'Waxaan bilaabaynaa tijaabada hubka nukleerka' - is qabadka Ruushka iyo Maraykanka

Trump

Xigashada Sawirka, ANDREW CABALLERO-REYNOLDS/AFP /Getty Images

Todobaadkan, Maraykanka iyo Ruushku waxay ku dhawaaqeen hadalo dhiilo leh oo ku aadan hub nukliyeerka.

Ugu horeyn Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen tijaabinta gantaalaha Nukliyeerka ah iyo markab Nukliyeerka qaada oo biyaha hoostooda mara.

Isla markiiba madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in militariga ay si degdeg ah u bilaabaan tijaabada hubka nukliyeerka.

Ma cadda in Trump uu ula jeeday tijaabooyinka qarxinta nukliyeerka ama tijaabooyinka duulimaad ee gantaallada xambaara nukliyeerka.

Maraykanku ma samayn tijaabada hubka nukliyeerka tan iyo 1992.

"Waxaan ku amray waaxda dagaalka inay si siman u tijaabiso hubka nukliyeerka sababtoo ah wadamada kale waxay tijaabinayaan barnaamijyadooda. Hannaanku wuxuu bilaaban doonaa isla markiiba," ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada ee Turth.

Trump waxa uu sheegay in Maraykanku uu ka hub badan yahay dalalka kale, isaga oo intaa ku daray "Ruushka waa kan labaad, Shiinahana waa kan saddexaad, laakiin shan sano gudahood way siman yihiin".

Sida laga soo xigtay Ururka Xakamaynta Hubka ee Washington, Maraykanka ayaa haysta 5,225 madaxyada nukliyeerka, Ruushkana wuxuu leeyahay 5,580.

Trump ayaa markii dambe yiri isaga oo ku jira Air Force One, "Maadaama ay kuwa kale tijaabinayaan, waxaan u maleynayaa inay ku habboon tahay inaan sidaas oo kale sameyno."

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in goobaha lagu tijaabiyo Nukliyeerka la go'aamin doono hadhow.

.

Xigashada Sawirka, Russian Ministry of Defense

Kremlin: Hadii uu Maraykanku tijaabo bilaabo anaguna waa bilaabeynaa

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Putin ayaa ku dhawaaqay Arbacadii 29-kii October in ay ku guulaysteen in ay tijaabiyaan Torpedo super ah oo ku shaqeeya nukliyeerka.

Khubarada millatariga ayaa sheegaya in aaladaan ay kicin karto mowjado shucaac ah oo aad u badan, taas oo dhibaato u geysata deegaannada xeebaha ah.

Ruushka ayaa sidoo kale tijaabiyay gantaalkiisa cusub ee Burevestnik ee la hago 21-kii Oktoobar wuxuuna sameeyay dhoolatuska Nukliyeerka 22-kii Oktoobar.

Si kastaba ha ahaatee, kadib hadaladii Trump, Kremlin-ka ayaa sheegay in kuwani aysan ahayn tijaabooyin nukliyeer ah.

"Hadalka madaxweyne Trump wuxuu xusayaa wadamada kale ee sameeya tijaabooyinka nukliyeerka, kama warqabno wax tijaabo ah oo noocaas ah ilaa hadda," afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa sidaas yiri.

Markii la weydiiyay in Kremlin-ka uu kiciyay tartan cusub oo hubka nukliyeerka ah, Peskov wuxuu yiri, "Uma maleynayo."

"Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo ereyada madaxweyne Putin, oo uu marar badan ku celceliyey: 'Haddii waddan uu ku xad-gudbo xakamaha, waxaan u dhaqmi doonnaa si waafaqsan," ayuu yiri Peskov.

Goormee ahayd markii ugu dambaysay ee la sameeyay tijaabo Nukleer?

Ma jiro waddan haysta Nukliyeer oo aan ahayn Kuuriyada Waqooyi oo tijaabiyay qarax Nukliyeer 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Midowgii Soofiyeeti wuxuu sameeyay tijaabadii ugu dambeysay ee Nukliyeerka 1990, Mareykanka 1992, iyo Shiinaha oo sameeyay 1996.

Si kastaba ha ahaatee, wadamo kala duwan ayaa maalgelinaya hubkooda nukliyeerka.

Xarunta cilmi baarista ee fadhigeedu yahay Washington ayaa ku qiyaastay in Beijing ay laba jibaartay hubkeeda nukliyeerka sanadka 2020-kii.

Hay'adda ayaa sheegtay in saraakiisha ciidamada Mareykanka ay ku qiyaaseen in Shiinaha uu hantiyi doono in ka badan 1,000 madax oo Nukliyeer ah sanadka 2030-ka.

Mareykanka ayaa xilligii bilowga hubka Nukliyeerka ku daah furay nuuca hubkaan, bambo Nukliyeer ah oo dhan 20-kiiloton bishii Luulyo 1945-kii, kaasoo markii dambe lagu tuuray magaalooyinka Japan ee Hiroshima iyo Nagasaki.