Mooshinka Farmaajo: Dareenka kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed

Xildhibaanno kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoonka u gudbiyey mooshin ay ku doonayan in ay xilka uga qaadaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyagoo sheegay inuu dastuurka baalmaray.
Qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa habeenkii Axadda ahaa waxa ay isugu soo baxeen bannaannada iyagoo ka soo horjeeda mooshinka la horkeenay baarlamaanka Soomaaliya ee lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan, 1
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan, 2
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan, 3
Dadka Soomaaliyeed ee baraha bulshada ayay arrintan aad u kala qeybisay, waxayna billaabeen in ay dareenkooda cabbiraan.
Qaar ka mid ah dadkaas waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin mooshinka cusub, waxayna sheegeen in lagu degdegay, ayna curyaamin karto dawladnimada Soomaaliya ee curdanka ah.

Dadka arrintaas qaba waxaa ka mid ah:
Axmad Xaashi Muxamad waxa uu ka mid yahay dhagaystayaasha BBC "runtii waa ayaan darro inteeda la'eg in shacabka soomaaliyeed ay dib u maqlaan dhawaaqa isjiidjiidka iyo hardanka siyaasadeed ee ka dhex aloosan golayaasha sare ee dalka, kaas oo indhawaalaba laga nastay, inkatoo islaxisaabtanka iyo iskorjoogtaynta hay'adaha dowladdu ay muhiim tahay haddana waxaan leeyahay gacmo geel-jire hoos baa loo dhaqaa ee madmadow kasta oo jira waa in si hoose loo dhameeyo...".
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan, 5
Balse waxaa jira dad kale oo qaba in xildhibaannadu ay ku saxan yihiin in ay la xisaabtamaan madaxda dalka ayna qabsanayaan hawshii loo igmaday.
Jaamac Cali Saame, waxa uu ka mid yahay dhagaystayaasha BBC "mooshinka laga keenay madaxweyne Farmaajo waa mid ay xildhibaanada barlamaanka u mareen hanaan sharci ah waxaan xusid mudan in barlamaanka uu mas'uul ka yahay dalka iyo dadka, Madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Kheyre waxaa nasiib daro u ah in ay heer fiican ka gaareen siyaasada arimaha dibadda balse ay xalin waayeen siyaasada arimaha gudaha, taasina waxay tusaale u tahay sababta keentay mooshinka oo ah in siyaasada iyo hanaanka dalka la rabo in dowlado shisheeya loo dhiibo, xildhibaanada waxaan ugu baaqi lahaa cid walba oo ku xad gudubta sharciga waa in xilka ay ka qaadaan"
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan, 6
Mooshinka ka hor, madaxweynaha dawladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo golayaasha shacabka inay is fahamsan yihiin,
Waa mooshinkii ugu horreeyay ee laga keeno Madaxweyne Farmaajo, lamana saadaalin karo halka uu ku danbayn doono.










