Soomaaliya ma ku jirtaa dalalka laga yaabo in Trump uu ku soo rogo xayiraad socdaalka ah?

Madaxweyne Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Maamulka Trump ayaa ka fiirsanaya soo saarista xayiraadaha safarka ee muwaadiniinta dalal dhowr ah taas oo qayb ka ah mamnuucid cusub, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah oo arrintan la socda iyo qoraal gudaha ah oo ay aragtay Reuters.

Dokumantiyo maamulka Maraykanku diyaariyey ayaa waxa ka muuqda inay jiraan 41 waddan oo xanibaado la saarayo, waxaana dalalka loo qeybiyey saddex kooxood, kooxda hore waa 10 dal oo ay ku jiraan dalalka Afhganistan, Iran, Syria, Cuba iyo Kuuriyadda Waqooyi, gebi ahaanba waxa laga joojin doonaa dal kugalka Maraykanka.

Kooxda labaad waa shan dal oo kala ah Eretria, Haiti, Laos, Mynmar iyo Suudaanta koonfureed, waxaa iyaga qayb ahaan laga xanibayaa dal-kugalka ardayda, dalxiiska iyo fiisooyinka kale marka laga reebo xaaladdaha qaar.

Kooxda saddexaad waa 26 dal, waxaa ku jira dalalka Pakistan,Belarus,iyo Turkimistan, kuwaan ayaa iyaga la siiyey digniin ah 60 cisho oo la rabo in lagu dhameeyo waxyabaaha ay dawladahaasi iyo Maraykanku isku khilaafsan yahiin sida dokumantigaasi maamulka Trump qeexay.

Marka laga soo tago liiska dalalkan ay aragtay warbaahinta Reuters kuma jirto Soomaaliya, basle waxaa la xasuustaa inay muddo xilleedkiisii hore Trump uu ku daray Soomaaliya dalal dadkooda laga mamnuucay inay u safraan dalkaasi.

Sarkaal Maraykan ah oo magaciisa qariyey ayaa Reuters u sheegay in liiskani wax laga beddeli karo , iyadoo maamulka uusan wali ansixin liiska oo ku jiro xogahayaha arrimaha dibadd dalkaas Marco Rubio.

Warbaahinta New York Times ayaa ugu hor heshay liiska , arrinta ayaa dib inoo xasuusinaysa tallaabaddii Trump uu ku xanibay socdaalka toddobo dal oo dadkoodu muslim u badan yahay , siyaasaddaas oo buuq dhalisay ka dibna ay maxakamadda sare ee Maraykanku ay ansaxisay sanadkii 2018-kii.

Trump ayaa soo saaray 20-kii January wareegto Madaxweyne oo faraysa dawladdiisa inay aad u baarto dadka imaanaya Maraykanka, xubno golaha wasiiradda ayaa lagu war galiyey inay 21March ay warbixin ka keenaan dalalka aan ka soo bixin shuruudaha ee nidaamkooda socdaalkuna aanu habaysnayn

Amarrada Trump waa qayb ka mid ah olole lagu xakameynayo socdaalka oo uu bilaabay billowga muddo-xileedkiisa labaad ee Aqalka Cad.

Wuxuu muujiyey qorshihiisa Bishii Octoober ee sanadkii 2023-kiisa, hadal uu ku ballan qaaday inuu xayiraad saari doonno dadka ka imaanaya Marinka Qasa, Liibiya, Soomaaliya, Yemen, Syria iyo ''meelkasta oo kale oo khatar ku ah ammaankeenna"

Wasaaradda Arrimaha Dibadda si dhaqsi ah uguma jawaabin warbixinta ay Reuters heshay.

Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweyne Trump ayaa ballan qaaday inuu dalkiisa ka masaafurin doono tiro badan oo soo galooti sharci darro ku galay dalkaas isagoo ku hanjabay xilligii ku jiray ololaha doorasha in tallaabooyin xariyaado sidoo kale uu soo rogi doonno. Tallaabadaas oo welwel galiysay kumanaan soo galooti ah oo Soomaali ka mid tahay oo dalkaasi ka galay soohdimaha dhanka dhulka.

Sidaas oo kale Trump ayaa joojiyey balaayiin dollar oo Maraykanku ugu yabooji jiray dalal ku yaalla Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Dhanka waxaa uu dhaqaalaha ka jaray hay'adda USAID oo ka mid ahay kuwa sida xooggan ugu shaqeeya arrimaha bini'aadanimada iyo horumarka dalalka saboolka ah.

Intii uu xafiiska joogay bil iyo dheeraad Trump ayaa saxiixaray amarro Madaxweyne oo dhaliyey qalalaase dhaqaale iyo kuwa carro weyn ka dhaliyey caalamka.