Afar ciyaaryahan oo laf-dhabar u ah Kubbadda Cagta Soomaaliya

Anwar Shakunda iyo gool hayaha xulka qaranka Cumaan, Faiz Al-Rushaidi

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Anwar Shakunda iyo gool hayaha xulka qaranka Cumaan, Faiz Al-Rushaidi

Waayadii dambe waxaa sii xoogaysanayay xiisaha ay dhallinyarada Soomaaliya u qabaan daawashada kubbadda cagta, tirada dadka garoomada u xaadira kulamada kooxaha ayaana sii badanaysay marba marka ka dambaysa.

Horyaalka Heerka Koowaad ee Soomaaliya ayaa hadda u socda si habsami leh, kooxuhuna waxay goor horeba loollan ugu jiraan sidii ay tartanka ugu guulaysan lahaayeen.

Waxaa jira ciyaaryahanno si gaar ah isha loogu hayo oo kooxaha kala duwan la safan, loona arko in ay laf-dhabar u yihiin kubbadda cagta Soomaaliya.

Cabdiqaadir Aadan Eenow

Ciyaaryahankan lagu magacaabo Cabdiqaadir Aadan Eenow, oo dad badan ay u garanayaan naaneystiisa "Benteke" waxa uu u ciyaaraa kooxda Heegan.

Cabdiqaadir Aadan Eenow

Xigashada Sawirka, HEEGAN

Kooxda Heegan ee ku ciyaarta magaca Booliska Soomaaliya ayuu ka mid yahay ciyaartoyda u diiwaangashan, waxa uuna u xirtaa funaanadda lambarka 9-aad.

Waa laacib ay qaabciyaareedkiisa dad badan jecel yihiin. Taageerayaal badan ayuu ku leeyahay magaalada Muqdisho, kuwaasoo si gaar ah ula socda kulamada uu qaybta ka yahay, una daawasho taga.

Tartamada kala duwan ee gudaha Soomaaliya ayuu ka qayb qaataa, sida koobka Tartanka Jeneraal Daa’uud, Supper Cup-ka Soomaaliya, iyo Horyaalka Heerka Koowaad.

Eenoow waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda xulka qaranka, isagoo Soomaaliya ku matala tartamada caalamiga ah.

Anwar Shakunda

Anwar Siid Cali Shakunda, waa ciyaaryahan da' yar oo weerarka uga ciyaara kooxda Dekedaha ee Horyaalka Heerka Koowaad ee Soomaaliya. Waxa uu xirtaa lambarka 10-aad.

Anwar Shakunda

Xigashada Sawirka, DEKEDAHA

Shakunda ayaa ka mid ah ciyaartoyda ay sida wayn uga baqaan daafacyada Soomaaliya, marka uu kubbadda qabtana wax badan ayuu ka beddelaa weerarka kooxdiisa.

Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu caansan Soomaaliya, isagoo xulka qarankana ku matala tartamada caalamiga ah.

Inkastoo Shakunda uu hadda 23 jir yahay, waxa uu magaciisa soo shaac baxay xilli uu aad u da' yaraa.

Xasan Santos

Xasan Santos waa laacib kale oo qaab ciyaareedkiisa si wayn loola dhacsan yahay.

Xasan Santos

Xigashada Sawirka, ELMAN

Dhinaca weerarka ayuu uga ciyaaraa kooxda Elman ee Horyaalka Heerka Koowaad ee Soomaaliya.

Waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ciyaaryahanka laf-dhabarta u ah kooxda Elman, mar kasta oo ay garoonka imaanayaanna ay jecel yihiin in uusan ka maqnaan.

Sidoo kale, waxa uu ka mid yahay laacibiinta xulka qaranka Soomaaliya ee ku matala ciyaaraha heerka caalami.

Maxamed Koulibaly

Ciyaaryahankan lagu magacaabo Maxamed Koulibaly waxa uu ka mid yahay laacibiinta ajnabiga ah ee ka ciyaara Horyaalka Soomaaliya.

Maxamed Koulibaly

Xigashada Sawirka, HEEGAN

Koulibaly waxa uu u dhashay dalka Ivory Coast, waana mid ka mid ah ciyaartoyda ugu xirfadda wanaagsan ee ku sugan Soomaaliya.

Muddo dheer ayuu ka ciyaarayay Soomaaliya, haddana waxa uu heshiis kula joogaa kooxda Heegan ee matasha booliska.

Dhanka weerarka ayuu ka ciyaaraa, waxa uuna goolal ka dhaliyay horyaalka sanadkan ka socda magaalada Muqdisho.

Marka laga soo tago ciyaartoyda muhiimka ah, dhanka macallimiinta ama tababareyaasha ka howlgala Soomaaliya waxaa si gaar ah isha loogu hayaa Cabdiweli Maxamed Maxamuud.

Cabdiweli Maxamed Maxamuud

Xigashada Sawirka, HEEGAN

Macallinkan oo lagu naanayso Cabdiweli Joon, oo leyliya kooxda Heegan, waxa uu ka mid yahay tababareyaasha ugu wanaagsan ee gacanta ku haya kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya.

Horay waxa uu macallin ugu soo noqday kooxo ay ka mid yihiin: Dekedaha, Horseed, Elman iyo Raadsan.

Waa tababare aad u kulul oo xirfadda ciyaaraha kusoo dhex jiray muddo ku dhow 30 sano. Xilligii uu ciyaarayahanka ahaa waxa uu xulka qaranka Soomaaliya u saftay intii u dhaxaysay 1994-tii ilaa 1996-kii.