Putin oo diiday ammaanka Reer Galbeedka ee Ukriane, isagoo uga digay in ciidamadoodu noqon doonaan bartilmaameed

Putin

Xigashada Sawirka, VLADIMIR SMIRNOV/TASS/HANDOUT

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa diiday soo-jeedimaha Reer Galbeedka ee ku saabsan in la geeyo "ciidan xaqiijinaya ammaanka" Ukraine maalinta xigta marka xabbad-joojin la gaaro, kadib shir ka dhacay magaalada Paris oo lagu doonayay in lagu dhameystiro qorshayaasha dammaanad-qaadka amniga.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in 26 ka mid ah xulafada Ukraine ay si rasmi ah uga go'an tahay inay ciidamadooda geeyaan "dhul, bad iyo cirba" si ay gacan uga geystaan ​​sugidda ammaanka xilliga uu dagaalka istaago.

Macron ma uusan shaacin magacyada dalalka ku lugta leh qorshahan.

Putin ayaa isku dayay inuu joojiyo dadaalkaas, isagoo digniin u diray in ciidamo kasta oo la geeyo Ukraine ay noqon doonaan "bartilmaameed sharci ah," gaar ahaan haddii ay hadda muuqdaan, inkasta oo aan jirin qorshe deg-deg ah oo ciidan lagu dirayo.

Hadda waxa muuqata rajo yar oo laga qabo xabbad-joojin, ka dib shirkii bishii hore Alaska ku dhexmaray Putin iyo Madaxweyne Donald Trump oo ay si kooban kor ugu qaadeen rajada la kulanka Volodymyr Zelensky iyo heshiis nabadeed oo suurtagal ah.

Putin ayaa Jimcihii sheegay inuu diyaar u yahay inuu la xiriiro hogaamiyaha Ukraine "laakiin ma arko wax badan. Waayo? sababtoo ah waxay ku dhowdahay wax aan macquul aheyn in heshiis laga gaaro dhinaca Ukraine arrimaha muhiimka ah".

Trump ayaa markaas kadib soo dhigay bartiisa bulshada in taasi "Waxay u muuqataa in aan luminay Hindiya iyo Ruushka, una gacan galnay Shiinaha madow ee ugu qotada dheer," isagoo hoosta ka xariiqaya sawir muujinaya saddexda hoggaamiye ee dalalkaasi kulankoodii ka dhacay Tianjin Talaadadii.

Afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa bogaadiyay "dadaalka wax ku oolka leh" ee Trump uu ku raadinayo xal, laakiin wuxuu weeraray "dadaalka guracan ee dalalka Yurub ee kicinaya sii socoshada dagaalka".

Tan iyo shirkii Alaska, "Isbahaysiga Rabitaanka" oo ay hoggaaminayaan UK iyo Faransiiska ayaa si xooggan uga shaqeynayay sidii Kyiv loogu siin lahaa dammaanad-qaad amni haddii heshiis la gaaro. Tani waxay ku lug leedahay xoojinta ciidamada Ukraine iyo sidoo kale bixinta "ciidan xaqiijin amni" oo ilaalin doona fulinta heshiiska.

Macron waxa uu adkeeyay in ciidan kasta loo diri doono si ay uga hortagaan "gardarrada kasta oo cusub" aana la geyn doonin safka hore. Ciidanku "ma laha rabitaanka ama ujeeddada dagaal ee ka dhanka ah Ruushka", ayuu yiri Marcon.

Ukriane

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Zelensky, ayaa ku tilmaamay go'aannadii lagu gaaray kulankii Paris ee Khamiistii inay yihiin tallaabadii ugu horreysay ee dhab ah, wuxuuna Jimcihii sheegay in kumannaan askari oo ajnabi ah la gayn doono Ukraine, inkasta oo uu yiri weli waa goor hore in laga hadlo faahfaahin buuxda.

Maraykanku ma bixin faahfaahin ku saabsan ku lug lahaanshaha. Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in la soo gabagabeyn doono maalmaha soo socda.

