Turkiga iyo Ruushka oo isku khilaafay magaaladii ay manaxayaasha guutada Soomaalida qabteen

Maxaad ka taqaanaa ciidamada Guurada Soomaalida?

Xigashada Sawirka, Reuters

Ruushka ayaa ka falceliyay tallaabada madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo shan ka mid ah taliyeyaashii hore ee Turkiga lagu hayay ku soo celiyay Ukraine.

Isaga oo ka soo laabtay socdaalkiisii Turkiga Sabtidii, Zelensky waxa uu horay u soo kaxaystay shan taliye oo hoggaaminayay dagaalkii sanadkii hore, kuwaas oo magaalada Mariupol difaacayay saddex bilood.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Turkiga uu jabiyay heshiiskan, wuxuuna yiri “ma jirto cid na soo ogeysiisay arrintan”, sida uu heshiiska dhigayo dadkan waa inay sii joogaan Turkiga.

Peskov ayaa ku andacoodey in soo laabashada taliyaasha ay la xiriirto "guul-darrida weerarka ka dhanka ah" Ukraine.

Isla mar ahaantaana, wuxuu sheegay in Ankara ay rabto inay muujiso "midnimo" sababtoo ah shirwaynaha NATO ee la qaban doono usbuucan, isagoo ku andacoonaya in "cadaadis weyn" uu ku hayo Turkiga.

Zelenskiy, ayaa dhanka kale, sawirkii uu shalay la wadaagay baraha bulshada ku yiri, “Waxaan ka soo laabaneynaa dalka Turkiga, waxaana nala soo wadaa geesiyaashayada”.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ka dib markii uu Zelenskiy kula kulmay Istanbul, wuxuu shaaca ka qaaday in "Ukraine ay u qalanto xubinnimada NATO".

Erdogan ayaa sidoo kale muujiyay in Putin la filayo inuu booqdo Turkiga bisha soo socota, isagoo intaa ku daray inay doonayaan inay wada xaajood ka sameeyaan maxaabiis is dhaafsiga.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kumanaan kun ayaa naftooda ku waayey dagaalkaas Mariupol, oo ah magaaladii ugu weyneyd oo ku taal Ukraine ee uu Ruushka qabsado.

Ka dib dhowr bilood oo go'doomin ah, Ruushku wuxuu qabsaday magaalada Mariupol bishii Abriil ee sannadkii hore.

Ruushka ayaa sii daayay qaar ka mid ah taliyayaasha kadib heshiiskii maxaabiista ee uu Turkigu dhexdhexaadiyay bishii Sebtembar, waxaana la go’aamiyay in taliyayaashan ay sii joogaan Turkiga ilaa dhammaadka dagaalka.

Dagaalka uu Ruuhska ku qabsaday waxaa kaalin weyn ka qaatay guutada loo garan og yahay "Somalia Battalion" ee dalka Ukraine, balse Ruushka la safan.

Telefishinka Ruptly ee laga leeyahay Ruushka ayaa markaas ka mid ahaa warbaahintii ugu horreysay ee soo tebiyay in Guutada Soomaalida iyo ciidanka Ruushka oo is garabsanaya ay la wareegeen magaaladaas uu dagaalka culus ka socday tan iyo markii ay militeriga Ruushka weerarka ku qaadeen Ukraine.

Warbaahinnada kale ee caalamka qaarood, sida telefishinka Republic World, oo fadhigiisu yahay Hindiya, ayaa hadal hayay wararka ku saabsan Guutada Soomaalida ee ka dagaallantay Mariupol iyo nawaaxigeeda.

Maalmo kaddibna, cinwaannada warbaahinta waxaa qabsaday warka ku saabsan in guutadaas ay ka faro xalatay furimihii dagaalka ee Mariupol goobihii ay xoogaggeeda qabsadeenna ay ku wareejiyeen Militeriga Ruushka, iyaguna ay dib ugu laabteen halkii ay duullaanka kasoo qaadeen oo ahayd gobolka Donetsk.

Waxaa sidoo kale markaas la shaaciyay muuqaallo laga arkayo ciidamada "Somalia Battalion" iyo taangiyadooda oo si weyn loogu soo dhaweeyay Donetsk, iyagoo loo ruxayay ubaxyo iyo caleemo qoyan.

Ciidankan oo lagu naanayso "Ma naxayaasha" ayaa sidoo kale ka dagaallamaya furimaha hore ee gobolka Donbas oo ay isaga soo horjeedaan ciidamada dowladda Ukraine.

Haddaba maxaad ka taqaannaa ciidamada Guutada Soomaalida?

.

Xigashada Sawirka, AFP VIA GATTY IMAGES

Waxaa guutadan lagu magacaabaa "Somali Battalion", waa garab militeri oo ka tirsan jabhad ka dagaallanta gobolka Donestk ee bariga Ukraine.

