Ingiriiska oo tahriibayaal uu ku hayay jasiirad qarsoodi ah doonaya in uu raro dalka Yurub ku yaalla

Muhaajiriin

Dowladda Ingiriiska ayaa u soo bandhigtay daraasiin tahriibayaal ah oo go'doonsan, kuwaas oo sanado lagu hayay xero ku taal jasiirad qarsoodi ah oo ay leeyihiin milatariga Ingiriiska iyo Mareykanka oo ku taalla badweynta Hindiya, in ay si ku meel gaar ah loogu raro dalka Romania.

Lix bilood ka dib, ayaa waxay u wareegi karaan dalka Ingiriiska. Kuwo kale oo isla kooxdaan ah ayaa waxaa loo soo bandhigay in taakulo dhaqaale ay ku qaataan in ay aadan kuna noolaadaan dalka Sri Lanka halkaas oo ay ku wajihi doonaan maxkamadayn sida ay BBC du ogaatay.

Sannadkii 2021, daraasiin reer Tamil ah ayaa noqday dadkii ugu horreeyay ee weligood magan-galyo ka codsada jasiiradda Diego Garcia ka dib markii ay doontoodu ku ciladowday aaggaas.

Xaaladdan aan caadiga ahayn ayaa horseeday muran sharci oo dheer, iyadoo dowladda Ingiriiska ay sheegtay in keenista dadkaas gudaha Ingiriiska ay abuuri karto halis la xariirta "in waddo kale oo tahriibayaasha is dhiibaya ah ay ku furato".

Afhayeen u hadlay xafiiska arrimaha dibadda ayaa sheegay in wasiirradu ay ka shaqaynayeen sidii xal loogu heli lahaa daryeelka muhaajiriinta iyo "sidii loo ilaalin lahaa karaamada xuduudaha Ingiriiska ee Badweynta Hindiya".

Dib u dejinta muhaajiriinta aadka u nugul iyadoo dacwadahooda sharciga ah laga baaraandegayo waxay siinaysaa nafahooda "nabadgelyo iyo samaqab weyn", ayuu yiri yiri afhayeenku.

Dalabka ay dowladda Ingiriisku u fidiyeen muhaajiriinta Talaadadii, ayaa yimid ka dib markii Ingiriisku ay ku dhawaaqeen in ay madaxbanaani siin doonaan jasiiradaha oo ay ku jiro Diego Garcia. Si kastaba ha ahaatee, saldhigga milatari, wuxuu ahaan doonaa mid ku sii oolaan doona jasiiradaan.

BBC-du waxa ay si aan hore loo arag u heshay fursad ay waqti ugu bixiso gudaha jasiiradda Diego Garcia bishii hore si ay uga qaybgasho dhegaysi maxkamadeed oo ka dhan ah kooxda tahriibayaasha sida sharci darradaha ku yimid jasiiradda ee ku xaraysan xero uu dayr ku wareegsan yahay, taas oo ay ilaaliso shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo G4S.

Dhawaan ayaa la filayaa in go’aan laga gaaro kiiska.

Jasiiradda
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dawladda Ingiriiska ayaa ku doodday in heshiiska qaxootiga aanu dhaqan gal ahayn gudaha Jasiirada Ingiriiska ee Badwaynta Hindiya, sababta ayaana ah in “Dastuur ahaan dhulkaasi uu ka duwan yahay UK, inkasta oo laga maamulo Xafiiska Arrimaha Dibedda ee London.

Taa baddalkeeda, maamulka jasiiradahaan ayaa wuxuu sameeyay hannaan gaar ah oo lagu go'aaminayo haddii dadka reer Tamil lagu celinayo Sri Lanka iyo hadii la siin karo magangalyo caalami ah - taasoo ay Qaramada Midoobay sheegtay inay la mid tahay tan ku cad heerka qaxootiga.

Ilaa 56 Tamiliyiin ah ayaa haatan ku sugan Diego Garcia. Siddeed kale ayaa iyana loo geeyay Rwanda daryeel caafimaad ka dib markii ay is-waxyeeleeyeen ama isku dayeen inay is dilaan.

