Dheeman hal bilyan oo sano jiray iyo lacagta la kala siistay

Dheemantan madow ee The Enigma oo miisaankeedu yahay 555.55 carat, ayaan asalkeedii wax badan laga ogayn

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dheemantan madow ee The Enigma oo miisaankeedu yahay 555.55 carat, ayaan asalkeedii wax badan laga ogayn

Dheeman nooca madow ah oo la rumaysan yahay in ay tahay dheemanta ugu miisaanka culus ee si fiican loo jaray, ayaa lala kala siistay 4.3 milyan oo doolar.

Xabbadan dheemanta ah oo la yidhaa The Enigma waxa miisaankeedu yahay 555.55 carat, oo u dhiganta xabbad muus ah miisaankeeda, ayaa markii hore la odorosay in lagu iibsan doono in ka badan 4.4 milayan oo Giniga Sterling-ka ah kolka lagu xaraasho internet-ka.

Shirkada xaraashka ee Sotheby ee iibinaysay dheemanta ayaa sheegtay in "qofkii iibsaday lacagta ku bixiyey hannaanka loo yaqaan cryptocurrency".

Waxa jira aragtiyo kala duwan oo laga qabo asalka dhagaxii laga soo jeemay dheemantan, waxaana ka mid ah mid odhanaysa in dhagaxaasi ahaa dhadhaab ka soo dhacday meerayaasha samada.

Shirkadda Sotheby may shaacinin qofka iibsaday magaciisa, laakiin markii heshiiskii la dhamaystiray ee lala kala wareegay lacagta cryptocurrency, ayaa ganacsadaha Richard Heart ku qoray bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada inuu isagu yahay qofka iibsaday The Enigma.

Wuxuu ku wargeliyey dadka ku xidhan bogiisa Twitter-ka oo kor u dhaafaya 180,000 oo qof "isla marka lacagta la shubo ee la lahaanshu igu soo wareego" johoraddaa waxa loo bixin doonaa "HEX.com Diamond" taas oo uu ula jeedo barta lagu kala iibsado lacagaha cryptocurrency ee uu isagu aasaasay.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Dheemantani waxay ka samayntahay maadada loo yaqaan carbonado oo ah nooca ugu adag dheemanka dabiiciga ah.

Dheemanka carbonado ahi aad buu dhif u yahay waxaana laga helaa oo keliya Brazil iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Maadaama oo dheemanka noocaas ahi ka samaysan yahay macdanka la yidhaa osbornite, oo ah nooc laga helo dhadhaabaha ka soo dhaca meerayaasha sare, waxa la rumaysan yahay in dhagaxii laga soo saaray dheemantani asalkiisi hore ahaa mid cirka ka soo dhacay.

Sotheby ayaa ku tilmaantay The Enigma mid ka mid ah "noocyada dhifta ah ee jiray halka bilyan ee sannadood oo ah mucjiysooyinka aadamuhu ku arkay koonka".

In kasta oo asalka dheemanka madow aan si cad loo garanayn, hadana waxa la rumaysan yahay in ay jireen ku dhawaad 2.6 ilaa 3.6 bilyan oo sanadood oo ah xataa intii ka horaysay waayadii noolaha Dinosaurs-ku jireen.

Dhulka laftiisa ayaa jiray 4.65 bilyan oo sannadood, taas oo ka dhigan in aanu wax badan ka da' weynayn dheemanka madow.