Midowga Afrika oo ka arrinsanaya khilaafka ka dhashay muddo kororsiga Farmaajo

Midowga Afrika

Xigashada Sawirka, AFP

Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inay maanta ka shiraan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gaar ahaanna muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar sii horreysay ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ku laabtaan miiska wada hadalka, kaddib muddo kororsigii lagu murmay ee baarlamaanka Soomaaliya uu u sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha Midowga Afrika ee dhexdhexaadinta wada hadallada.

Madaxda Urur-goboleedka IGAD ayaa ka mid ah saraakiisha shirka maanta ka qeyb galaysa.

Bayaan ay IGAD soo saartay shalay ayay dhankooda ku baaqaeen in hoggaamiyayaasha Soomaalida ay dib ugu soo laabtaan miiska wada-xaajoodyada, balse laguma xusin bayaanka in wadaxaajoodyada lagu saleeyo heshiiskii 17-kii September.

Arrintan waxaa ka biya diiday qaar ka mid ah madaxda Soomaalida oo uu ka mid yahay gudgoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari oo sheegay In IGAD aanay la safnayn beesha caalamka oo markasta hoosta ka xariiqda in heshiiska 17 Sebtembar uu yahay waddada keliya ee lagu gaari karo doorashooyin dalka ka qabsooma .

Balse afhayeenka IGAD Nuur Maxamuud Sheekh oo BBC-da la hadlay ayaa tuhunkaasi meesha ka saaray isaga oo sheegay in IGAD ay taageersan tahay mowqifka Midowga Afrika ee ah in doorashada lagu saleeyo heshiiskii 17-kii september.

"IGAD waxay taageersan tahay qorshaha Midowga Afrika ee ah in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay wada xaajoodyada dib ugu soo laabtaan, taas oo dardar gelineysa in la qabto doorasho waqtigeedii ku dhacday isla markaana ah xaq iyo xor laguna saleeyay heshiiskii 17 September, sidaas daraaddeed dadka Soomaaliyeed waa inay ka wada xaajoodaan dhammaan arrimaha taagan ayna gaaraan heshiis iyadoo la eego danta dadka Soomaaliyeed,"

Afhayeenka oo aan sidoo kale waydiinnay su'aal ahayd in IGAD ay taageersan tahay muddo kordhinta ay Golaha Shacabka u sameeyeen madaxwaynaha iyo in kale ayaa sheegay in arrintaasi ay Soomaalida u taallo.

"Hagaag, kama hadli karo arrintaas, sida aan la soconno Aqalka Hoose ayaa ka baaraan degay arrintan isla markaana kordhiyay muddo-xileedka baarlamaanka iyo madaxnaha, laakiin taas kama hadli karo. Balse haddii aan IGAD nahay waxaan dadka Soomaaliyeed ku boorrineynaa inay ka baaraan degaan arrimahan ayna la yimaadaan heshiis ay Soomaalidu hormuud ka tahay. IGAD ma aha cidda go'aanka ka gaareysa waxa Soomaalida u fiican, Soomaalida ayaa taqaanna waxa dadkooda u fiican."

Somalia elections

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Midowga Afrika inay hoggaanka u qabtaan wada hadallada doorashada, xilli uu dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, ahna guddoomiyaha midowgaas Felix Tshisekedi uu toddobaadkan dhexdiisa kula kulmay caasimadda dalkaas ee Kinshasa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowr fududeyn ah, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 12-kii bishan muddo labo sano ah xilka ugu kordhiyay madaxweynaha, taas oo ay ka biya diideen maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland iyo sidoo kale mucaaradka.

Soomaaliya ayaa ku guul darreysatay inay qabato doorashada madaxtinnimo, kaddib markii ay fashil ku dhammaadeen wada hadalladii dowladda federaalka iyo labadaas maamul-goboleed.

Sidee ayay mucaaradku uga fal celiyeen shirka maanta ee Midowga Afrika?

Badbaado Qaran

Xigashada Sawirka, JOWHAR

Madasha badbaado qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ugu baaqay Midowga Afrika inay diidaay muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo.

"Salka wada xaajood walba waa inuu noqdaa diidmada muddo kororsiga sharci darrada ah, in miiska wada hadallada lagu laabto si degdeg loogu qabto doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September iyo xal u helidda arrimaha taagan," ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah warsaxaafadeedka madasha.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada Afisiyoone ayaa natiijo la'aan ku so dhamaaday markii dhinacyadu ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, wax tanaasul ahna la heli waayay.

Madasha ayaa sidoo kale shaacisay go'aannadii ay qaadatay "Go'aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan"

Waxay sidoo kale sheegay in go'aankaas uu khatar ku yahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya iyo tan dadka Soomaaliyeed.