Koox isku dayday in Maxamed Bin Salmaan lagu xiro Faransiiska?

Maxamed bin Salmaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Booqashada uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ku tagay dalka Faransiiska ayaa ka careysiisay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo amiirku uu doonayo in uu si tartiib tartiib ah isugu soo dhex daro madaxda caalamka kaddib dilkii weriye Jamal Khashoggi.

Casho-sharaf shaqo oo uu Khamiistii la yeeshay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa timid iyadoo uu sare u kacay qiimaha tamarta.

Amiirka ayaa beeniyay inuu aqbalay dilka Khashoggi ee lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Turkiga.

Hatice Cengiz oo ah gabadhii u doonanneyd weriye Khashoggi ayaa muujisay sida ay uga careysan tahay booqashada Bin Salmaan ee Faransiiska. 

Waxay ku eedaysay Macron inuu "gacmo furan ku soo dhoweeyay ninkii dilay lamaanaheeda."

Bin Salmaan ayaa habeen ka hor u duulay garoonka diyaaradaha Orly ee koonfurta magaalada Paris, wuxuuna ku hoyday qasri aad u qurux badan oo ku yaalla magaalada Louvigne ee galbeedka Paris.

Bin Salmaan iyo Macron

Xigashada Sawirka, ROYAL COURT OF SAUDI ARABIA HANDOUT

Saacado ka hor inta aysan labada nin ku kulmin aqalka Elysee Palace, saddex koox ayaa gudbiyay dacwad-ciqaabeed iyagoo ku eedeynaya bin Salmaan inuu ku lug lahaa jir-dilka iyo khaarijinta Khashoggi.

Dacwood-gudbiyeyaasha waxaa ku jira xisbiga Dimuqraadiga ee Dunida Carabta (Fajr), kaas oo ku doodaya in Bin Salmaan uusan haysan xasaanad ka qaadaysa dacwadda, maaddaama uusan ahayn madax dowladeed, Faransiiskuna waa mid ka mid ah meelaha kaliya ee suurtagalka ay tahay in caddaaladda loogu heli karo kiiska.

Iyadoo aan la xaqiijinin in ay jiraan "ballanqaadyo adag oo la taaban karo" oo ku saabsan xuquuqda, Macron wuxuu halis ugu jiraa inuu dhaqan celiyo bin Salmaan iyo "caddayn" muuqaalkiisa, Benedict Gainerud oo ka tirsan Human Rights Watch ayaa yiri.

Booliska Faransiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka hor kulanka, kaaliyaha madaxweynaha Faransiiska ayaa ballan-qaaday in uu "si guud" u muujin doono arrinta xuquuqda aadanaha, laakiin wuxuu sheegay inay muhiim tahay in lala hadlo dhammaan saaxiibbada Faransiiska si loo xalliyo dhibaatooyinka soo wajaha dhammaan Yurub.

Kadib dilkii Khashoggi, labada nin ayaa ku kulmay magaalada Jiddah ee Sacuudiga bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Raysul wasaaraha Faransiiska, Elisabeth Borne ayaa sheegtay in aysan u maleyneyn in dadka Faransiisku ay fahmi doonaan arrintan, iyadoo hoosta ka xarriiqday in ay muhiim tahay in madaxweynahoodu uu la hadlo dalalka soo saara tamarta, gaar ahaan marka uu sicirku kacsan yahay.

Ruushka ayaa mar kale jaraya sahayda gaaska ee uu siiyo dalalka Yurub.

Bin Salmaan iyo Biden

Xigashada Sawirka, Reuters

Duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa sare u kac ku sababay qiimaha tamarta. Madaxweyne Macron wuxuu ku boorriyay Sacuudiga inuu kordhiyo wax-soo-saarka saliidda.

Kooxda OPEC+ ee soo saarta saliidda, oo uu ku jiro Ruushka ayaa kulmaysa toddobaadka soo socda, waxaana xubnahooda lagu cadaadinayaa inay gacan ka geystaan ​​dhimista xiisadda.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la sawiray isaga oo gacan qaadaya amiirka mar uu booqasho ku tagay dalka Sacuudiga horraantii bishaan, ujeeddaduna ay tahay dib-u-dhiska xiriirka.

Amiirku waxa uu had iyo jeer diidaa in uu ku lug lahaa dilka Khashoggi, dacwad-oogeyaasha Sucuudigu waxa ay eedda dusha uga tuureen wakiillo Sucuudi ah oo “damiir-laaweyaal ah”.

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in uu amiirku oggolaaday howlgalka. Baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo gabagabeeyay in Riyadh ay mas'uul ka ahayd dilka sharci-darrada ah.