Duullaanka Ruushka: Ciidamo Muslimiin ah oo sheegay "xoreeyeen" magaalada Mariupol

Ramzan Kadyrov

Xigashada Sawirka, Reuters

Muuqaal Jimcaha maanta ah soo shaac baxay ayaa muujinaya ciidamada Chechnya ee ka garab dagaallamaya kuwa Ruushka oo hor taagan dhismo gubanaya oo ku yaal magaalada Mariupol.

Askarta muuqaalka ku jira ayaa sheegay inay "nadiifiyeen oo ay burburiyeen" magaaladaas ka tirsan Ukraine.

Muuqaalka ayaa waxaa lagu faafiyay barta uu Telegram ku leeyahay hoggaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov oo saaxiib dhaw la ah Madaxweyne Putin.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo ka falceliyay muuqaalka ayaa sheegay in "Mariupol ay tahay magaalo taqaana iska caabinta Ruushka."

Ruushka ayaa dhowr todobaad oo go'doomin iyo dagaal ah ku waday magaalo xeebeedkaas, waxaana ciidamada Ukraine ay ku hareen warshad birta samaysa oo ay ku go'doonsan yihiin.

Madaxweyne Putin ayaa maalin ka hor diidday in ciidamadiisa ay dhulka dhigaan warshadda, waxaana uu ugu baaqay dadka ku jira inay isu dhiibaan Ruushka si "loo badbaadiyo".

Ramzan Kadyrov ayaa inta badan barihiisa bulshada soo dhiga muuqaallo ku saabsan dagaalka Ukraine iyo guulo uu sheegay inay gaareen ciidamadiisa Chechnya.

14-kii March, waxa uu soo dhigay muuqaal uu ku sheegay inuu askartiisa kula kulmay meel u dhaw caasimadda Kyiv. Afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov oo la weydiiyay sax ahaanshaha muuqaalka ayaa ku jawaabay "war uma hayo in Kadyrov uu tegay Ukraine".

Ciidamada Muslimiinta Chechnya ayaa ka qeyb qaatay duullaano hore oo uu Ruushka qaaday, sida dagaalkii Georgia ee 2008, colaaddii Bariga Ukraine ee 2014 iyo dagaalka ka socda Suuriya.

Xooggaga Chechnya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xooggaga Chechnya

Waa kuma Ramzan Kadyrov?

Waxa uu xukunka la wareegay 2007, saddex sano kadib markii la khaarajiyay aabihii Akhmad Kadyrov, oo ahaa hogaamiyaha Chechnya.

Ramzan iyo aabihii ayaa ka wada qeybgalay labadii dagaal ee Chechnya. 1994 ilaa 1996 waxa ay u dagaallamayeen xooggagii xorriyad doonka ahaa, halka 1999 ilaa 2000 ay ka soo horjeedeen oo ay jireen dhinaca ciidamada Ruushka.

Dagaalka kadib, Chechnya ayaa si buuxda uga mid noqotay dal-weynaha Ruushka.

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay, Kadyrov ayaa gacan bir ah ku qabtay mucaaradkiisa, waxaana lagu eedeeyay gabood-fallo baahsan, gaar ahaan khaarajinta weriyayaasha.

Sanadkii 2017, Maraykanka ayaa ku soo rogay xayiraad, tacaddiyada lagu eedeeyay awgood.

Lama oga tirada ciidamada dhabta ah ee Chechnya ay u dirtay dagaalka Ukraine, hase yeeshee Kadyrov ayaa sheegay inay jiraan kumannaan mutadawiciin ah oo raba inay ka qeyb qaataan dagaalka.

16-kii March, kulan uu Madaxweyne Putin la yeeshay hogaamiyayaasha gobollada dalkiisa, ayaa waxa uu Kadyrov uga mahadceliyay ciidamada uu u diray Ukraine, isagoo ku yiri "igu salaan raggaas".