Masar iyo Ereteriya oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xiisadda gobolka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Eritariya, Isaayaas Afewerki ayaa Khamiistii u duulay magaalada Qaahira ee waddanka Masaarida. Waa booqasho qaadan doonta shan maalmood.
Wasiirka Warfaafinta Eritariya, Yamana Gebremasqal ayaa sheegay in Isayas iyo Cabdalfataax al-Sisi ay yeesheen "wadahadallo ballaadhan" galabnimadii Khamiista.
Madaxweynaha dalkaasi, Isayas Afewerki oo xilligan uu khilaaf kala dhexeeyo saaxiibkiisii hore, raysalwsaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa muddooyinkan dambe dawladiisu ay eedaymmo u soo jeedinaysay xisbiga talada Itoobiya haya ee la yidhaahdo Barwaaqo.
Dhanka kale, Madaxweyne al-Sisi ayaa intii lagu jiray wadahadallada sheegay, in Masar ay taageereyso "madax-bannaanida iyo xuduudaha Eriteriya."
"Masar waxay ku faanaysaa xidhiidhka istaraatiijiyadeed ee aasaasiga ah ee ay la leedahay Eritariya," ayuu yidhi Cabdalfataax al-Sisi, sida ay sheegtay wakaaladda Anadolu oo soo xiganaysa madaxtooyada Masar.
Maxay ka wada hadleen?
Labada hoggaamiye ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda gobolka, gaar ahaan arrimaha Suudaan, Soomaaliya iyo amniga Badda Cas.
Madaxweynayaasha Masar iyo Eritariya ayaa ku heshiiyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, halka Madaxweyne al-Siisi uu sheegay in dalkiisu uu diyaar yahay in uu door ka qaato ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Suudaan, Soomaaliya iyo Badda Cas.
Sidoo kale, waxay ku baaqeen in dalalka ku hareeraysan Badda Cas ay iska kaashadaan sugidda nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay si wanaagsan uga faa'iidaystaan khayraadka.
Madaxweynaha Eritariya, Isayas Afewerki, ayaa dhankiisa ammaanay kaalinta Masar ee lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo horumarka gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Afrika, sida lagu sheegay warbixinta.

Xigashada Sawirka, Getty
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa toddobaadkan hortagay baarlamaanka dalkaas isaga oo caalamkana ka codsaday in dhexdhexaadin caalami ah ay gaystaan xiisadda Itoobiya iyo Eritariya.
Hoggaamiyaha Itoobiya ayaa sheegay oo farrin toos ah u diray dalkan ay dariska yihiin ayaa yidhi: "Walaalahayo Erteriya waxa aan ugu baaqayaa, dagaal idin lama rabno, laakiin xabbad-gudbiyayaal ha noqonina. Dal noqda. Ma fiicna in dalal deris ah xabbad la isugu gudbiyo. Ka waantooba arrintaasi. Tuhun ma ah ee waan aragnaa," ayuu yidhi Abiy.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in dalkiisu aanu diyaar u ahayn dagaal uu xilligan la galo Eriteriya.
"Anigu waan rabaa sidii hadda ka horba aan sameeyay in aan Asmara tago. Dagaal ma rabno. Mashaariic balaayiin doollar ah ayaan ka shaqaynaynaa. Dagaal wakhti uma haynno. Haddii dagaal dhaco waa la yaqaan natiijadiisa. Wixii intaa ka dambeeyaana waa qaylo uun. Sidee qof isugu aamina karaa dal kale oo uu u dhihi karaa dal hebel baa i caawinaya, iyada oo la arkayo Ukrayn iyo Falastiin. Cid kuu dhimanaysaa ma jirto aan ka ahayn in niyadda laguu dhiso," ayaa uu raaciyaya hadalkiisa Abiy.
Dawladda Eritrea ayaa cambaareysay mowqifka cusub ee ay dhowaan Itoobiya ka istaagtay badda cas. Wasiirka Warfaafinta dalkaasi Yamane Gabremesqal ayaa si adag u dhaliilay hadalkii uu ra'iisul wasaare Abiy Ahmed jeediyay 28-dii Oktoober 2025 ee uu kaga hadlay muhiimadda badda u leedahay dalkiisa, gaar ahaan marin-biyoodka Asab.
''Riyada xisbiga Prosperity Party (PP) eek u saabsan Asab waxa ay u muuqataa mid wakhti kasta sii xumaanaysa. Dhowaan waxay noqotay mid ''dadku la amakaagaan.''
Magaalada Casab ee Ereteriya ayaa leh dad kala firirsan marka loo barbar dhigo magaalooyinka Itoobiya oo dadkoodu aad u badan yihiin.
Isaga oo tixraacaya hadalladii ra'iisul wasaare Abiy ee golaha baarlamanka ayuu yiri ''sida lagu sheegay fadhigii baarlamanka shalay (Arbaco) waxay muujinaysaa in haddii wadahadal suurtagal yahay la gorgortamayo, haddii kalana milatari lagu qabsanayo''
Khatarta ka dhalan karta dagaal dhex mara Itoobiya Ereteriya

Xigashada Sawirka, Getty
Xiisadda labada dal ayaa si weyn u kacday, gaar ahaan kadib markii Ethiopia si cad u sheegtay in ay xaq u leedahay in ay hesho marin badeed.
Mas'uuliyiinta Itoobiya, oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed, ayaa sheegay in guuldarrada Ethiopia ee ku aaddan helitaanka marin badeed oo ku xidhma Badda Cas ay ahayd "khalad la galay 30 sano ka hor."
Haddii Ethiopia iyo Eritrea ay dagaallamaan, maxay yihiin khataraha labada dal soo wajihi kara? Intee ayey u diyaarsan yihiin dagaal kale, iyagoo dhowaan ka qaybgalay dagaalkii waqooyiga Itoobiya? Ma u diyaarsan yihiin khasaaraha dhaqaale, mid diblomaasiyadeed, iyo kan kheyraadka bini'aadamka? Waxaan BBC-du weydiisay falanqeeyayaal arrintan.
Dagaalku ma aha wax cusub oo ku saabsan Ethiopia iyo Eritrea. Dhowr sano uun kadib markii Eritrea ay ku dhawaaqday madaxbannaani ka dhan ah Itoobiya, labada dal waxay galeen dagaal socday laba sano, kaas oo lagu soo afjaray Heshiiskii Algiers.
Inkastoo dagaalka la joojiyay, haddana labada dal waxay ahaayeen kuwo xidhiidhkoodu xumaa in ka badan 20 sano, iyagoo aan wax xidhiidh diblomaasiyadeed ah samayn.
Bayisa ayaa sheegay in Itoobiya aysan haysan sharci caalami ah oo taageeraya sheegashadeeda ah in ay xaq u leedahay dekedda Asab.
"Ma rumaysni in dowladda Itoobiya ay doonayso in ay dal kale ku duusho. Asab waa dhul Eritrea leedahay," ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in aysan jirin sharci caalami ah oo Itoobiya taageeraya.
Wuxuu sii raaciyay: "Haddii aad tiraahdo waxaan awood u leeyahay inaan dhul tago oo aan ku daro dalkayga, taas waa mamnuuc [sida uu qabo sharciga caalamiga ah] waana dembi."













