Ajay Devgn: Qoyskeennu wuxuu la qalbi jabsan yahay geerida nagu dhacday

Ajay Devgn wuxuu ka mid yahay jilayaasha ugu caansan Bollywood-ka

Xigashada Sawirka, @ajaydevgn/Twitter

Qoraalka sawirka, Ajay Devgn wuxuu ka mid yahay jilayaasha ugu caansan Bollywood-ka

Jilaaga shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood, Ajay Devgn iyo qoyskiisa ayaa ka baroordiiqaya geerida ku timid walaalkiis Anil Devgan, oo dhintay maalintii Isniinta.

Atooraha ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay geerida walaalkiis, isagoo sheegay in dhammaan qoyskiisu ay "ka qalbi jabsan yihiin" dhacdadaas.

Anil Devgan ayaa agaasime ka ahaa labo filin oo uu jilay Ajay, kuwaasoo kala ah Raju Chacha iyo Blackmail.

Anil Devgan ayaa geeriyooday Isniintii

Xigashada Sawirka, @ajaydevgn/Twitter

Qoraalka sawirka, Anil Devgan ayaa geeriyooday Isniintii

Wuxuu sidoo kale ahaa agaasimaha dhinaca hal abuurka ee wiilka uu dhalay atooraha, Sardaar.

"Xalay waxaan waayay walaalkey Anil Devgan. Geeridiisa xanuunka leh way qalbi jabisay qoyskeenna. Aniga iyo ADFF waan u xiisi doonnaa joogitaankiisii. Usoo duceeya. Cudurka safmarka ah awgiis, uma sameyn doonno kulan duco ah," ayuu Ajay ku yidhi bartiisa Twitter-ka.

Taageerayaasha Ajay ayaa qoyska u muujiyay inay la garab taagan yihiin duco.

Ka bood Instagram boggan
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan

Ajay aabihiis, oo ka mid ahaa agaasimeyaasha filimada ee ugu waaweyn shirkadda Bollywood-ka, Veeru Devgan, ayaa geeriyooday sanadkii lasoo dhaafay.

Bishii May ayuu jilaagu Twitterkiisa kusoo bandhigay xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dhimashada aabbihiis. Wuxuu soo dhigay sawirro midabkoodu caddaan iyo madow yahay oo ay la socdaan qoraallo murugo leh.

Ajay wuxuu ku caan baxay filimada dagaalka

Xigashada Sawirka, Ajaydevgn/Instagram

Qoraalka sawirka, Ajay wuxuu ku caan baxay filimada dagaalka

Veeru wuxuu kasoo qeyb qaatay ilaa 80 filim oo ay ka mid yihiin Lal Baadshah iyo Ishq. Wuxuu sidoo kale agaasimay filimka Hindustan Ki Kasam, oo soo baxay sanadkii 1999-kii, kaasoo ay ka dhex muuqdeen jilayaasha kala ah Amitabh Bachchan, Ajay iyo Manisha Koirala.

Ajay filimkii ugu dambeeyay ee lagu arkay wuxuu ahaa Tanhaaji, oo soo baxay horaantii sanadkan.Filimka xiga ee la filayo in lagu daawado waa Bhuj, oo ay isla jilayaan Sanjay Dutt, Sonakshi Sinha iyo kuwo kale. Filimkaas ayaa goor dhow laga sii deyn doonaa bogga Disney+ Hotstar.