UNHCR oo haweenay Sucuudiyad ah ka saartay madaarka Hongkong oo ay ku xayirnayd

Xigashada Sawirka, EPA/THAI IMMIGRATION BUREAU
Booliska socdaalka ee Thailand ayaa sheegay in gabadh sideed iyo toban jir ah oo ka baxsatay qoyskooda oo Sucuudi ah horraantiitodbaadkan ay haatan ka baxday madaarka Bangkok oo ay ku xayirnayd oo ay "gacanta ku hayso" hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.
Saraakiisha socdaalku waxay isku dayeen in ay Rahaf Maxamed al-Qunuun oo 18 jir ah ku celiyaan Kuwait oo qoyskoodu deganyihiin.
Laakiin way diiday in ay raacdo diyaaradda oo waxay isku soo xidhay makhsin ku yaal hudheel ku dhex yaal madaarkaas.
Waxaanay sheegtay in ay qoyskeedu qudha ka jari doonaan hadii ay ku noqoto maadaama oo ay Islaamka ka baxday.
Rahaf oo wakaaladda wararka ee Rueters la hadashay ayaa waxay tidhi "Walaalladay, qoyskayaga iyo saraakiil safaaradda Sucuudiga ka socda ayaa igu sugaya Kuwait. Noloshaydu halis bay ku jirtaa, waxaanay qoyskayagu iigu hanjabeen in ay qudha iga jarayaan."
Ehelkeedu weli kama ay hadal waxaa ay ku tiraabtay.
Ururada xuquuqal insaanka u dooda oo ay Human Rights Watch na ku jirto ayaa walaac weyn ka muujiyay duruufta Rahaf oo doonaysay in ay Thailand ka sii raacdo diyaarad kale oo Australia tagaysay halkaas oo ay rajaynaysay in ay magangelyo ka dalbato.
Rahaf Maxamed al-Qunun ayaa xaaladda haysata waxa ay dadka kula wadaagtay barta Twitter-ka, iyadoo sheegtay: "Maadaama aanan waxba gacan ku hayn waxaan haatan doonayaa inaan idinla wadaago magacayga dhabta ah iyo dhammaan xogtayda."
Sidoo kale waxa ay dadka la wadaagtay sawirka baasaboorkeeda "Waxaan sidan u sameynayaa waxa weeye inaad ogaataan inaan ahay qof jiro oo dhab ah".
Farriin kale ayaa leh: "Waxaan ka cabsanayaa in qoyskeyga ay I dili doonaan."
Kiiskan ayaa waxa uu u eg yahay kiiska haweeney kale oo Sucuudiyad ah taas oo bishii Abriil ee 2017 ku sii socotay waddanka Australia.
Dina Cali Lasloom, oo 24-jir ah, ayaa ka soo kicitintay dalka Kuwayt iyadoo ku sii hakatay dalka Philippines, hasayeeshee waxaa dib loogu celiyay dalka Sucuudi Carabiya iyadoo qoyskeeda ay ka soo dhoofiyeen garoonka diyaaradaha ee Manila.
Waxa ay isticmaashay taleefanka qof Kanada u dhashay oo dalxiise ah si ay farriin u dirto iyo muuqaal la soo dhigay barta Twitter-ka, iyadoo leh qoyska ayey suuragal tahay inay I dilaan.
Sida uu xaalkeeda yahay ma ay jirto cid war ka haysa tan iyo markii ay gaartay dalka Sucuudi Carabiya.