Inta badan muhaajiriint ayaa waxay sugayaan go'aanada la xiriira in ay heli doonaan magangalyada caalamiga ah ama in loo diido. Guud ahaan, siddeed ka mid ah dadkaan ayaa la siiyay magangalypo caalami ah.

Xagaagii aynu soo dhaafnay, sarkaalka ugu sarreeya ee maamula dhulkaas, Paul Candler, ayaa ka codsaday in dawladda Ingiriiska in ay dhammaan muhaajiriinta u soo rarto Ingiriiska sababo la xiriiray wax uu ku tilmaamay "xaalad khatar ah oo aan la sii wadi karin" oo ka jirta xerada taas oo ka dhex dhaceen falal badan oo isku day daldalaad ah.

Candler ayaa xilka ka dagay bil ka dib, isagoo warqad istiqaala ah oo ay heshay BBC ku sheegay in uu u arkay "xaaladda muhaajiriinta mid sii adkaaneysa" iyo "iyo in uu shaqsiyan dareemay in carqaladdu tahay mid aad u sii kordheysa".

Isagoo la hadlayay muhaajiriinta ku sugan xerada subaxnimadii Talaadada, ku-simaha guddoomiyaha dhulkaan, Nishi Dholakia ayuu sheegay in dowladda Ingiriisku ay tixgelisay codsigii hore ee maamulka jasiiraddan balse ay go’aansatay in ay "dadka u soo bandhigto fursado kala duwan".

"Dadka qaarkood waxay heli doonaan fursado ay ku aadayaan waddamo kale oo nabdoon kuwa kalena waxay heli doonaan fursad ay dalkooda ugu noqdaan si ikhtiyaarka ah," ayuu yiri.

Qareeno ka socda shirkado sharci oo ku yaalla Ingiriiska oo lagu kala magacaabo Leigh Day iyo Duncan Lewis, oo metelayay qaar ka mid ah muhaajiriinta, ayaa sheegay inay "muhiim tahay in xerada la xiro dib u dhac aan lagu samayn arrinkaas" iyo in dowladda Ingiriiska "ay u hesho xal macquul ah oo mustaqbalka fog anfaca dhammaan shakhsiyaadka iyo qoysaska dadkaan" .

Muhaajiriinta – kuwa jooga jasiiradaan iyo Rwandhaba - kuwaas oo horay u helaymagangalyada caalamiga ah, iyo sidoo kale qoysas wali kusagan xerada iyaga oo carruurtoodiiba, ayaa loo soo bandhigay in lageeyo "xarun ammaan ah" oo ay maamusho Qaramada Midoobay oo ku taalla dalka Romania ilaa iyo muddo lix bilood ah.

Teendhooyinka tahriibayaasha

Warqad ay BBC du heshay ayaa waxa lagu warglaiyay dadkaan in Ingiriisku uu lixdaas bilood u raadin doono xal waara oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah. Waxaa loo sheegay in ay wali door u leeyihiin in ay yeelaan xalalkaas iyo in ay diidaan intaba.

nin ka mid ah kooxda oo hadda ku sugan Rwanda, kana mid ah dadka loo soo bandhigay in ay u guuraan xarunta Romania ayaa ku tilmaamay "nafis aad u weyn" fursadaan. Tahriibe kale oo halkaas ku sugan ayaa isna sheegay inay ahayd "maalintii ugu farxadda badnayd muddo saddex sano ah".

Kuwa la diiday codsigoodii ahaa magangalyada ee aan ka tirsanayn xubnaha qoyska loo ogolaaday ee xerada ku sugan ayaa waxaa la dooran siiyay in ay dhaqaale qaateen si ay ugu noqdaan Sri Lanka. Sida ku cad warqad loo diray muhaajiriinta, oo ay aragtay BBC da, waxaa ku jiri doona dhaqaalaha £3,000 oo caymis caafimaad ah oo socon doona muddo saddex sano ah, hoy ilaa saddex sano ah, iyo fursado shaqo ama tababar ama waxbarasho.

BBC-du waxay fahamsan tahay in kuwa aan loo ogolaan magangalyada aysan weli ka daalin dhammaan jidadkii sharciga ah ee ay mari lahaayeen. Qareenada matalaya muhaajiriinta ayaa lagu wadaa inay u duulaan Diego Garcia si ay ula kulmaan macaamiishooda todobaadkan.

