Wararkii ugu dembeeyey ee mowjado duqaymo cirka ah oo lagu garaacay dalka Yemen iyo Xuutiyiinta oo ka hadlay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraykanka ayaa mowjado duqaymo dhanka cirkaa ku garaacay kooxda Xuutiyiinta sida uu sheegay Madaxweyne Donald Trump, isaga oo sabab uga dhigay weerarrada kooxda hubaysan ay ku qaadayaan maraakiibta Badda Cas.
"Kooxda burcada ah oo ay maalgaliso Iiran ayaa weeraro gantaallo ku riday maraakiibta Maraykanka waxayna bartilmaameedsadeen ciidamadeena iyo kuwa xulufada" ayuu Trump ku yiri qoraal u soo dhigay barihiisa bulshada, isagoo intaa ku daray in "burcad-badeednimadooda, rabshadaha, iyo argagixisada" ay ku kacday "Balaayiin doolar" isla markaana khatar gelisay nolosha dadka.
Wasaaradda caafimaadke ee ay Xuutiyiintu maamulayaan ayaa sheeegtay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen halka sagaal kalane ay ku dhaawacmeen duqaymaha.
Kooxda ayaa bilowday bartilmaameedsiga maraakiinta iyagoo sheegay inay jawaab ugu bixinayaan dagaalka Israa'iil iyo Xamaas ee Qasa, iyagoo sheegay in ciidamadoodu ay ka jawaabayaan duqaymaha Maraykanka.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa soo warisay taxane qaraxyo ah habeenimadii Sabtida ka dhacay magaalada Sanaa iyo gobolka waqooyi ee Saada – oo ah halka ay ku xoogan yihiin kooxda kaas oo soodin la leh dalka Sacuudiga.
Kooxda fallaagada ay Iiran taageerto, taaso Israa'iil u aragta cadowgeeda, ayaa maamusha Sancaa iyo Waqooyi-Galbeed ee Yemen, balse ma aha dowladda Yemen ee si caalami ah loo aqoonsan yahay.
Sawrio aan la xaqiijin ayaa muujinaya qiiq ballaaran oo ka soo baxay aagga garoonka diyaaradaha ee Sanca - oo ay ku jiraan xarun ciidan.
Bayaan ay soo saareen, kooxda Xuutiyiintu waxay Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ku eedeeyey "gardaro" duullaan ah oo ay ku beegsadeen goobo la deggan yahay oo ku yaalla caasimada Sanca, inkastoo la fahamsan yahay in UK aysan ka qayb qaadan weerarrada Mareykanka ee Sabtidii lagu bartilmaameedsaday Xuuthiyiinta, balse ay siisay taageero shidaal ah Mareykanka.
Weerarradan ayuu Trump, ku sheegay inay yihiin kuwa aan " loo dulqaadan doonin".
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan adeegsan doonnaa awood halis ah ilaa aan ka gaareyno ujeeddadayada."
Kooxda Xuutiyiintu waxay sheegtay inay falalkooda ku taageerayaan Falastiiniyiinta dagaalka Qasa ee u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas. Waxay badanaa si been ah ugu andacoodaan inay bartilmamaeedsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa'iil, Maraykanka iyo UK.

Xigashada Sawirka, X, US Central Command
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tan iyo bishii Nofembar 2023, Xuutiyiintu waxay bartilmaansadeen daraasiin maraakiib ganacsi ah kuwas oo ay ku weerareen gantaalo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo weeraro doomo yar yar oo ka dhacay badda cas iyo gacanka cadmeed. Waxay dejiyeen laba markab, mid saddexaadna way qabsadeen iyagoo dilay afar shaqaale oo saarnaa.
Kooxda ma aysan joojin maraakiib dagaal oo Reer-Galbeedku leeyahay oo halkaas lagu daabulay si ay u ilalaiyaan maraakiinta ganacsi iyo weeraro dhowr jeer ah oo dhanka cirkaa oo ay qaadeen Ingiriiska iyo Maraykanka oo lagu beegsaday xarumo militari.
Israa'iil ayaa sidoo kale tan iyo bishii July qaadaysay duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta, taasoo ay uga aargoosanayso 400 oo gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Israa'iil ay sheegtay in laga soo riday dalka Yemen, kuwaasoo intooda badan la soo riday.
Shirkadaha waaweyn ee maraakiibta ayaa lagu qasbay inay joojiyaan isticmaalka badda cas - oo ay soo maraan ku dhawaad 15% ganacsiga caalamiga ah ee badda - waxayna isticmaalaan waddo aad uga dheer oo dhanka koonfurta Afrika ah.
Kanaalka Suweys waa marin baddeedka ugu dhaqsaha badan ee isku xira Aasiya iyo Yurub, wuxuuna si gaar ah muhiim ugu yahay gaadiidka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah.
Isagoo si toos ah ula hadlayey Trump, ayaa qoraalka ku sheegay in haddii aysan joojin "Naarta ayaa sida roobka idinku di'i doonta si aydan waligiin hore u arag"

Xigashada Sawirka, X, US Central Command
Balse Xuutiyiinta ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan, iyaga oo sheegay in gardarada aysan hoos u dhigi doonin taageerada ay siiyaan Falastiiniyiinta.
"Gardarradan ma ahaan doonto jawaab la'aan, ciidamadeena hubaysan ee Yemen waxay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xiisadda sii xumaanaysa," ayay kooxdu tidhi.
Dhanka kale xoghayaha difaaca Maraykanka ayaa sheegay in Xuutiyiinta ay "maalgaliso" Iiraan ay taasi wargalin u ahayd.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sidoo kale kala hadlay ka hortagga howlgallada militari ee ka dhanka ah Xuutiyiinta mark uu Sabtidii la hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov.
Rubio waxa uu carabka ku adkeeyay in "Weerarada Xuutiyiinta ee sii socota ee ay ku hayaan ciidamada Maraykanka iyo maraakiibta ganacsi ee badda cas aan loo dulqaadan doonin", sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda.
Xuutiyiinta ayaa 190 weerar ka fuliyay Badda Cas intii u dhaxeysay November 2023 iyo Oktoobar 2024, sida uu sheegay Congress-ka Mareykanka.













