Guddiga farsamada oo ku heshiiyay Baydhabo

.

Xigashada Sawirka, SNTV

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in guddiga farsamo ee ka kala socday dowlad goboleedyada, dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir ay xal ka gaareen arimaha la isku hayay ee doorashada Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay soo saareen guddiga ka koobnaa dhinacyadaas ayay ku sheegeen in kulamadii dhacay maalmihii la soo dhaafay diiradda lagu saaray xal u helidda arrimaha kala ah: cabashada laga muujiyay xubnaha guddiga doorashooyinka, xal u helidda guddiga doorashooyinka kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, qoondada dumarka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada.

Waxaa kale oo ay sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan arimihii uu khilaafkii ka taagnaa, waxayna intaa raaciyeen in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan.

Guddiga ayaa ugu baaqay madaxwaynaha, ra'iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada inay Khamiista beri ah isugu yimaadaan kulan lagu saxiixayo wixii lagu heshiiyay.

Inkastoo guddiga aanu faahfaahin ka bixin qodobada lagu heshiiyay, gaar ahaan arrimihii ugu darnaa oo ay kamid tahay arrinta Gedo, ayaa haddana dhanka kale waxaa muuqata in xalka la gaaray uu soo afjari doonaa culeyskii ka taagnaa qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo xilligii loo asteeyay kadib dhacday.

.

Xigashada Sawirka, SNTV

Arrintan ayaa timid kadib markii ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada shirka golaha wadatashiga qaranka, si xal looga gaaro khilaafka harreeyay doorashada.

Kulan horraantii bishan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka ku dhexmaray magaalada Dhusamareeb ee Galmudug ayaa fashil ku dhamaaday, kadib markii la isku mari waayay qodobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan ka tirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku hayso dowladda federaalka.

Hadda se waxaa muuqata in wadahadalkan guddigu ay sheegeen in uu mira-dhalay loo wajahay si ka duwan sidii hore, maadaama kulamadii hore ay isa soo hor farriisan jireen madaxda labada dhinac.

Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe cadaadis iyo baaqya kala kulmayay beesha caalamka iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, dalkana ay ka dhacdo doorashada la isla oggol yahay.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.