Ching Xi: Maxaad ka taqaanaa Carawaleeda Shiinaha ee boqoroadda burcad-badeedka?

Xigashada Sawirka, UNKNOWN
Waxaan akhrinay sheekooyinkii boqortooyooyin badan oo aaday dalal kale oo halkaas ku jabiyay boqortooyooyinkii kale. Laakiin 200 sano ka hor, haweeney u dhalatay dalka Shiinaha oo burcad badeed ah ayaa lahayd in ka badan 1,800 oo markab.
Haweenaydan ayaa nolosheeda ka biloowday inay jirkeeda ka ganacsato iyadoo markaasi ku sugnayd gobolka xeebta ee Shiinaha.
Haweenaydan oo lagu yaqaanay rabshad, ciqaab waxashnimo ah, iyo ka ganacsiga jirkeeda ayaa waxay noolayd ilaa 1844. Ching Xi waxay ciqaabo xanuun badan marin jirtay dadka hoos yimaada.
Ching Xi waxay ku dhalatay Guangdong, Xinhui sanadkii 1775. Taariikhyahanadu ma awoodin inay ururiyaan macluumaadka ku saabsan xubnaha qoyskeeda iyo taariikhdeeda.
Qarnigii 18aad, ragga oo keliya ayaa ka qaybqaatay ka ganacsiga maraakiibta iyo badda. Hablaha jirkooda ka ganacsada ayaa ku badnaa maraakiibta taagan dekadaha iyo maraakiibta xeebaha ku xiran.
Taariikhyahanadu waxay rumaysan yihiin in Ching Xi ay bilowday inay jirkeeda ka ganacsato iyadoo lix jir ah.
Waqtigaas, Zheng Yi wuxuu ahaa burcadbadeed wuxuuna la dagaallamay boqortooyooyinkii Ching iyo Gwen An.
Wuxuu u dagaalamayey inuu taageero dhaxal -sugayaasha boqorrada Suryavanshi ee Vietnam iyo Zheng Ki qaraabadiisa ahaana waxa uu xilligaasi ahaa budhcad -badeedka ugu weyn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay guursatay burcad badeed
Intii lagu guda jiray mid ka mid ah weeraradiisii, Zheng Yi wuxuu la kulmay Ching Xi, waa ay is jeclaadeen, ka dibna waxay is guursadeen sannadkii 1801.
Zheng Yi wuxuu u ballanqaaday inay xaq u yeelan doonto kala bar hantida uu kasbaday. Ching Xi waa ay bogaadisay heshiiska waxayna isla markiiba aqbashay arooskiisa. Waxay markaasi da'deedu ahayd 26 jir.
Sannad ka dib arooskooda, Zheng Qi, oo qaraabo la ahaa Zheng Yi, waxaa gacanta ku dhigay ciidankii boqortooyadii Gwen Empire. Waxaa lagu qabtay Jiangping, oo u dhow soohdinta Vietnam, isla goobtii ayaana waa lagu dilay.
Isagoo fursadan ka faaiidaysanaya, Zheng Yi wuxuu isku soo uruuriyay dhammaan burcaddii la hoos shaqaysay hoggaamiye Zheng Qi waxa uuna u nqoday hogaamiye.
Zheng Yi wuxuu korsaday Zhang Bao Sai, oo ah wiil ka tirsan qoys kalluumeysato ah. Wuxuu jiray 15 sano oo keliya markii la afduubay oo loo dhiibay burcad -badeed 1798 -kii.
Zhang Bao wuxuu caawin jiray aabihiis xilligii duulaanka.
Zheng Yi wuxuu doonayay inuu hal calan isugu keeno dhammaan burcad -badeedda ka hawlgasha badda Shiinaha si ay ula tartamaan Boortaqiiska, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ching Xi waxay noqotay hoggaamiyaha burcadda
Ching Xi waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay mideynta burcadda. Waxay la hadashay madaxda burcadda. Xiriiradii ka samaysmay ka ganacsiga galmada ayaa iyagana caawiyay.
Dhammaan budhcad -badeedda ka hawlgasha Badda Shiinaha waxay isu yimaadeen 1805. Waxay sameysteen calan lix midab ka kooban. Midabadaasi waxay ahaayeen casaan, madow, buluug, caddaan, huruud iyo guduud. Dhammaantood waxay isku raaceen inay u dagaallamaan hoggaanka Zheng Yi.
Bilowgii qarnigii 19 -aad, Zheng Yi wuxuu noqday hoggaamiye burcad -badeed oo awood leh, oo leh in ka badan 70,000 burcad -badeed ah iyo in ka badan 1,200 oo markab. Awooddiisa gadaashiisana waxaa joogay Ching Xi.
Kooxda maraakiibta calanka gaduudan waxaa madax u ahaa Zheng Yi, waxaa ku xigay wiilkiisa Bao.
Muddadaas, Ching Xi wxaay dhashay laba wiil. Zheng Yingxi 1803 iyo Zheng Xiongshi 1807. Inkasta oo taariikhyahannada qaar ay ku andacoodaan in aysan waligeed ilmo dhalin.
Zheng Yi ayaa la rumeysan yahay inay dhintay maalmo kadib dhalashada wiilkiisa labaad. Wuxuu markaas ahaa 42 jir. Ching Xi waxay rabtay in qof kale uusan la wareegin taliska burcadda. Markaa, iyada oo kaashanaysa wiilkii uu korsaday, ninkeeda ee Zhang Bao, waxay isku koobtay awoodda.
Xiriirka Sharci -darrada ah ee Ching Xi
Shuruucda burcadda ayaan oggolayn in haweenay noqoto hoggaamiye. Waxaa la aaminsanaa waqtigaas in joogitaanka haweeneyda markabka ay keeni karto nasiib xumo. k dibna, Ching Xi waxay Zhang Bao ka dhigay hoggaamiyaha. Wax yar ka dib, Ching Xi waxay bilowday si tartiib tartiib ah u bilowday inay hogaanka qabato.
