Sida Gantaalkii cilmi baarista cimillada ee Norwey loogu sigtay in uu biloowdo dagaal nukliyeer ah

Muddo saacad ka badan maalintii ay tahay qabow xilliga qaboobaha 25-kii Janaayo 1995, dunidu waxay la kulantay cabsi xun oo ka mid ah riyooyinka ugu xun ee Dagaalkii Qaboobaa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muddo saacad ka badan maalintuna ay tahay qabow xilliga qaboobaha 25-kii Janaayo 1995, dunidu waxay la kulantay cabsi xun oo ka mid ah riyooyinka ugu xun ee Dagaalkii Qaboobaa.

Galab caadi ah oo Arbaco ah, farsamayaqaannada millatariga ee ku sugan saldhigyada waqooyiga Ruushka ayaa ku arkay calaamad walaac leh shaashadahooda.

Gantaal ayaa lagasoo tuuray meel ka mid ah xeebta Norway kaasi oo xawaare degdeg ah ku socday . Xaggee ayuu u socday? Ma khatar buu ahaa? Dabcan, dad badan waxay u maleynayeen in xiisadaha nukliyeerka ah ay dhamaadeenn markii darbiga Berlin la dumiyay.

Ilaalada hawada kormeerayay, saamaynta waxay ahayd mid halis ah. Waxay garanayeen in gantaal laga tuuray markabaka Quusa ee Mareykanka ee biyahaas uu kusoo ridi karo sideed madax oo nukliyeer ah Moscow 15 daqiiqo gudaheed.

Fariinta si degdeg ah ayaa loo gaarsiiyay iyadoo loo marayo silsiladda amarka Madaxweynahii Ruushka Boris Yeltsin.

Yeltsin wuxuu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay adduunka ee dhaqaajiya "Furayaash nukliyeerka," boorso ay ku jiraan tilmaamaha iyo teknoolojiyadda lagu ridayo gantaalaha nukliyeerka.

Tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, dawladaha leh hubka nukliyeerka waxay u adeegsanayeen siyaasadda ka-hortagga, oo ku saleysan fikradda ah in haddii dawladaha dagaal doonka ah ay fuliyaan weerarro nukliyeer oo waaweyn, ay keeni doonto burbur hubaysan oo labada dhinac ah.

Waqtigaas xiisaha badan, Yeltsin iyo la-taliyayaashiisa waxay si degdeg ah u go'aansanayeen sidii ay fal-celin u sameyn lahaayeen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida aan wada ognahay hadda, qeylo dhaantaas walbahaarka leh ee dhacdooyinkaas kuma aysan dhamaan masiibo.

In kasta oo ay jirto xiisad, sheekadu waxay ku dhamaatay sidii mawduuc fudud ee dhamaadka warbixinta habeenkaas oo ay weheliyaan heesta xaaladda madow ee Tom Lehrer "Dhammaanteen Waan Tagi Doonnaa, Markaan Tagno," oo dhammaan lagu xardhay iftiin dhalaalaya.

Jeremy Paxman, soo-saarahii barnaamijka Newsnight ee BBC-da, ayaa sheegay: "Ka hor intaynan bixin, waa inaan sheegnaa in dagaal nukliyeer ah uusan maanta qarxin, inkastoo ay jireen dadaallada wakaaladda wararka Ruushka. Saacadu markay ahayd 13:46, warbixinnada ayaa bilaabay inay ysoo baxaan iyagoo xiganaya wakaaladda wararka Moscow ee Interfax, iyagoo sheegaya in Ruushku uu soo riday gantaal.

"Saxafiyiinta, iyagoo u maleynaya inay ka warrami doonaan Masiibadaas, isla markiiba waxay waceen Wasaaradda Difaaca. Afhayeenka ayaa si kasloosni leh u yiri : 'Waxaan hubaa in Ingiriisku aysan wax gantaal ah ku ridin Ruushka.' Afhayeenka Pentagon-ka ma uusan maqlin, isagoo sheegay, 'Waxa aan hayno warbixino ku saabsan war uun.'"

Saacado ka dib markii warbixintu been noqotay, ilo aan la aqoon oo ka tirsan difaaca Ruushka ayaa sheegay in Suuqyada lacagaha caalamiga ah ay ku dhaceen jahawareer markii siyaasiyiin, taliyeyaal millateri iyo wariyeyaal ay ku qaadatay saacado badan raadinta macluumaadka.

Saacadda markii ay ahayd14:52 GMT, kuwa ka warqabay suurtagalnimada dhibaatada ayaa mar kale neefi kasoo booday.

