Waa kuma ciyaaryahanka noqon doona muslimkii ugu horreeyey ee u ciyaara xulka England?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Djed Spence ayaa rajeynaya in uu u noqdo dhiirrigelin jiilasha soo socda haddii uu noqdo ciyaaryahankii Muslimka ahaa ee ugu horreeyay ee u ciyaara xulka ragga ee England.
Difaaca bidix ee Tottenham, oo hore ugu ciyaaray lix kulan xulka da'yarta England ee U-21, ayaa markii ugu horreysay looga yeedhay xulka qaranka ee da'aadda waaweyn si uu uga qayb galo isreeb-reebka Koobka Adduunka ee kula ciyaarayaan Andorra iyo Serbia.
Tani waa tallaabo weyn oo horumar ah oo ku saabsan waayaha ciyaareed Spence, oo hore uga tirsanaa Middlesbrough, isla markaana Tottenham ay amaah saddex jeer ugu dirtay kooxaha Rennes, Leeds iyo Genoa, ka hor inta uusan xilli ciyaareedkii hore ka helin boos joogto ah kooxda koowaad.
Inkasta oo Xidhiidhka Kubadda Cagta ee England (FA) aanu diiwaan gelinayn diin ahaan cidda ciyaartoydu yihiin, haddana wararka ayaa sheegaya in Spence uu noqon doono ciyaaryahankii Muslimka ahaa ee ugu horreeyay ee u ciyaara xulka qaranka England.
"Waan ducaystaa mar walba, Ilaahay ayaan had iyo jeer uga mahadceliyaa. Xilliyadii ugu adkaa ee nolosheyda, mugdiga aan waajahay iyo sidaan uga baxay, had iyo jeer waxaan aaminsanaa in Ilaahay I kaalmayn doono. Taasi waa arrin weyn oo aniga muhiim u ah iimaankayga."
England waxay Sabtida klau ciyaari doontaa Andorra garoonka Villa Park, ka hor inta aysan u safarin Belgrade si ay Talaadada ula ciyaaraan Serbia.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Spence wuxuu sheegay inuusan dareemaynin wax culays ah oo dhanka diintiisa ah, balse wuxuu rajeynayaa in sheekadiisu noqoto dhiirrigelin dadka kale saamaysa.
"Wax culays ah sabab kasta ha noqotee ma dareemayo. Waxaan kaliya kubadda cagta ciyaaraa aniga oo dhoola caddeynaya, faraxsan, wax walbana si dabiici ah ayay ku hagaagayaan," ayuu raaciyay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Haddii anigu sameyn karo, adiguna waad sameyn kartaa. Kaliya ma aha carruurta Muslimiinta ah, balse cunug kasta oo diin kasta ah. Haddii aad maskaxdaada u hureyso arrin, waad gaari kartaa"
Kahor 15-kii December ee sanadkii hore, Spence wuxuu ciyaaray kaliya 64 daqiiqo oo horyaalka Premier League ah xilli-ciyaareedkii 2024–25.
Taariikhdaas kaddib, wuxuu 90 daqiiqo ciyaaray 19 ka mid ah 22-kii kulan ee xigay ee Spurs ay horyaalka ciyaareen.
Isbeddelkaasi wuxuu ahaa mid weyn. Spence si buuxda uguma jirin qorshayaasha tababaraha Spurs, Ange Postecoglou, ilaa xad aan xitaa lagu darin safka hore ee tartanka kooxaha Yurub (Europa League) marxaladdiisii kooxaha.
Markii dambe waxaa laga saaray ciyaarihii is-reebreebka, balse wuxuu 180 daqiiqo ku dheelay guushii wareegga 16-ka ee ay Spurs kaga adkaatay AZ Alkmaar.
Wuxuu beddel ku soo galay markii Spurs ay garaacday Manchester United kulankii finalka, taas oo u xaqiijisay Spurs koobkoodii weynaa ee ugu horreeyay muddo 17 sano ah, isla markaana u suurtagelisay inay ka qeyb galaan Champions League.
Soo bixitaanka Spence xilli ciyaareedkii hore wuxuu ahaa mid aad u muuqda, ilaa xad la hadal hayay inuu ku biirayo xulka koowaad ee England, kaas oo uu bishii March uu u yeedhay tababare Thomas Tuchel.
Si kastaba ha ahaatee, Spence looma dooran xilligaas in ka sii mid ahaado xulka, waxaana bedelkiisa lagu dhawaaqay da'yarka Arsenal, Myles Lewis-Skelly, oo loo arkay xiddig cusub iyo wajiga cusub ee garabka bidix, inkasta oo Spence uu haystay tirakoobkii ugu fiicnaa ee Premier League waqtigaas.
Laakiin Spence wuu sii haystay booskiisa, waxaana kaddib markii uu ciyaaray daqiiqad kasta xilli ciyaareedka cusub ee Spurs ee Premier League, loogu yeeday inuu ku biiro xulka qaranka waaweyn.
"Waa arrin aad u weyn in England loo ciyaaro, boqolkiiba boqol," ayuu sheegay Spence.
"Macallinku wuxuu igu abuuray kalsooni, qof walbana waa isoo dhaweeyey. Waxaan hore ugu ciyaaray xulka da'yarta U-21, sidaas darteed wax yar ayaan ka ogahay heerka qaramada. Laakiin xulka waaweyn waligay maan helin jaanis aan ugu ciyaaro."
Spence wuxuu markii ugu horreysay u saftay xulka England U-21 bishii March 2022, isaga oo tababare Lee Carsley u ciyaaray ciyaar ay la ciyaarayeen Albania.
Carsley wuxuu rabay inuu Spence la aado tartankii Yurub ee da'yarta U-21 ee 2023, kaas oo England ku guuleysatay iyagoo Spain kaga adkaaday ciyaarta kama danbaysta ahayd, balse dhaawacyo ayaa ka hor istaagay daafacaas inuu ka qeyb galo tartankaas.
Carsley, korodhka magaca iyo muuqaalka Spence wax lala yaabo uma arko. Wuxuuna sheegay in uu filayey in heerkan iyo mid ka sarreeyaba gaadhi karo, marka loo eego xirfadda kubadeed ee uu leeyahay.