Dhammaantood waa muwadiniin u dhashay Ukraine oo ma jira qof Soomaali ah oo ka tirsan, balse magacaas uun ayaa loo baxeen.

Waxaa horraan guutadan la oran jiray 1st Separate Tank Battalion Somalia, waxaa hoggaamin jiray taliye la oran jiray Mikhail Tolstykh, waxay isugu yeeraan kooxda 'manaxayaasha ah.'

Waxaana hoggamiyahoodii Mikhail Tolstykh uu ku dhintay qarax sanadkii 2017 xilli uu ku sugnaa gobolka Donestk.

Waxaan la sheegay in guutadan ay tahay mid aad u hubeysan xitaa waxay heystaan gawaarida gaashaaman ee dagaalka, madaafiicda iyo gawaarida xamuulka ee dagaalka.

Dowladda Ukraine ayaa guutadan ku tilmaantaa koox argagixiso ah oo ay baacsanayaan ciidamada dowladda si lamid ah kooxaha kale ee ku kacsan xukuumadda ee gooni u goosadka ah.

Guutadan wuxuu fadhigeedu yahay gobolka Donetsk iyo Makiivka.

Markii Ruushku weeraray Ukraine 2014 kii, falaago uu hoosta ka taageero madaxweyne Putin ayaa la wareegtay dhul balaaran oo ah galbeedka Ukraine ah , fallaagada ayaa muddo halkaas kula dagaalamayay ciidamada Ukraine.

Maxaa loogu bixiyay magaca guutada Soomaliya?

Maxaa loogu bixiyay magaca guutada Soomaliya

Xigashada Sawirka, Reuters

Sababta uu magaca u xushay ayuu ku tilmaamay in ay salka ku haysay afar arrimood.

  • In ay ku dayanayeen kooxihii burcad-badeedda Soomaalida
  • In labis ciidan ama dirays u gaar ah aysan lahayn, sida malayshiyaadka Soomaalida
  • In dagaalkoodu uu yahay oo kaliya midka loo yaqaano 'ku dhufo oo ka dhaqaaq'
  • In iyagoo aan hub casri ah haysan, tababar heer sare ahna aan qaadan ay dowlado la dagaallameen

Arrimahan ayuu u cuskaday in Soomaalidu ay yihiin dad geesiyaal ah oo iyadoo awood badan aan haysanin u babac dhiga quwado waawayn.

Hoggaamiyihii kooxda Motorola oo ay si wayn u saaxiibeen ayaa u aqoonsaday kooxdaas, waxa uuna u hirgeliyay magacaas oo ilaa hadda ay isticmaalaan.

Dhowr sano kaddib, 2017-kii, Givi waxaa lagu dilay gantaal qorsheysan oo lala beegsaday isagoo xafiiskiisa ku jira, isla goobtaas ayuuna ku geeriyooday, sida ay shaaciyeen warbaahin kala duwan oo uu ka mid yahay wargayska New York Times.

Kumuu ahaa ninkii aasaasay

Waxaa guutadan lagu magacaabaa "Somali Battalion", waa garab militeri oo ka tirsan jabhad ka dagaallanta gobolka Donestk ee bariga Ukraine.

Dhammanatood waa muwadiniin u dhashay Ukraine oo ma jira qof Soomaali ah oo ka tirsan, balse magacaas uun ayaa loo baxeen.

Waxaa horraan guutadan la oran jiray 1st Separate Tank Battalion Somalia, waxaa hoggaamin jiray taliye la oran jiray Mikhail Tolstykh, waxay isugu yeeraan kooxda 'manaxayaasha ah.'

Waxaana hoggamiyahoodii Mikhail Tolstykh uu ku dhintay qarax sanadkii 2017 xilli uu ku sugnaa gobolka Donestk.

Waxaan la sheegay in guutadan ay tahay mid aad u hubeysan xitaa waxay heystaan gawaarida gaashaaman ee dagaalka, madaafiicda iyo gawaarida xamuulka ee dagaalka.

Dowladda Ukraine ayaa guutadan ku tilmaantaa koox argagixiso ah oo ay baacsanayaan ciidamada dowladda si lamid ah kooxaha kale ee ku kacsan xukuumadda ee gooni u goosadka ah.

Guutadan wuxuu fadhigeedu yahay gobolka Donetsk iyo Makiivka.

Markii Ruushku weeraray Ukraine 2014 kii, falaago uu hoosta ka taageero madaxweyne Putin ayaa la wareegtay dhul balaaran oo ah galbeedka Ukraine ah , fallaagada ayaa muddo halkaas kula dagaalamayay ciidamada Ukraine.