Khilaafka ka dhashay hoggaanka PSF: Maxay salka ku heysaa xiisadda ka taagan Boosaaso?

.

Xigashada Sawirka, PSF

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland waxay sheegayaan in laga qaxay qeybo kamid ah xaafadaha halka la xiray iskuullada qaar kadib xiisadda ka dhex taagan maamulka Puntland iyo ciidamada PSF oo maalmahanba aloosneyd.

Maamulka Puntland wuxuu ciidamada la dagaalanka argagixisada ee PSF-ta ku eedeeyay in ay barakicin ka wadaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.

Duqa magaalada Bosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo shir jaraa'id qabtay saaka ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa PSF ay dadka ku garaacayaan guryaha oo ay ku khasbayaan in ay qaxaan.

Wuxuu intaa ku daray in xaaladda magaalada ay deggen tahay isla markaana shacabka ay ugu baaqayaan in aanay ka barakicin guryahooda.

"Boosaaso hadda kama jiro barakac la sheego, kaliya ah waxaa jiraa ciidamo joogo xarunta PSF-ka oo taliyihii la baddalay uu weli la joogo inay dadkii guryaha ku garaacayaan ay leeyihiin ka qaxa, iyadoo ula jeeddadu ay tahay in loo arko in Boosaaso uu dhib ka taagan yahay laakiin waxaan u caddeyneynaa in Boosaaso uusan ka jirin wax dhib ah, magaaladu ay deggen tahay, iskuulaadkii ay joogeen ayay ardeyda dib uga soo noqotay , waxaan amarnay in macaliminta ay ardeyda dib ugu celiyaan iskuulaadka, xaafadihii in sidii loo joogo in aanan la barakicin"

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bishan soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay'adda PSF balse hoggaanka hay'addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay'addaasi ku tilmaamay sharcidarro.

"Ciidamada PSF dowladda ayay kamid yihiin , waa ciidan dowladeed weeye, ma aha ciidan gaar ah, shacabka yaanan loo sheegin inay yihiin ciidan gaar ah, waana ciidamada agaasimahoodu uu madaxweynaha usoo magacaabi jiray, haddana uu xilkii ka qaaday agaasimihii hore una magacaabay agaasime cusub" ayuu yiri Duqa magaalada Boosaaso.

Duqa magaalada Bosaaso Cabdiqani Axmed ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda haatan taagan ay ka dhalatay amar diido ka timid agaasimaha PSF-ta ee la baddalay ee ku gacan seyray tallaabada xilka looga qaaday.

"Dadku waxaan u sheegeynaa in Boosaaso aysan wax dhib ah ka jirin, in aanay ka jirin wax khalkhal gelinayo amniga ay jiraan kaliya ah amar diido ka timid agaasime la baddalay oo diiday in uu xilkii wareejiyo"

Ciidamada ay soo bandhigeen PSF

Xigashada Sawirka, PSF

Qoraalka sawirka, Ciidamada ay soo bandhigeen PSF

Dhinaca kale, Ciidamada la dagaalanka aragigixsada Puntland ee PSF ayaa sheegay in lagu fashilmay tallaabo la doonayay in ciidamada la isaga horkeeno, kadib muuqaal ay soo dhigeen PSF bogga ay ku leeeyihiin Facebook.

Waxaa muuqaalka lagu arkayay tiro kamid ah ciidamada Puntland oo sheegayo in aanay diyaar u aheyn inay weeraraan PSF.

Maxay yihiin ciidamdaa PSF

Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.

Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

"Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen, Cabdullaahi Yuusuf-na uu dhawr goor ka cawday argagixiso iyo arrimahaasi in ay ka jiraan bariga, baa hay'addani loo ogolaaday in ay halka ka hawlgasho {xarunna } ku yeeshaan qolodaa Mareykanka," ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin waddo kale oo u furan hoggaanka hay'addaasi oo aan ka ahayn in agaasimaha PSF uu xilka ku wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni magacaabay.

Taliyaha ciidanka PSF, Cabdiraxmaan Maxamed Jamac iyo ku xigeenkiisa Cabdulqaadir Cabdi Axmed ayaa dowladda ku eedeeyay in ciidamo badan ay dhigtay waddooyinka magaalada Boosaaso, si loo xayiro dhaqdhaqaaqooda isla markaana "la isugu laayo ciidamada", waxayna mar kale sharcidarro ku tilmaameen xil ka qaadistii uu dhawaan madaxweynaha Puntland ku sameeyey agaasimaha hay'addaasi Maxamuud Cismaan.