Interfax ayaa saxday warbixinteeda si ay u muujiso in, inkastoo nidaamka digniinta hore ee Ruushka uu diiwaangeliyay gantaal, lasoo tuuray, haddana uu ku dhacay dhul Norwey ah. Sii-hayaha difaaca ee Norway ayaa markii dambe xaqiijiyay in gantaalka si nabad ah loo tuuray.

Waxay uu qa ka ahaa barnaamij cilmi baaris caadi ah oo ka socda saldhiggii gantaalaha rayidka waxayna ujeedadeedu ahayd in laga uruuriyo macluumaad ku saabsan cimilada gaarka ah ee loo yaqaan Aurora Borealis.

Gantaalku wuxuu u socday inuu ururiyo macluumaad ku saabsan ifttinka Waqooyi.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gantaalku wuxuu u socday inuu ururiyo macluumaad ku saabsan ifttinka Waqooyi.

Gantaalku wuxuu u degay sidii loo qorsheeyay badda agagaarka jasiiradda fog ee Arctic ee Spitzbergen, meel ka fog hawada sare ee Ruushka.

Interfax wax ay sheegtay in ay tahay "degdeg in go'aan laga gaaro" in la hubiyo haddii bilawgii uu ahaa mid tijaaba, markii la helay nidaamka digniinta hore ee raadaarka.

Ruushku wuxuu ka taxaddaray awoodihiisa difaaca hawada tan iyo 1987, markii nin dhallinyara ah oo lagu magacaabo Mathias Rust oo u dhashay Jarmalkii Galbeed uu ku guuleystay inuu ku duulo in ka badan 750km isagoo dhex maraya dhammaan qalabka difaaca ee Soviet-ka isagoo isticmaalaya diyaarad hal matoor ah kunasoo degay albaabada Kremlin-ka.

Markaas, Dagaalkii Qaboobaa wuu dhammaaday, laakiin tani waxay ahayd calaamad muujinaysa in qaar ka mid ah masuuliyiinta Ruushku weli ka walwalsan yihiin khatar nukliyeer.

Adolfsen waxay la ahayd in Ruushka laga yaabo inay falceliyaan sababtoo ah waxay ahayd markii ugu horeysay ee Gantaal Cimiladu sameysay uu gaaro hawada sare oo aad u sareeysa, isagoo gaaray dherer dhan 1,457 kiiloomitir.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in arrintaasi aanay ahayn mid lala yaabo. "14-ka Diseembar, fariin ayaa loo diray dhammaan dalalka ku lugta leh iyada oo loo marayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo lagu wargelinayo inaan la sameeyn doono tijaabo gantaal," ayuu yiri.

Laakiin sabab aan la garanayn, digniintaas marnaba ma aysan gaarin xafiisyadii loogu talagalay. Waxay ahayd xasuus murugo leh oo muujineysa sida hal fariin oo la seego ay u keeni karto cawaaqib taban oo halis ah.

Toddoboaadyo ka hor, Norway waxay Moscow u sheegtay qorshaha la sameynayo ee hawlgalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Toddoboaadyo ka hor, Norway waxay Moscow u sheegtay qorshaha la sameynayo ee hawlgalka.

Tan iyo bilawgii xilliga nukliyeerka, waxaa jiray dhacdooyin khatar dhow ah oo ka badan inta la jecelyahay in la xasuusto.

Kuma eka oo kaliya dhacdooyinka waaweyn sida xiisadda gantaalkii Kuuba ee 1962, taasoo shaki la'aan ahayd tan ugu dhow ee Dagaalkii Qaboobaa uu u iskugu beddeli lahaa inuu noqdo dagaal nukliyeer oo buuxa oo u dhexeeya Mareykanka iyo Midowga Soofiyeeti.

Sanadkii 2020, BBC Future waxay soo werisay sida digniinaha been-abuurka ah ay u keeni karaan khatar weyn.

Sanadkii 1958, diyaarad ayaa si kama ah ugu riday bam nukliyeer ah beer khudaareed oo ay qoys lahaayeen, nasiib wanaag waxa ay kaliya dishay digaagoodii. Sanadkii 1966, laba diyaaradood oo milateri Mareykan ah ayaa ku dhacay tuulo fog oo ku taalla Spain; midkood waxa saarnaa afar gantaal oo nukliyeer ah. Sanadkii 2010, Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa muddo gaaban xiriir la'aan kala kulmay 50 gantaal, taas oo ka dhigtay mid aan suurtagal ahayn in la ogaado ama la joojiyo qarax darandoori ah.

Waqtigaas, dad badan oo Ruush ah ayaa beeniyay sheegashadaYeltsin ee uu sheegay inuu markii ugu horeysay isticmaalay furayaasha nukliyeerka, iyagoo sheegay in ju ahaa olole lagu doonayey in dareenka dadka looga leexiyo dagaalkii ka socday Chechnya.