Qaar ka mid ah ilaha taariikhida ayaa sheegaya in Ching Xi ay sidoo kale xiriir dhow la lahayd Zhang Bao.
Zhang Bao magaca kaliya ayaa madax ka ahaa. Awoodda dhabta ahi waxay ku jirtay gacmaha Ching Xi. Kooxdan burcadda ah waxay lahaayeen sharci la mid ah tan ciidanka. Ixtiraamka kala dambaynta wuxuu ahaa mid khasab ah qofka ka soo horjeestana si xun ayaa loo ciqaabayay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii burcad -badeedku si xun ula dhaqmeen haweeney ku nool gobolka xeebta, dhegaha ayaa laga jarayay. Xitaa waxaa laga khasbayay inay dharka iska dhigaan oo burcadda kale hortooda lagu dilo.
Waxaa jiray bakhaar loogu talagalay badeecadaha la bililiqeystay waxaana qasab ahayd in la sameeyo liiska alaabta la dhacay ka hor inta aan la dhigin.
Waxaa la isku raacay in burcad -badeedda tuulooyinka in aysan waxyeello u geysan ama kufsan haweenka. Intaa waxaa dheer, diiwaanka tirada haweenka la qabtay ayaa la hayay, kuwii sida xun ula dhaqmay haweenkaasna waa la deldelay.

Xigashada Sawirka, Alamy
Dagaalka badda iyo weerarradii adkaa
Sannadkii 1808, Zhang Bao, oo ahaa garabkii Ching Xi, ayaa weeraray maraakiibtii Jeneraal Lin Guoliang de Humen si uu u dhaco tuulooyinka ku teedsan Webiga Pearl. Ilaa wakhtigaas, burcad -badeeddu si gardarro ah uma weerarin maraakiibta dagaalka ee Shiinaha. 35 maraakiibta dagaalka ee Shiinaha ayaa lagu burburiyay weerarkan.
Burcadda ayaa markaa weerartay aagga bari ee Jasiiradda Weiyuan ee Humen. Lieutenant Colonel Lin Fa Wo ayaa looga adkaaday dagaalka. Labadan weerar ayaa burcad -badeedda u gogol xaaray Webiga Pearl.
Sannadkii 1809 Sun Quanmou, oo ahaa hoggaamiyaha ciidanka gobolka Boqortooyada Qing, ayaa hareereeyay koox burcad -badeed ah meel u dhow Jasiiradda Dawanshan iyagoo wata 100 maraakiib dagaal ah. Burcadda ayaa durba fariin degdeg ah u dirtay Ching Xi.
Hoggaamiyihii kooxda Calanka Cad, Liang, ayaa la dilay intii lagu jiray weerarkan. Dhammaan maraakiibtii isaga ka amar qaadanaysay way burbureen. 25 markab oo Shiinees ah ayaa burburay.
Iyaga oo ka xanaaqay luminta Kooxda Calanka Cad, dagaalyahannada Calanka Cas iyo kuwa Calanka Madow ee uu hoggaaminayo Zhang Bao waxay burburiyeen dhammaan maraakiibtii ku dhawaa Webiga Pearl.
Intii u dhaxaysay July iyo September, in ka badan 10,000 oo qof ayaa dhimatay. Ilaa 2,000 oo qof oo rayid ah oo agagaarka Webiga Pearl deganaa ayaa sidoo kale la dilay. Intii ay burburinayeen tuulooyinka, si xun ayay u bililiqeysteen waxayna qabsadeen boqolaal qof oo tuulada deggan. Ching Xi ayaa kormeertay howlahan bililiqeysiga iyagoo wata 500 oo markab.
Waqtigaas, Macau wuxuu gacanta ku hayey Boqortooyadii Boortaqiiska. Xaaladdan oo kale, Boqortooyada Qing waxay weydiisatay caawimaaddiisa sidii loo joojin lahaa mawjadaha burcad -badeedda. Waxay hore u qabsadeen dhulkii Timor oo hoos iman jiray maamulka Bortuqiiska. Boortaqiiska, oo ka xanaaqay dhacdadan, ayaa durba sugayey aargoosi.
Markay ogaadaan in Ching Xi u timid Tung Chung Bay si ay u dayactirto maraakiibteeda, waa la hareereeyay.
93 markab oo uu hoggaaminayo Sun Quanmou ayaa gacan ka geystay guushan. Burcad -badeeddu waxay kaloo khatar ku ahaayeen ganacsiga badda ee gumeysiga Faransiiska. Tani waa sababta Faransiisku sidoo kale uga qayb qaatay dagaalkan.
Ching Xi maraakiibtiisii ma burburin, laakiin waxaa hubaal ah in la dilay 43 burcadbadeed ah. Taariikhda Shiinaha, waxaa loogu yeeraa "Tiger Maw Battle".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guurka wiilkii ay soo korsadeen
Ching Xi ayaa weydiisatay dowladda fasax ay ku guursato wiilkeeda ay korsatay, ee Zhang Bao.
Ching Xi iyo Zhang Bao waxay dhaleen wiil iyo gabadh lagu magacaabo Zhang iyo Yulin. Zhang Bao wuxuu dhintay 1822 isagoo 36 jir ah. Ching Xi waxay ku noqday Guangdong. Waxayna halkaas ka aasaastay guri khamaarka lagu ciyaaro sidoo kalana lagu iibiyo gabdhaha jirkooda ka ganacsado. Ching Xi, waxay dhimatay iyada oo jirta 69 sano.