Trump ayaa dhawaan tilmaamay in taageerada Mareykanka ay "malaha" ku imaan karto qaab taageero xagga hawada ah, inkastoo uusan wax faallo ah ka bixin shirkii Paris ka dib, Zelensky wuxuu sheegay in uu hoggaamiyaha Mareykanka kala hadlay "ilaalinta ugu sarreysa ee cirka Ukraine".

Trump waxa uu sheegay in uu "wada hadal aad u wanaagsan" la leeyahay Putin uuna qorsheynayo in uu la hadlo mustaqbalka dhow. Putin ayaa Jimcihii xaqiijiyay inuu "wadahadal furan" la yeeshay madaxweynaha Mareykanka.

Kyiv waxay aaminsan tahay in marka hore la gaaro xabbad-joojin gudaha Ukraine ka hor inta aan la guda gelin wax heshiis nabadeed oo ballaaran, inkasta oo Ruushka uu arrintaas ka soo horjeedo.

Isagoo ka jawaabayay su'aalo lagu weydiiyay madal dhaqaale oo ka dhacaysay Vladivostok bariga fog ee Ruushka, Madaxweyne Putin wuxuu ku dooday: "Haddii la gaaro go'aamo horseedaya... nabad waarta, markaas anigu ma arko wax micne ah in ciidamo shisheeye joogaan gudaha Ukraine." Wuxuu intaas ku daray in Ruushku uu si buuxda u fulin doono go'aan kasta oo keeni kara nabad waarta.

Ukraine iyo xulafadeeda reer Galbeedku kuma qancin hadallada Putin.

Putin wuxuu sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu marti geliyo shir heer sare ah oo la xiriira Ukraine oo ka dhaca Moscow, isagoo ballan qaaday inuu bixin doono amniga kulankaas.

Markii weriyaha BBC-da, Steve Rosenberg, uu su'aal waydiiyey afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, kuna tilmaamay in dalabkaasi uu u muuqdo mid Ruushku ku doonayo in Ukraine isu dhiibto halkii laga raadin lahaa heshiis nabadeed, Peskov wuxuu ku jawaabay, "Maya, gabi ahaanba maya. Waxaa loogu casuumay Moscow si loo wada hadlo, ma aha inuu is dhiibo."

Zelensky hore ayuu uga qoslay fikradda Moscow ee ah in shir nabadeed lagu qabto halkaas, isagoo ku tilmaamay caddeyn ah in Putin uusan dhab ka ahayn nabadda. Waxaa la soo jeediyay caasimado dhexdhexaad ah oo kale si loogu qabto shirka, balse Putin wuxuu ka cawday "dalabyo xad dhaaf ah"

"Waxaan taageersannahay qaab kasta—kulammo laba-geesood ah, saddex-geesood ah—laakiin anigu waxaan aaminsanahay in Ruushku uu sameynayo wax kasta si uu shirkan u dib u dhigo."ayuu yiri Zelensky

Hoggaamiyaasha Reer Galbeedka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka iyaguna waxay rumeysan yihiin in Ruushka uu isku dayayo inuu waqti helo si uu u qabsado dhul badan oo Ukraine ah, iyadoo uu socdo dagaalka baaxadda leh ee hadda galay afartan iyo laba bilood.

Putin oo Arbacadii kulan la qaatay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa weli ku adkeysanaya in milateriga Ruushka uu guulo ka gaarayo dhammaan jihooyinka dagaalka ee Ukraine.

Waxaa si cad loogu dhawaaqay in aysan jirin wax ciidamo Reer Galbeed ah oo la geynayo gudaha Ukraine, iyadoo Moscow ay arrintaas si adag uga digtay. Isla markaana, Ruushku wuxuu ku adkeystay in uu ka mid noqdo waddamada "dammaanad qaadaya amniga Ukraine" — fikrad ay si cad u diideen Kyiv iyo xulafadeeda.

Afhayeenka Putin ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo shisheeye, ha ahaadeen kuwa NATO ama kuwa kale, ay halis ku yihiin Ruushka, isagoo sabab uga dhigay in, "Annagu waxaan nahay cadowga NATO."

Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa isna sheegay kadib kulanka in mudnaanta koowaad ay tahay in la helo xabbad-joojin lagu gaaro shir uu Zelensky ka qaybgalayo, kadibna la bixiyo "dammaanad-qaad amni oo xoog leh."