ah carruurta dalal kale lagu korsaday xitaa ma oga in ay jinsiyado Mareykanka la' yihiin.

Sannooyinkii u dambeeyay, tobannaan carruur ah oo la korsaday ayaa loo celiyey dalalkii ay ku dhasheen, sida laga soo xigtay Xarunta Xuquuqda Carruurta la korsaday. Nin ku dhashay Kuuriyada Koonfureed oociyaalnimadiisii ay qaateen qoys Mareykan ah – laakiin dib loogu celiyey dalkiisii dhalashada sabab la xidhiidhha rikoodh dambi ayaa is dilay sannadkii 2017.

Sababaha ay carruur badan oo Maraykan ah oo la korsaday aanay u haysan jinsiyadda ayaa ah sababo kala duwan. Shirley waxay ku eedeysaa waalidkeed in ay ku guuldarraysteen in ay dhammeystiraan waraaqaha saxda ah markii la keenay Marsykanka. Sidoo kale waxay ku eedeysaa nidaamka iskuulada ee dalkaas iyo dawladdu in ay caddayn waayeen in ay tahay ruux Maraykan ah.

"Waxaan ku eedeynayaa dhammaan dadka waaweyn ee nolosheyda qaybta k ahaa oo si fudud u dayacay mas'uuliyadda ka saarnayd ayay tidhi.

Qof Iiraani ah oo ka mid ah dadka la korsaday oo qariyay magaciisa

Xigashada Sawirka, Photo supplied

Haweeney kale oo codsatay in magaceeda la qariyo si aanay u soo jiidan dareenka hay'adaha ayaa qoys Maraykan ahi ay ka soo qaateen Iiraan sannadkii 1973-kii iyadoo labo sano jir ah.

Waxay ku barbaartay Badhtamaha Galbeedka ee Mareykanka. Waxay la kulantay h takoor, laakiin si guud carruurnimadeedii waxay ahayd mid farxad badan.

"Nolol ayaan samaystay. Mar walba waxaan fahamsanaa inaan ahay muwaadin Maraykan ah. Taasi waa waxa la ii sheegay. Weli waan aaminsanahay," ayay tidhi.

Laakiin taas waxa uu isbeddel ku yimid markii ay isku dayday inay hesho baasaboorka iyada oo xilligaas da'deedu ahayd 38 sano, waxayna ogaatay in hay'adaha socdaalku ay lumiyeen dukumentiyo muhiim ah oo taageeraya sheegashadeeda jinsiyadda.

Arrintani waxay sii adkaysay dareenkeeda ku saabsan aqoonsiga.

"Anigu shaqsiyan isuma haysto in aan ahay muhaajir. Ma aanan imaan halkan sidii qof muhaajir ah oo leh luqad labaad, dhaqan kale, qoys kale oo dal kale jooga," ayay tidhi.

Carruur badan oo la korsaday ayaa ka baqaya waaxda socdaalka inkasta oo ay Maraykanka yimaadeen iyagoo carruur ah.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Carruur badan oo la korsaday ayaa ka baqaya waaxda socdaalka inkasta oo ay Maraykanka yimaadeen iyagoo carruur ah.

Muddo tobanaan sano ah, carruuraha laga soo qaato dalalka kale ee korsado ee ay oggolaadaan maxkamadaha iyo hay'adaha dowladda ma ay heli jirn xaq si rasmi ah u siinaya dhalashada Mareykanka.

Xeerka Jinsiyadda Carruurta ee 2000, ayaa jideeyay tallaabo lagu saxayo arrintan, isagoo si toos ah u siiyay jinsiyadda dhalashada carruur badan oo la korsaday. Laakiin sharcigu wuxuu khuseeyay oo keliya carruurta laga yaabo korsado mustaqbalka ama kuwa dhashay wixii ka dambeeyay Febuary sannadkii 1983-kii. Kuwa la keenay waddankaasi wixii ka horreeyay waqtigaas jinsiyad lama siin. Taasina waxa ay keentay in kumannaan qof ku sugnaadaan xaalad hubanti la'aan ah.

Dadka u dooda xuquuqda carruurta laga soo qaatay dalalka kale ee Maraykanka lagu korsaday ayaa muddo dheer ku riixayay Kongareeska Mareykanka in la tirtiro xannibaadaha da'da ee sharcigaas, balse sharciyadii la soo jeediyay ayaan noqon kuwa ka gudba Golaha Wakiillada.

Donald Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Donald Trump

Cabsida ay qabaan carruurta la korsaday iyo qoysaskoodu waxay sii kordhayeen tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, isaga oo ballan qaaday in uu "si degdeg ah u masaafurin doono dhammaan ajaanibta sida sharci darrada ah ku soo gashay ama u joogta dalkaasi."

Bishii hore, maamulka Trump ayaa sheegay in "laba milyan oo ajaanib sharci darro ah ay ka tageen Mareykanka wax ka yar 250 maalmood gudaheed, kuwaas oo ay ku jiraan qiyaastii 1.6 milyan oo si iskood ah isu masaafuriyay iyo in ka badan 400,000 oo si rasmi ah loo masaafuriyay."

Hal kiis oo la xidhiidha muwaadiniin tiradoodu gaadhayso 238 oo reer Venezuela ah ayaa Maraykanku laga masaafuriyay, waxaana lagu xukumay xabsi adag oo ku yaalla El Salvador. Waxaa lagu eedeeyay in ay xubno ka yihiin budhcadda Tren de Aragua, inkastoo intooda badan aanay lahayn wax rikoodh dambiyeed ah.

Bishii hore, mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa xidhay 475 qof. Waxa ku jiray 300 oo qof oo y muwaadiniin Kuuriyada Koonfureedu shashay. Dadkaas ayaa lagu eedeeyay oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga shaqeynayeen warshadda baytariyada ee Hyundai, oo ah mid ka mid ah mashaariicda maalgashi ee shisheeye ee ugu waaweyn gobolka Georgia.

Sawirka Shirley ee hadda

Xigashada Sawirka, Shirley Chung

Qoraalka sawirka, Sawirka Shirley ee hadda

Inkasta oo carruurta la korsaday ay sannado badan ku jireen xaalad hubanti la'aan ah, haddana, Emily Howe — oo ah qareen ku takhasustay xuquuqda madaniga iyo aadanaha islamarkaana la shaqaysay carruur la korsaday oo Mareykanka jooga— ayaa aaminsan in arrintani ay tahay mid kaliya u baahan siyaasad midaysan.

Shirley waxay rajaynaysaa in ay siyaasadda madaxweynaha Mareykanku xal u keeni karto iyadu iyo dadka la midka ah.

"Waxaan ka codsan lahaa in uu naxariis muujiyo. Annagu ma nihin ajaanib sharci darro ah," ayay tidhi.

"Annaga diyaarado ayaa na lagu keenay annagoo ilmo yaryar ah. Fadlan dhegayso sheekadeenna, oo fuli ballankii uu Maraykanku siisay ilmo kasta oo diyaaradahaas la soo saaray," ayay tidhi.