Marxalad hor leh miyuu galay xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya?

.

Xigashada Sawirka, Hiraan Online

Qoraalka sawirka, Axmed Ciise Cawad oo la kulmay madaxweynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullahi Deni

Kaddib markii wafdi ballaaran oo dowladda federaalka ay gaareen Garowe oo ay la kulmeen Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, waxay la is weydiinayaa waxa iska baddeli karo xiriirka labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hoggaaminayay wafdiga ballaaran ee Garowe tegay ayaa sheegay in Garowe ay u tageen in Madaxweynaha cusub ee Puntland u gudbiyaan salaan ay ka sideen madaxda sare ee dowladda.

Madaxweynaha cusub, Saciid Cabdullahi Deni ayaa la doortay kaddib markii madaxweynihii hore ee Puntland uu ku haray wareegga koobaad ee doorashada Puntland. Puntland ayaa horay xubin muhiim ah uga ahayd golaha iskaashiga maamul goboleedyada Soomaaliya, oo khilaaf weyn uu kala dhexeeyo dowladda dhexe ee federaalka.

In kastoo bilihii lasoo dhaafay ay sii wiiqmeysay awoodda iskaashi ee maamul goboleedyada, haddana maxaa laga filan karaa Madaxweyne Deni iyo nooca ay tahay tallaabada uu qaadi doona.

Astaamo muujinaya xiriir wanaagsan

Booqashada wafdiga dowladda federaalka ayaa loo arkaa inay astaan wanaagsan u tahay marxaladda cusub ee uu geli karo xiriirka labada dhinac, madaama mdaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Cali Gaas uu hormuud u ahaa madaxdii maammul goboleedyada ee xiriirka u jaray dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Maxamed Nuur Caalin, oo aqoon dheer u leh Siciid Cabdullaahi Deni, isla markaana horay ula soo shaqeeyay ayaa BBC-da la wadaagay aragtidiisa ku aaddan arrintaas.

Waxa uu inoo sheegay in uu Siciid yahay nin 30-kii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya isla markaana siyaasadda ku soo biiray dabayaaqadii 1990-meeyadii.

Arrinta federaalka

.
Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada

Hase ahaatee marka la eego xiriirka dhex mari kara isaga iyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku tilmaamay mid laga yaabo in uusan yeelan weji fiican.

"Markaad eegtid madaxweyne Farmaajo iyo mas'uuliyiinta hadda maamulka haya, haddii la is barbar dhigo Siciid iyo Cabdiwali Gaas, waxaa maamulka Farmaajo aad ugu dhow Cabdiwali Gaas. Sababtoo ah Siciid waa nin aad u aaminsan qadiyadda federaaleynta, waa nin aad ula dhacsan hannaanka ay ku socdaan kooxda hadda mucaaradka ku ah dowladda dhexe, waa nin Farmaajo kula loollamay doorashadii madaxweynaha federaalka, wax soo dhaweyn ah kama uusan helin dowladda Farmaajo, marka waxaan filayaa in Siciid meeshii uu ka taagnaa khilaafka u dhexeeyay Federaalka iyo maamul goboleedyada uu meel kasii fog ka istaagi doono", ayuu yiri Mr Caalin.

Ol'olaha ka dhanka ah madaxda dowladda Federaalka

Dhanka kale Maxamed Nuur Caalin ayaa xusay in madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay uu yahay qof u dhow garabyada mucaaradka ee dhaqdhaqaaqyada ka wada Soomaaliya.

"Waxaa lagu tiriyaa iney isku dhow yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ila tahay in hadda uu ku biiri doono kooxda isbaddal doonka ah ee u xusul duubeysa in wax laga baddalo dowladda Muqdisho fadhisa" ayuu yiri.

Hase ahaatee waxa la sugayaa waa wajiga uu rasmi ahaan u yeelan doono xiriirka maamulka Puntland, ee madaxweynaha cusub loo doortay maanta iyo dowladda Federaalka, oo iyadana la rumeysan yahay iney isha ku heysay natiijada doorashada.