Soomaaliya dan ma ugu jirta shatiyada la siinayo kalluumeysatada ajnabiga?

.
Qoraalka sawirka, Mid kamid ah maraakiibta ilaaliya xeebaha Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay muddo 30 sano ah maanta magaalada Muqdisho ku saxiixday heshiis si daah furan loogu bixinayo shatiyo kalluumeysi oo la siinayo iskaashatooyin ka soo jeeda dalka Shiinaha.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in shatigan la siiyay iskaashatada COFA ee dalka Shiinaha oo leh 31 maraakiib ah.

Shatiyadan oo gaaraya 31 ayaa lagu bixiyay lacag dhan hal milyan oo doolar-ka Mareykanka ah, waxaana heshiiskan saxiixay wasaaradda kalluumeysiga ee soomaaliya.

Shatiyada in la bixiyo waxaa fududeeyey heshiis 10-kii bishii Febraayo magaalada Muqdisho ku dhex maray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo qeexayay sida loo kala leeyahay shaqada iyo in dowladda dhexe ay leedahay awoodda bixinta shatiyada kalluunka.

Dowladda ayaa sheegtay in lacagtan ay si toos ah ugu dhici doonto bangiga dhexe, isla markaana aanan la bixin doonin ilaa iyo inta la isku afgaaranayo qeybsiga kheyraadka Soomaaliya.

Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka ayaa sidoo kale sheegtay in Iskaashatada COFA ay saxiixday in ay la bixi karto kalluunka Tuna oo kaliya ah.

.
Qoraalka sawirka, Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Soomaaliya Cabdillahi Bidhaan Warsame.

Sidee lagu ogaan karaa kalluunka ay la baxayaan?

Inkastoo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya aysan awood u laheyn la socodka maraakiibta ka kalluumeysta badaha Soomaaliya iyo ammaanka badaha, hadana dowladdu waxa ay sheegtay in shirkadahaasi la siiyay shatiyada markasta loo yeeri karo.

''Inta awooddeenna ah waan dadaali doonnaa, waxaan ku ogaan karnaa heshiiskii aan la galnay oo dhigaya in marka aan doonno aan ugu yeeri karno dekedaha Muqdisho iyo Bosaaso, si aan u ogaano nooca kalluun ee aan u fasaxnay iyo inta uu la egyahay''. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Soomaaliya Cabdillahi Bidhaan Warsame.

Hase yeeshee, qaar kamid ah iskaashatooyinka kalluumeysatada yar yar ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan arrintan.

''Haddaan nahay kallumeysatada yar yar ee Soomaaliyeed walaac ayaan ka qabnaa heshiiskaasi, maxaa yeelay naloo ma sheegin cidda ilaalineysa, yaa kontorolaya maraakiibtaasi haddii ay yimaadaan goobaha ay ka kalluumeystaan kalluumeysatada yar yar''. ayuu BBC-da ku yiri Xassan Maxamed Rooble oo ah guddoomiyaha daladda iskaashatooyinka kallluumeysiga.

.
Qoraalka sawirka, Kalluumaysatada magaalada Kismaayo

Dhanka kale madaxa hay'adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed Admiraal Faarax Qare oo isna BBC-da la hadlay ayaa sheegay in uusan ka war heyn heshiiskan lala galay shirakadahaasi.

''Xilligii ay jirtay Dowladdii hore waxaa wax lagu xaqiijin jiray Markab dushiisa ayaa la saari jiray dad kormeerayaal ah oo mararka qaar gaarayay toddobo ruux, kuwaasi ayaana hubin jiray heshiiska''. Waxaa sidaasi yiri Faarax Qare.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadahaasi ay maalin walba soo gudbin doonaan warbixin ku saabsan waxa ay la baxeen iyo inta uu la egyahay.