Jasiiradda yar ee sida lama filaanka ah dhaqaalaha bilyanka gaadhaa u soo galo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dabayaaqadii 1980-meeyadii, markii internet-ku weli cusbaa, waddamada waxaa la siinayey cinwaanadooda gaarka ah ee degellada internetka si ay ugu yeeshaan astaanu gaar ah adduunka cusub ee dijitaalka ah. Tusaale ahaan, .us oo loogu talagalay Maraykanka ama .uk oo loogu talagalay UK - Boqortooyada Midowday.
Ugu dambayn, ku dhowaad waddan kasta iyo dhul kastaa Waxa uu helay cinwaan u gaar ah oo ku salaysan magaca Ingiriisiga ah ama luqaddiisa. Tani waxaa ku jirtay jasiiradda yar ee Kariibiyaanka ah ee Anguilla, taas oo heshay cinwaanka .ai.
Xilligaas dalkaas yar ee Anguilla, ma ay ogayn waxa mustaqbalku usii soo sido.
Iyadoo si degdeg ah kor ugu kacday Garaadka Macmalka ah ee loo yaqaan (AI), shirkado iyo shakhsiyaad sii kordhaya ayaa lacag ku bixinaya Anguilla, oo ah dal yar oo uu hor u guyamaystay Ingiriisku, si ay uga diiwaangeliyaan degello cusub cinwaanka .ai.
Isaga oo la hadlayey BBC, Mr Shah wuxuu sheegay inuu iibsaday ciwaan ku aroora dalkaas sababtoo ah wuxuu haystay "fikrad ku saabsan AI ah oo u oggolaan lahayd dadka inay abuuraan noocyo dijitaal ah, kuwaas oo qaban kara hawlo gaar ah oo ay u dhiibaan."
Tirada degellada .ai ayaa korodhay in ka badan toban jeer shantii sano ee la soo dhaafay, isla markaana labanlaabtay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay, sida ay baahisay mareeg diiwaan gelisa ciwaannada domain-ka.
Caqabadda haysata Anguilla, oo leh dad gaaraya kaliya 16,000, waa sida ay uga faa'iideysan karto fursaddan dhaqaale ee weyn isla markaana u beddeli karto il dakhli oo waarta oo mustaqbal fog ah.
Sida jasiiradaha yaryar ee kale ee Kariibiyaanka, dhaqaalaha Anguilla wuxuu ku dhisan yahay dalxiiska. Sanadihii u dambeeyay, waxa ay soo jiidatay martida suuqa safarrada raaxada, gaar ahaan kuwa ka imanaya Maraykanka.
Waaxda tirakoobka Anguilla ayaa sheegtay in sanadkii hore uu jasiiradda soo gaadheen tiradii ugu badnayd ee dalxiisayaal ah, iyada oo 111,639 qof ay xeebaha u nasasho tagaan.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si kastaba, warshadda dalxiiska ee Anguilla waxay khatar weyn kala kulantaa duufaannada xilliga dayrta. Anguilla, oo ku taalla waqooyiga-bari ee silsiladda jasiiradaha Kariibiyaanka, waxay si buuxda ugu taallaa aagga duufaannada ee Waqooyiga Atlantic.
Sidaas darteed, dakhliga sii kordhaya ee ka imaanaya iibka cinwaanada degellada wuxuu si weyn uga qayb qaadanayaa dhaqaalaha jasiiraddan. Arrintan ayaa ah mid uu si gaar ah u xusay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) warbixin uu dhawaan ka sameeyay Anguilla.
Dukumeentiga miisaaniyadda qabyo-qoraalka ah ee 2025, dowladda Anguilla waxay sheegtay inay ku heshay 105.5 milyan oo Doollarka Kariibiyaanka Bari ah ($39m; £29m) sanadkii 2024 iibinta magaceeda domain-ka. Taasi waxay ahayd ku dhowaad rubuc (23%) dakhliga guud ee sannadkaas. Sida uu sheegay IMF, dalxiisku wuxuu kaga jiraa qiyaastii 37%.
Dowladda Anguilla waxay filaysaa in dakhliga domain-ka .ai uu sii kordho, isagoo gaadhaya 132m Doollar Kariibiyaanka Bari sanadkan, iyo 138m sanadkan 2026. Tani waxay imaanaysaa iyadoo hadda ay jiraan in ka badan 850,000 degel oo .ai ah.
Maadaama ay tahay dhul ka tirsan Britain, Anguilla waxay hoos timaaddaa boqortooyada Britain, hase yeeshee waxay leedahay maamul gudaha oo heer sare ah oo u gaar ah.
UK waxay saamayn xooggan ku leedahay difaaca iyo amniga jasiiradda, sidoo kalena waxay siiyaan taageero dhaqaale xilliyo adag oo soo maray. Kadib markii duufaantii Irma ay si daran u waxyeellaysay jasiiradda 2017, UK waxay siisay Anguilla £60 milyan muddo shan sano ah si loo bixiyo kharashka dayactirka, khasaarihii ka dhashay duufaantaas.
Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarka ee UK (FCDO) ayaa u sheegay BBC inay soo dhoweynayaan dadaallada Anguilla ee ah "helidda siyaabo cusub oo hal-abuur leh oo lagu hormarinayo koboca dhaqaalahooda", taas oo ka caawinaysa inay gaadhaan isku-filnaan maaliyadeed ooAnguilla ah".
Si ay u maareyso dakhliga sii kordhaya ee magacyada domain-ka, bishii Oktoobar 2024 Anguilla waxay la gashay qandaraas shan sano ah shirkad Maraykan ah oo la yiraahdo Identity Digital, taas oo ku takhasustay diiwaangelinta magacyada domain-ka.
Horraantii sanadkan, Identity Digital waxay ku dhawaaqday inay dhammaan domain-yada .ai ka qaaday server-yadii Anguilla una wareejisay shabakaddeeda caalamiga ah ee server-yada. Tani waxaa loogu talagalay in looga hortago carqalado mustaqbalka ka iman kara duufaanno, ama khataro kale oo ku saabsan kaabayaasha jasiiradda, sida koronto go'ista.
Qiimaha saxda ah ee cinwaanada .ai lama shaacin, balse qiimaha is-diiwaangelintu wuxuu ka bilaabmaa ku dhowaad $150 ilaa $200, iyadoo kharashka cusboonaysiintuna la mid yahay laba-dii sanaba mar.
Dhanka kale, maadaama magacyada cinwaanadu ay sii cusub yihiinn, qaar ayaa lagu xaraashaa qiime jaban, iyada oo qaarkood lagu iibiyo boqolaal kun oo doollar Maraykanka ah. Milkiilayaasha cinwaanadani waa inay bixiyaan kharashka cusboonaysiinta sida qof walba.
Dhammaan xaaladahan, dowladda Anguilla ayaa helaysa dakhliga iibka, halka shirkadda Identity Digital ay qaadato saamigeeda heshiis oo la sheegay inuu yahay qiyaastii 10%.













