Garoon diyaaradeed oo laga furay Buur Hakaba iyo wax-yaabaha uu soo kordhin karo

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
Soomaaliya waxa kusoo badanaya garoomada diyaaradaha ee maxlliga ah ee laga hirgelinayo deegaanaada kala duwan taas oo ay dadku ay isticmaalaan diyaardaha iskaga kala gooshaa gobolada dalka iyagoo rakaab ahaan u raacaya diyaarado maxalli ah.
Sababta ugu weyn ee ay garoomada diyaardaha usoo badanayaan ayaa ah dhanka amniga iyo sababa amniga aawgeed in aanay gawaaridu u mari karin waddooyinka laamiga ah amaba waddoyyinkii oo burbursan oo aan dayac tir helin muddo dheer ka dib markii ay burburtay dowladdii hore milateriga .
Haddaba garoonkii ugu danbeeyay ee diyaaradeed ayaa maantay laga furay Degmada Buur Hakaba oo katirsan Koonfur Galbeed.
Munaasabadda xarig-jarka garoonka cusub ee degmada Buur Hakaba waxa xariga ka jaray madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo halkaasi ku tagay duulimaad diyaardeed, iyadoo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Maareeyaha Duulista Hawada, Axmed Macallin Xasan. Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed iyo dadweynaha Buur Hakaba oo laga dareemayey shucuurtooda sida ay ugu faraxsanyihiin garoonka cusub ee laga hirgeliyay degmada Buur Hakaba.

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
Madaxweyne Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay sheegay "in ay muddo badan ku taamayeen dhismaha garoonka diyaardeed ee Buur Hakaba " kaas oo maanta wejigiisa kobaad aan xariga ka jarayno uuna shaqeeynayo, " ayuu yiri Lafta Gareen oo intaasi ku daray in baahidii garoon diyaardeed ay maantay ku egtahay".
Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa ugu baaqay Reer Buur Hakaba in ayu guntadaan sidii uu garoonku u noqon lahaa mid caalami ah, isagoo sheegay in magaaladu ay tahay mid fac weyn oo dadweyne badani ku nool yihiin, tuulooyin badanna ay hoos yimaadaan.
Garoonka ayaa dhismihiisu uu socon doonaa sida uu sheegay Cabdicasiis Lafta Gareen " Weji labaad ayaa jiri doono , mid seddexaad ayaa jiri doonaa , mid afaraad ayaa la gaari doonaa" ayuu yiri, Lafta Gareen oo intaas ku daray in marka ugu danbeysa uu noqon dono garoon caalami ah oo laami la saaro.
Madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa ballan qaaday in ay dhisi doonaan iskuullo dugsiya Sare, Dhexe iyo hoose ah isla markaasna ay Jamaacadda Koonfur Galbeed ka hirgelin doonaan magaalada Buur Hakaba.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxa aan degmada Buur Hakaba ka hir gelin doonaa Cisbitaal weyn iyo xarumihii dowladda oo dhan" ayuu yir Lafta Gareen.
Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Nuur Aden o ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaan wax ka weeydiinay muhimadda garoonka maantay laga furay Buur Hakaba uu leeyahay dadka iyo deegaanka magaalada, waxana uu sheegay in Buur Hakaba ay tahay magaallo qaddiimi ah oo ay ahayd in ay mar hore yeelato garoon diyaardeed.
Magaalada oo 60 Km u jirta magaalada Baydhabo xarunta maamulka ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayuu wasiirku sheegay in wax yaabaha ugu waaweyn ee looga faa'ideysanayo garoonkan ay noqon doonto in imtixaanka sanad dugsiyeedka Sare iyo Dhexe ee ardayda magaalada lagusoo gaarsiin doono diyaarad halka ay markii hore adkeyn in si fudud loosoo gaarsiiyo.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in gaarsinta agabka doorashada qof iyo cod in garoonkani uu gacan ka geeysan doono.
Lafta Gareen ayaa isaguna dhankiisa ugu baaqay reer Buur Hakaba in ay u diyaargaroobaan doorasho qof iyo cod ah oo ay kusoo doortaan madaxdooda heer gobol iyo mid federaal intaba.
Dadweynaha Reer Buur Hakaba aya shucuurtooda laga dheehanayey sida ay ugu faraxsanaayeen furitaanka garoonkaasi cusub , iyagoo halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyintii xariga ka jareysay garoonka .
Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Nuur Aden ayaa yiri " Garoonka fikirkiisa waxaa lahaa Madaxweynaha Konfur Galbeed halka reer Buur Hakabana ay qarashka bixiyeen, dowaldduna ay kaalmeeysay,
Wasiirka ayaa sheegay in isaga shaqsi ahaan a2008dii ay ugu danbeysy in uu soomaro waddada isku xirta Buur Hakaba iyo Baydhabo isagoo markaas xildhibaan ka ahaa dowladdii Cabdullaahi Yuusuf.
Mar aan wasiirka weeydiinay in ay dhanka amniga xoogga saaraan iyo sidii waddooyinka loo mari lahaa halki garooma diyaardeed laga dhisayo wasiirku waxa uu sheegay" taasi farsameeda waa lagu guda jiraa"
Soomaaliya ayaa diyaaraddo maxalli ah ayaa inat badan hadda duulimaadyo kala duwan ku tago magaalooyin badan oo dalka ah waxana taas sabab u ah amniga waddoyinka la marayo aan sugneyn iyo dagaalka u dhaxeeyo dowaldda iyo Alshabaab oo ay waddooyinka qaarkood ku xirmeen.