BBC da ayaa waxay booqatay xerada bishii la soo dhaafay, waxayna soo aragtay xalka ay ku nool yihiin dadka iyaga u tilmaamayay xaalado ay ka dayriyeen oo ay kula nool yihiin gudaha xerada, sida aqalada oo aan biyaha celineynin iyo wax ay ku tilmaameen “godod doolli oo ka qodon guryahooda”.

Gudaha mid ka mid ah teendhooyinka, oo ay seexdaan ilaa shan ama lix nin, nin ayaa kor u qaaday heensaraar ka koreeyay sariirtiisa si uu u muujiyo buul jiirar ka dhisteen meesha.

"Bal eeg, daloolka, waa god jiir,” ayuu mid kale yiri isaga oo si halhaleel ah farta ugu fiiqay teendhadiisa, halkaas oo go’yaal iyo shukumaano ay ka lusheen si qolal kale ay meesha ugu soo baxaan.

Tamilka waxa la siiyay sariiro ciidan oo cagaar ah oo ay ku seexdaan laakiin waxa dusha laga sii saaray alwaax ah iyo kartoonno fidsan si ay ugu raaxaystaan.

Boorar gacanta lagu qoray ayaa xerada ka dhex suran oo ay ku qoran yihiin hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “Waxaa naloola dhaqmaa sidii xayawaan qafis ku jira” iyo “Meeshani waa meel xun”.

Qaarkood waxay muujiyeen dadaallo lagu wanaajinayo xaaladooda nololeed, oo ay ku jiraan miis cunto oo ka sameysan sariiro, iyo sariiro geedo ah oo lagu dejiyay qolof qumbaha.

Dhowaan, waxaa la dhisay xayndaab gudaha ah oo kala qaybiyay xerada oo u dhaxaysa nimanka aan reeraha lahayni iyo qoysaska.

Gelitaanka jasiiradda ayaa si weyn loo xaddiday, waxaana muddo dheer lagu qarinayay xanta iyo sirta. Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay in labo duulimaad oo Mareykan ah oo lagu qaado maxaabiista ay ku degeen halkaas sanadkii 2002-dii balse waxay sheegtay in maxaabiistu aysan raacin diyaaradaha.

Qareennada dawladda Ingiriiska ayaa horraantii sanadkan ka soo horjeestay in BBC-da loo ogolaado inay gasho jasiiradda si ay uga qaybgasho dhageysiga dacwadda, laakiin maxkamadda sare ee Jasiiradahaas ayaa go'aan ku gaartay BBC-da in loo fasaxo howsha, iyadoo tiri"cadaalad waa in aan la samayn oo keliya balse ay tahay in la arko sida loo sameeyo".

Mareykanka - oo gacanta ku haya inta badan shaqaalaha iyo agabka Diego Garcia - ayaa markii dambe sheegay inay xannibi doonaan ruqsadda BBC da iyo qareennada u doodaya muhaajiriinta. Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay cunnada, gaadiidka iyo hoyga ay ka hor istaagi doonaan dhammaan dadka ka soo qeyb galaya dhageysiga dacwada, oo uu ku jiro xaakimka Ingiriiska.

Maamulka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa markii dambe oggolaaday in dhageysiga uu sii socdo, laakiin xayiraad lagu soo rago dhaqdhaqaaqa. Saraakiil dheeraad ah oo ka socday shirkadda G4S ayaa loo daabulay agga si ay uga BBC-da iyo qareennada galitaanka meelaha laga xadiday.

Haddii ay aqbalaan soo jeedinta Talaadada, dadka Tamil waxay wajihi aadi doonaan safar 4,600-mile (7,500km) ah oo ay ku tagayaan Romania ama safar gaaban oo Sri Lanka ah.

Iyada oo taagan bannaanka maxkamadda oo ay garab taagan tahay waalidkeed bishii hore, ayaa gabar yar oo 12 jir ah waxay sheegtay in tan iyo markii ay aragtay diyaarad milatari ee dulmaraya xerada, ay ku riyoonaysay inay noqoto duuliye - iyaduna ay duuli karto.