Xaggee marayaan dadallaada nabadeynta ee khilaafkii Boosaaso?

Cabdisamad Maxamed Gallan, oo wareysi gaar ah dhawaan siiyay BBC-da ayaa sheegay ayaa agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday waxa uu ku eedeeyay inuu weerrarka Boosaaso soo qaaday, wixii ka dhashayna uu mas'uuliyadeeda qaadi doono

Xigashada Sawirka, PSF

Qoraalka sawirka, Cabdisamad Maxamed Gallan, oo wareysi gaar ah dhawaan siiyay BBC-da ayaa sheegay ayaa agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday waxa uu ku eedeeyay inuu weerrarka Boosaaso soo qaaday, wixii ka dhashayna uu mas'uuliyadeeda qaadi doono

Puntland waxaa ka socda dadaallo nabadeed kadib dagaallo ka dhacay maalmihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso oo u dhaxeeyay ciidamo ka socday dhanka dowladda iyo ciidamada soo PSF.

Madaxweeynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo qaar ka mida isimada dhaqanka ayaa Garowe maanta gaaray inkasta oo hadda xaaladdu degantahay haddana wali lama gaarin xal kama dambeysa.

Madaxdan ayaa wadaa dadaallo la doonayo sidii xal waaro looga gaari lahaa dagaalka Boosaaso, waxay aqalka madaxtooyada Puntland ay kulan kula yeesheen madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaana magaalada maanta dib ugu laabanayay dadweynihii ka qaxay halkaas kadib dagaalkii dhawaan halkaa ku dhexmaray ciidamada Puntlanda iyo kuwa PSF-ta.

Waxaa isa soo tarayaa baaqyada ku saabsan in la joojiyo dagaalka, dadka baaqyada diray waxaa iyaguna ku soo biiray haweenka Puntland oo labada dhinac ugu baaqay in la xoojiyo nabdadda isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara dagaal iyo dhibaato hor leh.

"Dagaalkaa dhacay, dumarka waa dadka ugu nugul dhibaatada oo ay dhibaatadu gaartay marka uu dagaalku dhaco, runtii dadkii waaweynaa iyo dadkii jilicsanaa iyaga ayaa looga haray, dumarka waxay kaalin ka qaadanayaan nabadda iyo xasiloonida, baaqa wuxuu aadan yahay kaalinta gabdhaha ay ugu yeerayaan dhinacayda sidii loo joojin lahaa colaadda" ayay tiri Dr Hodan Saciid Ciise oo kamid ah haweenka ku nool Puntland xilli ay wareysi siineysay BBC-da.

Waxaana dib u furantay dekedda magaalada Boosaaso oo maalimihii lasoo dhaafay xirneyd.

"Saansaan nabadeed ayaa muuqata, odeyaashan waxaa la filayaa inay ka qeyb qaataan xal u helidda dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso" sida uu sheegayo weriye Axmed Cawil oo ku sugan Garowe.

Waxaa sidoo kale Boosaaso ku sugan isimada oo ku howlan nabadda, waxaana lagu wadaa inay qabtaan shir jaraa'id oo ay uga hadlayaan halka ay marayaan dadaallada nabadeed.

.

Xigashada Sawirka, PSF

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xaley warbaahinta la hadlayay ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabadda iyo midnimada.

''Dowladda dadkeeda dagaal kama waddo, diyaarna uma aha in bulshada dhexdeeda ay xabbad ka riddo, ciidanka dowladda waxay u dhisan yihiin in ay ilaaliyaan nabadda iyo ammaanka dadka reer Puntland,''ayuu yiri madaxweyne Deni.

Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay isdejiyaan, dowladdana ay ku dedaaleyso in nabad wax lagu soo dhammeeyo.

Duleedka Boosaaso waxaa ku sugnaa dadweyne ka qaxay dagaalkii dhawaan ka dhacay halkaas, madaxweynaha wuxuu ka codsaday inay dib ugu laabtaan guryahooda.

''Waxaan halkan baaq uga dirayaa dhammaan dadkii barakay ee ka maqan magaalada Boosaaso in ay dib ugu soo noqdaan guryahoodii,"

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bisha November soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay'adda PSF balse hoggaanka hay'addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay'addaasi ku tilmaamay sharcidarro, taas oo keentay dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.